Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw-Good Oo Si Diiran Hargeysa Loogu soo dhaweeyay

 


Waxa Maalintii shalay si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa Suldaanka cusub ee Beelaha Ba¢Dhulbahante [Habar Yoonis] Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw Good oo Axadii todobaadkan lagu caleemo saaray Magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Oodweyne.

Waxaana Suldaanka iyo wafdigii la socday si wayn u soo galbiyay boqolaal gaadiid ah oo ay saarnaayeen dad aad u tiro badan kuwaas oo kaga hor tagay meel aad uga durugsan caasimada ka dibna u soo galbiyay ilaa gurigii loo qorsheeyay inuu dego Suldaanku.

Intii soo dhawaynta suldaanku socotayna waxa galbis lagu soo mariyay dariiqyada waaweyne ee Magaalada taas oo maalintii shalay abaaro salaadii duhur horteed si wayn looga dareemay magaalada isla markaana meelo kala duwan lagu arkayay boqolaal gaadiid ah oo ay lagu dhejiyay sawirka Suldaanka isla markaana ay saran yihiin boqolaal qof oo sita caleemo qoyan.

Hadaba Suldaanka cusub Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw-good ayaa hadal kooban oo mahadnaq ah ka jeediyay halkaas, Suldaanka oo hadlayaana waxa uu yidhi "Anigu waxaan ahay Suldaan cusub oo ku soo biiray salaadiintii Somaliland, Saldanada anigu maan raadsan waa la ii doortay waa la isoo xulay dhegtaa la isoo qabtay anigoon diyaar u ahayn, sidaa markay tahay maadama oo aan aniguna aqbalay oo ay tahay inaad xilka hadii lagu doortay aqbasho ay sune tahay xilka hadii lagu doortay inaad aqbasho oo aanad adigu doonan, waxa weeyaan mar hadan ku soo biiray salaadiinta Somaliland dadka reer Somaliland oo dhan qofkii arintiisu I qabsato ee saldanadaa la ii doortay wax iiga baahda si hagar la¢aan ah baan wax ugu qabanayaa."


Intaa ka dib waxa uu Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw-good ugu baaqay dadkii tirade badnaa ee uu la hadlayay inay ilaaliyaan nabad galyada isla markaana ka hor tagaan wax kasta oo dhibaataynaya, waxa kale oo Suldaanku sheegay in taladiisu tahay oo uu doonayo inuu dadka ku dhaqo diinta Islaamka isaga oo tilmaamay in xilka loo dhiibay culus yahay oo ay Illaahay uga baryaan inuu u fududeeyo. Mar labaad waxa uu mahadnaq u soo jeediyay dadka reer Hargeysa iyo dadka reer Somaliland sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo wanaaga lagu qaabilay.



Ali Jama
Caateye2006@yahoo.com