Suldaan Moxamedow
Dulmiga Ayaa La Iskugu Tegayaa ee Beel La
Iskuguma Tegayo
Dagaale
sokeeye, si kastaba haw bilowdo, cid kastaba gardarrada ha la haato,
waa dhacaa, dhibaato waa keenaa waase laga heshiiyaa dabadeedna laga
bogsadaa. Somaliland waxaa beryahan ka soo dhexbaxay madax dhaqan
iyo siyaasiyiin taageersan Maamulka Daahir Riyaale oo halkii ay
wanaag iyo maslaxad guud ka talinlahaayeen durbaan colaad sokeeye
tumaya iyaga oo goconaya dhibaato hore u dhacday oo laga bogsaday.
Hibashada xun ee noocan oo kale ah taariikhda dhaqanka iyo xeerarka
Somaliland laguma yaqaan oo waa la iska ilaashaa wacad-furka iyo
ballan-furkaba.
Suldaan Moxamed Suldan Cabdilqadir oo ah madax dhaqameed taageera
Dahir Riyaale waxaa uu dhawaan ku dhawaaqay bishan April 5dii, 2009
in la iskugu tago gacan bir ahna lagu qabto beesha ka soo horjeesata
dastuurka iyo nabadgelyada dalka. Ummadda Somaliland hadalkaas si
weyn ayay u diiday waxaase u riyaaqay Daahir Riyaale iyo kooxda u
adeegta. Waxaa kale oo Suldaanku sheegay in 11 beelood oo Somaliland
ah ay iskugu tageen beeshiisa sanadkii 1994.
Suldaan Moxamadow ma jirto beel Somaliland ah oo diidan dastuurka
iyo nabadgelyada dalka. Waxaa ummadda Somaliland diidantahay kana
soo horjeedaa kelitalisnimada Daahir Riyaale ee ujeedadeedu tahay la
dagaallanka sumcadda, madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland. Waa
Daahir Riyaale ninka ka soo horjeeda dastuurka ee awoodda dalka oo
dhan booba ee yidhaahda wax kastaa aniga ayay iga fulaan igana
go`aan sida macallinkiisii Siyaad Barre, waa Daahir Riyaale ninka
dastuurka ka soo horjeeda ee diidan in doorasho laga qabto dalka ee
markasta raba in loo sameeyo muddo kordhin sharcidarro ah isla
markaana curyaamiya hawlaha loogu talo in lagu socodsiiyo qabashada
doorashada. Waa Daahir Riyaale ninka ka dambeeya khalkhalgelinta
nabadgelyada dalka ee amra in la dilo madaxda Xisbiga Kulmiye oo ah
mujaahidiintii dadkooda iyo dalkooda ka badbaadshay qaran-jab iyo
dhaxal-wareeg dhul oo uu isagu qayb weyn ka qaatay. Waa Daahir
Riyaale ninka amra in rasaas lagu furo lana xidh-xidho dadka ka
qaybgala banaanbaxyada salmiga ah ee ummaddu dhigto ee looga soo
horjeedo xukunkiisa ku dhisan kelitalisnimada, dulmiga iyo
dullinimada. Waa Daahir Riyaale ninka maleega isku-gubka Beelaha
Isaaqa isaga oo adeegsanaya kooxda uu dullaystay. Waa Daahir Riyaale
ninka ku xidh-xidha siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, weriyayaasha
iyo dhallinyarada maxaa uga soo horjeedaan kelitalisnimadayda,
xadhigii u dambeeyayna kula kacay Suldaan Suleemaan Boqor Cismaan
Xasan oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee Hargeysa. Waa Daahir Riyaale
ninka ciidanka madaxtooyada iyo booliiska ku khalkhalgeliya shirarka
Golayaasha Qaranka si uu u horjoogsado hawlaha qaranka.
Intaas oo dhibaato iyo dulmi ah intaad ka aamustay ayaa soo gocotay
colaad laga bogsaday. Rasuulkii waxa uu yidhi, nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee, “Fitnadu waa hurudaa ee qofkii
toosiya ha ku dhacdo nacdasha Eebbe.” Suldaanow taariikhda
Somaliland laguma hayo 11 beelood oo Reer Somaliland ah oo intay
shirtay ku duushay beeshaada. Haddii ay dhacday in maamulkii dalka
ka jiray waagaas iyo beeshaada iska-horimaad ku dhexmaray Garoonka
Diyaaradaha ee Hargeisa lagana bogsaday gar maaha inaad beelaysid
arrinta. Ummaddu waxay dareensantahay in hadalkan aad ula jeedid
laba mid uun. Waa midda koowaade, sababta aad beelaha ku weerarayso
waxa weeye maxaad uga soo horjeedaan kelitalisnimada Daahir Riyaale
si aad isku-dhaca Riyaale cumri dherer uga dhigto adna aad dano gaar
ah ku fushatid. Waa midda labaade, waxaa suurtogal ah in Daahir
Riyaale kuu adeegsanayo siyaasadiisa cusub ee uu hadda u guntaday ee
ah iska-horkeenka Beelaha Iaaqa. Suldaan Moxamedow hadalkaaga xoqaya
boogo laga bogsaday waxaad ku soo beegtay xilli Somaliland goob xun
taallo oo iyadu kaaga baahan hiil badbaadin ee Suldaanow xaal weyn
ka bixi hadalkaas fitnada huwan oo ka sii beeshaada aan geyin iyo
ummaddaba. Waxaan kuu sheegayaa in maanta dulmiga iyo
kelitalisnimada Daahir Riyaale la iskugu tegayo oo aan la iskugu
tegeyn beel si ummaddu u badbaadiso sharafteeda iyo qaranimadeeda.
Waxaa iyana dhacday in Suldaan Raabbi Yuusuf Xiirey oo hore ugu
tiraabay in beel ka mid ah Beelaha Somaliland ay ka baxdo
magaalo-madaxda Somaliland,Hargeysa, sida ay isaga gaar u tahay uu
bishan April 10dii, 2009 isna yidhi, “Waa in dawladda laga joojiyaa
mudaaharaadka, haddii la joojinwaayo annaguna waxaanu ku
mudaaharaadaynaa kuwa mudaaharaadaya.” Xiirayow hadaladaas aad
ulajeedid taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waa fidno ka talin aad
iskaga horkeenayso dadweynaha Somaliland. Malaha waxaad kala
saarila`dahay mudaaharaad (Protests) iyo banaanbax salmi ah oo dadku
shucuurtooda ku muujiyo (Raally). Dhaliilidda siyaasadda dawladda
iyo qabashada banaanbaxyada waa hubka ugu weyn ee mucaaradku
adeegsado meel kasta adduunka, waa arrin dastuuri ah oo aan la
diidikarin. Waxaan kuu sheegayaa xukunka Somaliland boqortooyo maaha,
kelitalisnimana la yeelimaayo oo Afweynaba laga diid.
Dawladda beel iyo qof midna malaha ee waxaa leh ummadda iyadaana
ilaashata. Haddii dawladdu xumaato, burburiso dastuurka dalka,
khalkhalgeliso nabadgelyada, diido doorashada, ku-xad-gudubto
xuquuqda muwaadiniinta, iska-horkeento ummadda, iskuna bedesho xukun
ku dhisan dulmi iyo kelitalisnimo sida tii Siyaad Barre waa la
toosinayaa, waa la dhaliilayaa, waa lagu banaanbaxayaa, haddii ay
markaas is-bedeliweydo waxaa lagu ridaa xoog iyo kacdoon si ummaddu
u badbaadiso mustaqbalkeeda iyo mustaqbalka ubadkeeda. Dadku waa xor
waana mucaarad ama muxaafid, xaq baad u leedahay inaad u banaanbaxdo
oo taageerto dulmiga iyo kelitalisnimada Dahir Riyaale in kasta oo
ay tahay taariikh xumo laakiin xaq iyo awood midna uma lihid inaad
canbaaraysid ama tidhaahdo joojiya banaanbaxyada ay dhigaan dadka
taageersan Axsaabta Mucaaradka ee ka soo horjeeda kelitalisnimada
iyo qaran-dumisnimada Daahir Riyaale. Kelitalisnimo haddaan ummaddu
diidin waxay ku noolaataa dullinimo, dib-u-dhac iyo kadeed joogta
ah.
Midna aan idhaahdo Faysal Cali Waraabe. Faysalow waxaad guddoomiye u
tahay xisbi mucaarad ah oo weyn (UCID). Muxaafidnimada iyo
mucaaradnimaduna waa kala caddahay oo midna waa xukun jira ammaanid
midna waa xukun jira dhaliilid. Waxaad moodaa inaad la
dagaallamaysid mucaaradnimadaada waayo ma lihid mowqif laguugu soo
hagaago. Waxaa lagaa filayay inaad mar kasta dhaliisho siyaasadda
gurracan ee Daahir Riyaale ku maamulo dalka oo aad muujiso inaad
siyaasad ka wanaagsan ta maanta jirta aad dalka ku hoggaamindoonto
haddii lagu doorto sidaad u soo jiidato quluubta iyo maskada
shacabka oo ay dabadeed ku doortaan taas oo ah nuxurka
mucaaradnimada. Faysalow maalin waxaad la safantahay kelitalisnimada
Riyaale maalina waxaad la safantahay mucaaradka. Xisbiga UCID waxa
uu mucaarad ku noqday Xisbiga Kulmiye halka uu xukunka jira ku
noqonlahaa mucaarad. Ummaddu meel ay maanta kuugu soo hagaagto oo
kugu aaminto garanmayso waana nasiib-darro weyn oo aad u soo jiiday
Xisbiga UCID. Waxaad maalmahan dhaliishaa banaanbaxyada Xisbiga
Kulmiye taasuna waxay gacan siinaysaa kelitalisnimada Daahir Riyaal
waxaanad jebisay mid ka mid ah hubabka ugu waaweyn ee mucaaradku ku
dagaallamo taas oo ah banaanbaxyo salmi oo ay ku muujiyaan
mowqifkooda siyaasadeed ee ka soo horjeeda siyaasadda dawladda.
Muddo kordhinta sharcidarrada ah ee loo sameeyo Riyaale marna waad
taageertaa marna waad diidaa.
Faysalow maxaa laguugu soo hagaagaa? Ma xisbi qaran oo mucaarad ah,
ma xisbi beel, ma muxaafid. Waa hubaal in rag badan oo xisbigaaga ku
jiraa ahna mucaarad dhab ah ay ka biyo-diidsanyihiin siyaasadaada
wejiyo-badan. Waxaan kugula talinlahaa in guddoonka Xisbiga UCID aad
ku wareejiso dadka badan ee xisbiga ku jira ee mucaaradnimadu dhab
ka tahay ama si weyn aad u bedashid siyaasadaada oo muujiso
mucaaradnimo dhab ah. Mucaaradnimo waa laga ilaashaa baalixooftada,
is-tuska, lab-la-kaca iyo is-bedelka badan. Waxay u baahantahay
mowqif siyaasadeed oo qeexan (Defined Strategy and Target) kuna
salaysan ka turjimidda iyo u adeegidda danta iyo maslaxadda ummadda.
Waxaa ummaddu awalba la yaabanayd siyaasadda ku salaysan naxliga,
kala qaybinta iyo isku-dirka beelaha ee ay ku dhaqmaan Xuseen Cali
Ducaale (Cawil), Saciid Sulub Moxamed, Yusuf Ciise Tallaabo iyo
Jaamac Yaasiin (Jug-So Dhacay). Todobadan mas`uul oo ka kooban madax
dhaqan iyo madax dawladeed kana dhashay beesha sharafta leh ee Gar-xejis
waxaad moodaa in hadalada ah fitnada iyo aflagaadada ee ku wajahan
isku-dirka Beelaha Isaaqa uu Daahir Riyaale shir uga soo dhiibo
waayo waa arrin ay kaga duwanyihiin kooxaaha kale ee u adeega Daahir
Riyaale. Kooxdanu waxay farriin khaldan oo gef ah ka diraysaa
mowqifka Gar-xejis una turjumaysaa in beeshu taageersantahay dulmiga
iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale.
Beesha Gar-xejis waxay ummadda Somaliland la qabtaa dhibka uu ku
hayo dulmiga iyo kalitalisnimada Daahir Riyaale isla markaana ka soo
horjeedaa lana dagaallantaa sida beelaha kale. Beesha Gar-xejis
waxaa lagu yaqaan talo-wanaag iyo taariikho qiimo leh. Beesho waxay
qaybweyn ka soo qaadatay Halgankii Hubaysnaa ee SNM (1982-1990) ee
dalka iyo dadka lagaga badbaadinayay Taliskii maato-layska ahaa ee
Siyaad Barre. Waxaa Beesha Gar-xejis ka dhashay Cabdulqaadir Koosaar,
Lixle iyo Ibrahim Kood-buur oo ka mid ahaa halyeeyadii iyo
geesiyadii ku shahiiday halgankaas, waxaa ka dhashay Moxamuud Axmed
Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Somaliland, waxaa ka dhashay Xasan
Cabduule Walanwal (Xasan Kayd) oo ahaa geesigii hoggminayay
inqilaabkii fashilmay ee Hargeysa ee 1961 kaas oo ujeedadiisu ahayd
in Reer Waqooyigu la soo noqdaan dawladnimadoodii sida cad Koonfurtu
uga duudsiday. Beesha Gar-xejis sharafteeda iyo taariikhdeeda
wanaagsan way ilaashataa mana oggola in magaceeda dulmi, dullinimo
iyo kelitalisnimo loogu adeego.
Gar-xejisow xoora Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Saciid Sulub Moxamed,
Yusuf Ciise Tallaabo iyo Jaamac Yaasiin (Jug-Soo Dhacay) una tuura
xukunka Daahir Riyaale sida Habar-jeclo u xoortay Cabdullaahi
Moxamed Ducale (Ina Dhoolayare) iyo Cisman Buurmadow (Oday Biiqay)
oo ugu tuurtay Daahir Riyaale. Awalow adna xoor Cabdullaahi
Ismaaciil Cali (Cabdullahi-Cirro) iyo Cali Xasan Moxamuud (Cali-Asad)
oo u tuura Daahir Riyaale. Dhammaan ragani waxay ceeb u soo jiideen
beelahooda. Waa in tallaabo adag laga qaadaa raga u adeega
dullinimada iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale loona isticmaalo
isku-dirka Beelaha Isaaqa.
Riyaalow adna waxaan ku leeyahay, shantii (5) sano ee aad xaqa u
lahayd waxay ku ekayd May 2008 xafiiskana sharcidarro iyo
keltalisnimo ayaad ku fadhidaa muddo hal sano ah. Labadii jeer ee
koox Guurtida ka tirsan kuu samaysay muddo kordhinta khilaafsan
Dastuurka Dalka adaa olole weyn oo laaluush ku salaysan u galay si
aad doorashada u horjoogsato. Maanta waxaa laguu aqoonsanyahay
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo qudha. Ujeedada doorasho diidkaagu waa
la dagaallanka sumcadda, qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland
dabadeedna intaad qiiq isku qariso ayaad mucaaradka ku eedaysaa inay
iyagu diidanyihiin doorasho la qabto taas oo ah munaafaqnimo xun.
Maanta waxaad miciin iyo cumri dherer mooday isku-horkeenka Beelaha
Isaaqa oo ka koray isku-dir aaminsanna qaranimo iyo dawladnimo.
Colaad ninka huriya ayuunbaa eeda. Basaasiintaada ayaad tiraahdaa
suuqa geliya in haddii kursiga la iigu yimaado ay magaalooyinku
burburayaan. Riyaalow kursiga qarankaa leh waxaanad ku joogtaa dulmi
iyo kelitaslisnimo fool-xun, dulmina looma daawado oo looma daayo
magaalo ayaa burburi. Shacabku ma burbriyo magaalooyin ee waxaa
burburiyaa daalim adoo kale ah.Waxaa shacabku burburiyaa waa daaraha
dulmigu ku dhuunto oo aad adigu iyo inta kuu adeegta ka mid tihiin.
Riyaalow haddii Ismaaciil Geellaha Jabuuti iyo Meles Zenaawaha
Itoobiya kugula dardaarmeen inaad kursiga xejisato si iyagana
kelitalisnimadoodu u jirto been ayay kuu sheegeen. Riyaalow waxa
keliya oo kuu hadhay waxa weeye inaad dembiyo culus ku gashid
xafiiska dabadeedna inta ummaddu gadoodo ay adiga iyo inta kuu
adeegtaba idiin ku soo gasho daaraha dulmiga ee aad ku dhuumanaysaan.
Waxaan kula talinayaa inaad laba mid uun yeeshid oo aan lahayn mid
seddexaad. Waa ta kowaade, inaad xilka qaranka dhakhso ugu wareejiso
Golayaasha Qaranka si dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka jirtaa u
dhammaato. Waa midda labaade, in doorasho xalaal ah oo deg deg ah
aad dalka ka qabato. Haddii aad diido xil-wareejinta ama in doorasho
laga qabto dalka ama inta doorasho la qabto aad boobto waxaad
ogaataa in kacdoon dadweyne ku burburinayo oo lagaa badbaadinayo
mustaqbalka ummadda iyo qaranimada. Lama arag kelitaliye iyo inta
taageerta oo aanay u dambayn taariikh xumo iyo sharaf-xumo lala
godgalo. Waxay ummadda ka dhacaan ee ay ku noolyihiin, ubadkkoodana
ku koriyaan, fidnada ay dhashaan iyo dembiyada ay galaan waxay ka
qaadaan cuduro daran oo aan daawo lahayn oo dunida ayaa Ilaahay ku
sii ciqaaba, aakhirana Naari ku sugaysaa.
Taliyayaasha iyo Ciidamada (Booliis iyo Milateriba) waxaan leeyahay
waxaad ka dhalateen una dhaarateen dadka iyo dalka ee ka ilaaliya
ummadda xabbadda. Waa laga gudbay samankii ciidamada loo
adeegsanjiray dulmi iyo kelitalisnimo. Axsaabta mucaaradka iyo
taageerayaashoodu xaq dastuuri ah ayay u leeyihiin inay markasta
qabtaan banaanbaxyo looga soo horjeedo xukunka xilligiisii
dhammaaday ee Riyaale mana jirto cid awood u leh inay mamnuucdo ama
horjoogsato ee yaan si fudud dambiyo la idiingelin. Waxaad ogaataan
in dulmiga iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale iyo inta u adeegta ay
maanta halis ku hayaan nolosha iyo mustaqbalka qofkasta, qoyskasta
iyo beelkasta oo Somaliland ah oo ay ku jiraan carruurtiinu,
eheladiinu iyo idinkuba. Waa dembi iyo sharaf-xumo adduunyada aan
idinka hadhayn Aakhirana Naar lagu galo haddii aad dad u dishaan ama
u dhimaataan xukunka Daahir Riyaale ee ku dhisan dulmiga, dib-u-dhaca
iyo kelitalisnimada. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in xukunka
Riyaale lagu rido kacdoon dadweyne, waxaa waajib idinku ah inaad la
safataan ummadda iyo mucaaradka si la iskaga badbaadsho dulmiga iyo
kelitalisnimadiisa. Ha Noolaato Somaliland.
|