Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Fariin U Diray Salaadiinta Isku Xilqaamay Xalinta Khilaafka Xuku umadda Iyo Kooxda Golaha Wada-Tashiga

 



“Salaadiinta Isku Xilqaamay Inay Xaliyaan Khilaafka Haatan Ka Taagan S/land Waxaan Lee yahay Cadaalad Ku Shaqeeya Oo Yaan Dhabarka Laydin Taaban”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir


Hargeysa  (TNN): - Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxam ed Suldaan C/Q aadir ayaa dareen shaki leh ka muujiyey hawlaha shaqo ee guddida Salaa diinta ah ee isku xilqaamay inay xaliyaan khilaafka sharci ee cakiran ee ka dhextaagan Gola ha Wada-tashi ga iyo Toosinta Qaranka iyo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Suldaan Maxamed oo far iin duurxul ah u diray Salaadiintaas waxa uu uga digay inay dhex dhexaadn imada ka tagaa n oo ay dhinaca xukuumadda u janjeedhsamaan, kaas oo ugu baaqay inay ka waantoobaa n in dhabarka laga taabto oo arintoodu ay fashilanto.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay ka hadlay ey Hotel casri ah oo laga furay magaalada Hargeysa, kaas oo sidoo kale waxa uu qurba jo ogta Somaliland ugu baaqay inay dhalinyarada wadanka ku sugan ka wacyi geliyaan tahrii bka oo uu sheegay inay faraha ka baxday.ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Qurba joogta waxaan leeyahay waa inaad falawgeeda gas haan sidii aan caruurta wadanka ku sugan uga wacyi gelin lahaydeen tahriibka, waana ina ydaan qurbaha u amaanin dhalinyarada wadanka ku sugan”. Suldaanka Maxamed Suldaan C/ Qaadir ayaa isaga oo fariin u diraya salaadiinta dhex dhexaadinta ka dhex wada golaha wada tashiga iyo xukuumada waxa uu yidhi “Guddida salaadiinta ah ee isku xil qaantay inay xaliyaan khilaafka maanta ka taagan Somaliland waxaan leeyahay cadaalad ku shaqeeya, yaan dhabarka laydin taaban, kaalinta aad maanta taagan tihiin waa mid aad wax ku kala goyn kartaan , haddii aydun taa ka soo bixi waydaan waxaan idin leeyahay aniguna hawshaydii ayaan qabsan”.

 

Source:Haatuf