Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Cambaareeyay Falkii Lagula Kacay Guddoomiye xigeenkii KULMIYE

 

Hargaysa (TNN )-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku tilmaamay sidii xilka looga qaaday gudoomyahii koowaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan  Cabdiqaadir, inay meel ka dhac ku tahay dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu suldanka sheegay in xisbiga Kulmiye arintaas ku waayi doono taageero badan.

Waxa uu sidan ku sheegay suldaan Maxamed waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay Wargaysa Geeska Afrika, waxaanu u dhacay waraysigu sidan

Suldaan sideed u aragtaa in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir xisbigii Kulmiye uu xilkii gudoomiye iyo xubinimadii xisbiga isku mar si jujuuba uu uga wada qaado, isla markaasna dhaawac loo gaysto?

Walaahi arimahaas ina Cabdiqaadir laysugu daray, waxaan u arkaa in waxii aynu sheegaynay    ( Dimuqraadiyadii ) meel lagaga dhacay, sababta oo ah maadama oo aan lagu dhawaaqin in xilka laga qaaday oo xisbigana laga saaray, oo uu huwanaa sharaftii xisbiga in loo tix galiyo ayay ahayd, laakiin sidii dawladahii isticmaarku ay samayn jireen ayaad moodaa inay meesha ka dhacday, kaa awood badni inay meesha timaado waa danbi ayaan leeyahay.

Waxa kale oo jirta xisbiga Kulmiye beelo ayuu ka samaysanyahay, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir-ta ku dhacday waxa laga yaabaa in wax badan uu xisbiga Kulmiye ku waayo beel ahaan markaad eegto, suuqa waxa ku jirta maxaynu ka eeganaynaa kii xilka inoo hayay ayaa sidaas loo galayaaye, maxaad inta kalaba u malaynaysaa ee aan xil ka haynin, sow baritoole kaarayaal layno soo kaxaysan maayo, waa sheekada suuqa ku jirta.

Markaas anigu waxaan leeyahay burbur in laga ilaaliyo xisbiga sharaftay ku jirtaa, maadama oo uu xisbul xaakimkii yahay in si gaara loogu yeedho oo lala hadlo, oo waxa uu ku qaldan yahayna la yidhaahdo ka joog, waxii uu ku saxan yahayna la qaato ayaa qurux badnayd, laakiin hadday meeshu xoog xoog noqoto dhibaatadeeda ayay keeni kartaa iyo nabadagalyo daro wadanka ku timaada.

Cuqaal  Burco war saxaafadeed ka soo saaray waxa ay sheegeen inay arintaas ina Cabdiqaadir loo gaystay talaabo ay ka qaadayaan, siday adiga arintaasu kuula muuqataa?

Dee way dhacaysaa, qofku waxa uu sharaf ku leeyay dee waa tolkii, oo u soo igmaday in uu xisbiga ka qayb galo oo ku daba socota, talaabada ay ka qaadayaana anigu u malayn maayo inay tahay talaabo ka dar oo dibi dhal noqotee, waa talaabo kolay hab siyaasi ah.

Xisbiga Kulmiye wakhtigii olalaha doorashooyinka waxa uu ku baaqi jiray in wadanka cadaalad ku dhaqi doono, imikana waxa inta badan la maqlaa dhawaaqyo lagu dalbanaayo cadaalad, haddaba adigu sidaad u aragtaa cadaaladda xukuumaddan?

Arimahan horta qoraalka iyo qadarka ayaa iska wata,  laakiin waxa loo baahan yahay inay xukuumaddu samayso dadaal ay ku dhimayso qoonsiga jira, maadaama oo markii hore ay iyagu ka caban jireen caddaalad xumo, waxaan kula talinayaa madaxweynuu waxa dhacaaya waa uu ogyahay, waxana kama qarsoona waxii qaladaada in uu wax ka qabto.

 

Source:Geeska