Suldaan Maxamed Oo
Xukuumada Ku Eedeeyey Inay Qaaday Tal aa booyinkii Hangashtii, Qaar
Ka Mid Ah 5 ta Wasiir Ee Gogol Xaad hka Wadahadalada S/land Iyo
Somalia-na Ku Tilmaamay Kuwo Dhalashadoodu 60-Kii Ka Dambaysay
“Waar Waxgarad, Aqoonyahan Iyo Taariikh Yahan Somalilanders Dhab Ah
Oo Aan Ahayn Rag 60-Kii Ka Dambeeyey Ayaa Qaar Ka Muuqdaan, Waxaan
Kula Talin Lahaa Madaxweynaha Inuu Dib Uga Fiirsado, Hangashtu Waxa
Weeyi Xafiiskii Dhabar Jabinta Ee Dadka Iska Soo Qabsan Jiray”
Hargeysa, April 9, 2012 (TNN) – Suldaanka Guud ee Beelaha
Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa xukuumada
Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay qaaday dariiqii Hangashtii
Siyaad Barre ee dadka iska xidhi jiray Maxkamad la’aan, iyadoo taas
oo kale xabsiga ugu taxaabtay Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-Madow.
Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay 5-ta Wasiir ee Madaxweynuhu u
magacaabay guddida qabanqaabada gogol xaadhka wada hadalada
Somaliland iyo Somalia oo dhawaan ay dhigooda kula yeelan doonaan
London, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku jiraan qaar dhalashadoodu
1960-kii ka dambaysay oo aan waayo aragnimo u lahayn taariikhda iyo
Siyaasada Somaliland iyo Somalia, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay
inuu xubnahaasi ku ladho rag Somalilander dhab ah oo ay ka mid
yihiin Aqoonyahano iyo Qoraayo Siyaasada ku xeel dheer oo wax ka
dhiga Jaamacadaha dalka.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sidaasi ku sheegay
Waraysi Khaas ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska
Haatuf, kaas oo uu kaga hadlay Arimo door ah.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xadhiga Boqor Buur-Madow iyo
Waaranka mar labaad dib loogu jaray waxa uu yidhi “Xadhigaasi waxa
aan u arkaa inay u eegtahay arintii barigii ee la odhan jiray
Hangashta ee qofkuun la iska soo xidhanayey ee la cabudhinayey oo
marka uu muddo ku xidhnaado isaga oo baryootamaya la iska soo dayn
jiray, anigu waxa aan leeyahay marka aynu dimuqraadiyada ka hadlayno,
waxa weeyi in dhab lagaga hadlaa, maaha in maqaar saar laga dhigo,
anigu waxa aan leeyahay in ninkaa boqorka ah 24 saacadood ayaa xaq
loogu leeyahay in lagu soo cadeeyo oo dambi loogu soo oogo, laakiin
hadda mudo bil ah ayuu xidhan yahay, maantana rumaan dambe ayaa dib
loo celiyey, waxa aan leeyahay wixii ummaddu ka dagaalantay yaanaynu
inagu isula imanin, ninkaasi hadii kiis loohayana maxkamad ha la
keeno hadii kale oo aan waxba loo hayna xoriyadiisa ha loo celiyo”.
S: Suldaan Marka aad Hangashta leedahay Maxaad ugala jeedaa?
J: Waxa weeyi Xafiiskii dhabar jabinta, qoladii dhabar jabinta la
odhan jiray, dee waa dadkii dadka uun iska soo qabsan jirtay, ee
Adhiilaha iyo Ganacsatada intay meesha ku xidhaan oo marka ay
waxoogaa ka shubtaan ayay iska fasixi jireen.
Qoladan CID-da waxa aan leeyahay cidii hadaan 48 saacadood aad
haysaan oo aad wax cadayn ah ku keeni waydaan, tuhun badan ayaa
imanaya, dee South Afrika iyo Dimuqraadiyadi ismay lahayn, hada waxa
aad moodaa xeerkii iyo shuruucdii dalka u taalay la jabinayo oo meel
lagaga dhacayo oo qofku xoriyadiisii meel lagaga dhacayo.
S: Markaa Somaliland maxay dhaxal siin kartaa hadii talaabooyinka
noocaas ahi ay sii socdaan oo dadkii la xidhayo iyada oo aan
maxkamad la soo taagin oo xabsi uun lagu hayo?
J: Waxa ay ku keeni kartaa dib u curasho dambe oo SNM dib isku soo
urursato ayay ku keeni kartaa.
S: Suldaan sida aad la socoto Madaxweyne Siilaanyo waxa uu u
magacaabay 5 wasiir qaabka loola hadlayo Somalia iyada oo laga
duulayo qodobadii shirkii London, arintaa Madaxweynuhu ku dhawaaqay
sidaad u aragtaa?
J: Anigu waxa aan odhan lahaa taladaasi waa mid Somaliland dhex
taala, maaha golaha xukuumada iyo golaha Wakiilada iyo golaha
Guurtida iyo bulshada reer Somaliland ee Siyaasiyiinta ah ee wax
garadka ah inay xaajo ay isla lafa gureen la dhigo, jaamacadaha rag
aqoon ku leh siyaasadaha ayaa jira, waxan siyaasada lagu yidhaahdo
waa Kuliyad ay leedahay oo lagu takhasuso.
S: Markaa sida hadalkaaga iiga muuqata shantaa Wasiir ee
Madaxweynuhu u saaray wada hadalka Somalia miyaad ka biyo diidsan
tahay?
J: Waan ka biyo diidsanahay, waxaan uga biyo diidanahay ayaa jirta
oo waxa ay tahay shantaa Wasiir oo kaliya Somaliland waxa ay
Somaliland ku noqonaysay oo ay ku soo go’aysay rag kaligood ka
tashan kara maaha, waa in cid lagu xoojiyaa bulshada rayidka ah ee
madaxa banaan dagdag loogu xoojiyaa oo golayaasheenan qaar laga soo
guraa.
60-kii wixii inagu dhacay ayaynu maanta ku soconaa, waxa weeyi
axsaabtan faraha badana waxa ay soo wadataa qaskeeda waxa aan
Somaliland kula talinayaa, qalalaase in axsaabtaasi ay ku abuurto
Somaliland waa in la isla ilaaliyaa.
Burburinta Somaliland waxa u aabo ah Axsaabtaasi badan, imikaba
anigu horena waan u sheegay.
S: Dad badan ayaa leh markii ay maqleen 5-ta wasiir ee Madaxweynuhu
u saaray wada hadalka Somalia in Wasiiradani aanay inta badan
taariikhdii iyo halgankii Somaliland ay xoriyada kula soo noqotay ay
xiligaasi dalka dibadaha kaga maqnaayeen, dadka dareenkaasi qabaa
sideed u arki kartaa?
J: Haddii Somalia lala hadlayo, waa in naf iyo maal magdhow nala
siiyo oo ah tii nalagu laayey, ta labaad waxa weeyi dadkii aqoonta u
lahaa ee Boobe Yuusuf Ducaale ka midka ahaa waa nin siyaasi ah, waa
nin qoraaya, waa nin taariikhdii Somaliland wax ka sheegi kara oo
taaban kara xaqiiqdeeda, waxa aan leeyahay kuwa Proffesor-rada ah ee
jaamacadaha wax ka dhiga dee rag baa ku jira daraasad xoogleh ku
sameeyey arinta Somaliland iyo Somalia halkay ku kala tageen ee SNM
ka soo dhaqaaqday ama ka curatay dee rag siyaasiyiin ah ayaa
istaraatijiyadaasi dejiyey, ragaas oo dhan marka laga tago, waxa
imanaya in hadhowto dhibaato inaga timaado tii 1960-kii tu ka xumi
ay inagu dhacdo ayaan anigu ka baqanayaa, waar waxgarad iyo
aqoonyahan iyo taariikh yahan Somalilanders dhab ah oo aan ahayn rag
70-kii dhashay oo dhawr iyo lixdankii ka dambeeyey ayaa meesha qaar
ka muuqdaan waxa aan leeyahay oo aan kula talin lahaa Madaxweynaha
inuu dib uga fiirsado oo uu ragii u qalmayey meesha hadii kale anigu
waxa aan ku talinayaa in aan ugaba horayn doono anagu anagaa xaq u
leh anaguna xaq baanu u leenahay in naloo tixgaliyo wixii nalagu
dilay.
Source:Haatuf
|