Suldaan Xuseen Aw Muuse oo Ciidamo Boolis Ahi Galabta Xabsiga U Taxaabeen.
 

 

 


Suldaanka ayaa galabta la soo qabtay isagoo baryahan danbe u jiifay gurigiisa dhaawac jili bka kasoo gaadhay…......



Hargaysa.7 Dec 2011 (TNN):- Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday,oo ka mid ah Salaadiinta Go bolka Gabiley.  ayaa maanta galinkii danbe isagoo ku sugan gurigiisa magaalada Hargaysa ay ciidamo Booliis tiro badani ka soo qaadeen ka dib markii laba cisho ka hor sadex nin lagu dilay deegaanka Seemaal ee Ceelbardaale, iyagoo ku xidhay saldhiga Ibraahin Kood-buur ee Maga alada Hargaysa.



Suldaanka ayaa galabta la soo qabtay isagoo baryahan danbe u jiifay gurigiisa dhaawac jilib ka kasoo gaadhay, ciidamada booliiska Gabiley ayaa sheegay inay qaadayaan xataa dhaawa ciisa, iyagoo sheegay inay amar ka haystaan madaxtooyada Somaliland.



Suldaanka,  ayaa maalmihii ugu danbaysay warbaahinta ka hadlay isagoo jiifa gurigiisa, halka asina isagoo muujiyay dareenkiisa inuu ka xun yahay sidoo kalena taageeray go,aamadii dawlada ee in nimankii gaystay dilkii foosha xumaa lasoo qabqabto.



Qaar ka mid ah dadwaynaha reer Gabiley ayaa cambaareeyay xadhiga masuuliyiinta reer Ga biley ee la qabqabanayo iyadoo aan ilaa iyo hadda la ogayn cidda ka danbaysa dilka sadexda nin ee la dilay, kuwaasi oo loo malaynayo inay jiraan dad dhibaatada kicinaya oo ka faa,idaysanaya dhibta labadan reer dhex taalay.



Iyadoo hore ay u xidhxidhnaayeen odayaashii beesha gobolka Gabiley ee sexeexay heshiiskii labada beelood hore u dhex maray ee mudada lagu nastay iyo qaar ka mid siyaasiyiinta ugu waawayn gobolka Gabiley ee ku jira xukuumada kuwaasi oo maalintii labaad ku xidhan xarun ta Danbi Baadhista ee magaalada Hargaysa.
 

 


Timacade  News