Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Oo Garaadada Dhulbaha nte Uga Digay Sii Wadida Hanjabaada Iyo Hurinta Colaado Dabo-Dheeraada, Qaranimadda S/Land-Na Ku Tilmaamay Lama Taabtaan

 


 

“Sanaag, Sool Iyo Cayn Waa Deegaano S/Land Ku Yaala Oo La Wada Dago, Cid Gaar Ahina Ma Sheegan Karto, Garaadada Dhulbahante Oo Kaliya-Na Gartoodu Kama Go’do, Garaad Jaamac-Na Aabihii Iyo Awowgii...” Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani
 


Hargeysa (TNN) – Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah Salaadiinta beesha Galbeedka Burco ayaa Garaadada beesha Dhulbahante ee shirka Taleex kaga dhawaaqay maamul goboleedka uga digay inay Mandaqada ka huriyaan Colaado dabo-dheeraada, kaas oo tilmaamay in deegaana dda Sanaag, Sool iyo Cayn ay yihiin deegaano Somaliland ka tirsan oo ay beelo badan oo reer Somali land ahi ay wada dagaan, isla markaana aanay taladoodu ka gu’in Garaadada Dhulbahante oo kaliya.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa. Suldaanka ayaa sidoo kale wa xa uu taageeray in xukuumadu ka qaybgasho shirka dawladda Ingiriisku u qabanayso dhawaan kooxaha Somalida, kaas oo ku baaqay in marka hore laga wada tashado wax lala gole tagayo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Maamul Goboleedka Taleex lagaga dhawaaqay sida uu u arko, waxa uu yidhi “Maamul goboleedka Degmadda Taleex ee gobolka Sool lagaga dhawaaqay waxa lagaga dhaw aaqay Somaliland gudaheeda, maadaama oo shirkaasi ka dhacay dhulka Somaliland-na waxaan u arkaa in shirkaasi waxa lagaga dhawaaqay khalad yahay oo uu ummadda dalka wada dagta uu iska horkeenayo. Sida aynu wada ognahayna Somaliland ma kala laha Maamul Goboleedyo ee Deegaano iyo Qabaa’il ayey kala leedahay, markaa wixii aan dani ugu jirin dadka Somaliland wada daga sida shirka Taleex waanu ka soo horjeednaa”.

Suldaan Maxamed Xirsi Qani mar uu baaq u dirayey Garaadada Dhulbahante, waxa uu yidhi “Garaadada beesha Dhulbahante waxaan ugu baaqayaa inaanay ummadda u horseedin colaad iyo kala fogaansho, waxaanan ugu baaqayaa Garaadada in waxkasta oo jira wada hadal lagu dhameeyo, isla markaana xukuumadda Somaliland iyo shacbigeeduba aanay marnaba gogasha wada hadalka laabin”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya hadal hore uga soo yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali, waxa uu yidhi “Run ahaantii wax laga xumaado ayaan anigu u arkaa in nin Suldaan ama Garaad ahi uu colaad ku baaqo waana wax dhaqankeena ka baxsan, Garaadka hanjabay waa ee Garaad Jaamac Garaad Cali-na waa Garaad ka soo jeeda Saldanadii Garaad Cali oo wakhti dheer soo taxnayd Aabihii iyo Awoowgii ayaa ummadda reer Somaliland wax la galay, mana qurux badna inuu wadadii ka baydho, waxaanan waxgaradka iyo Garaadada beesha Dhulbahante ugu baaqaya inay ilaaliyaan xasiloonida wadanka”.

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey deegaanadda Sanaag, Sool iyo Cayn ee shirkii Taleex lagu sheegay inay hoostagayaan maamul goboleedkii halkaa lagaga dhawaaqay, waxa uu yidhi “Deegaanada la leeyahay Maamul Somaliland ka madaxbanaan ayaa ka talin doona ee Sanaag, Sool iyo Cayn waa deegaan ay reer Somaliland wada leeyihiin oo la wada dago, cid gaar ahina aanay sheegan Karin, Deegaanada ay sheeganayaana maaha dhul Garaadada Dhulbahante oo kaliya gartoodu ka go’do, markaa sidaas ayey noqonaysaa marka laga hadlayo deegaan ahaan. Sida ay qabaan Madaxdhaqameedka kale ee Somaliland ayaanan aamin-sanahay oo waxaan la qabaa fikirka ah Qaranimadda Somaliland inay lama taabtaan tahay oo aan gorgortan lagu gali Karin, laakiin waxaan sidoo kale taageersanahay in wada hadal lagu dhameeyo wixii kale ee jira”.

Suldaanku mar uu ka jawabayey su’aal ahayd halka ay ku danbeeyeen wadahadalo la sheegay inay la yeesheen Garaadada Dhulbahante, waxa uu yidhi “Way jirta in xidhiidho lala sameeyey Garaadada beesha Dhulbahante oo waxa uu Wada-hadalkaasi soo maray Marxalado kala duwan, ilaa imikana si wanaagsan ayaanu hawshaa u wadnaa, Insha Allaah waxaan rajaynayaa Cadho walaal-na waa la baryaa ayaa la yidhi waxaan ka rajaynayaa waxgaradka iyo Garaadada Dhulbahante inay nagala shaqeeyaan danta ummadu halka ay ku jirto,isla markaana ay hormuud ka noqdaa in si wanaagsan loo soo afjaro isfahan la’aanta jirta tabashooyinka jira, waxaana qurux badan in wax walba xaga danbe loo dhigo oo marka Binu Aadamku marka uu cadhaysan yahay in lagu simo inta uu cadho baxayo”.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Shirka London loogu qa banayo Soomaalida ee la filayo in Madaxwayne Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayaa ay ka qaybgala an, waxa uu yidhi “Hadii aan fikirkayga gaar ah ka dhiibto shirka London loogu qabanayo kooxaha Somalida in hadii ay dani ugu jirto qadiyada Somaliland inay xukuumadu ka qaybgasho, isla markaana meelkast ama shirkasta oo dani ugu jirta dalka in la tago, waxa kale oo aan aaminsanahay in talaabo kasta laga yeesho wada tashi.
 

source:haatuf