Suldaanka Guud ee Beesha Makaahiil oo si Ballaadhan loogu Caleemo-saaray Degaanka Qururuxlay




 


Hargeysa (TNN) - Beesha Makaahiil Isaaq ayaa markii ugu horreysay dooratay suldaan hoggaamiya Su ldaan Maxamuud Siciid Maxamed, kaas oo si ballaadhan loogu caleemo-saaray degaanka degaanka Qu ruruxlay oo dhinaca Waqooyi/bari kaga beegan Gobolka Hargeysa, isla markaana ka tirsan degmada D aarasalaam.


Munaasibad si qurux badan loo agaasimay oo loo asteeyey caleemo-saarka suldaanka cusub, ayaa wa xa ka qaybgalay dadweyne ka badan 200 qof oo kala metalayey inta badan gobollada Somaliland, kuw aas oo ay ka mid ahaayeen in ka badan 15 isugu jira salaadiin iyo boqorrada beelaha dalka, masuuliy iin iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada xukuumadda Ray aale Mr. Cali Maxamed Warancadde, Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee Golaha Guurtida Md. Muxumed Aw Axmed iyo xildhibaanno golahaas ka tirsan oo wehelinayey, Md. Axmed Sandoon Xasan oo Golaha Degaanka Hargeysa ka tirsan, Xoghayaha Dawladda hoose ee Harg eysa, Guddoomiyaha degmadda Daarasalaam, culimaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Aadan Xaaji Maxa muud Xiiray (Aadan-siiro), cuqaal fara badan, aqoonyahan, abwaanno ay horkacayeen Maxamed Aa dan Dacar, Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Genay), Ismaaciil Basbaas iyo fannaaniin, kooxaha ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.



Xafladda oo caleemo-saarka suldaanka cusub ee beeshu dooratay oo laga dhex goleeyey barxad dee gaan qurux badan oo ka mid ah doox weyn ee Qururuxlay oo ay ku yaalaan dhir hadhac ah, waxa ka sakow caleemo-saarka wehelinayey ciyaaro kuwa hidaha iyo dhaqan ah oo kooxda dhallinyarada SOC SA muuqaal qurux badan leh iyo heeso loo sameeyey suldaanka halkaasi ku soo bandhigeen iyo welib a casuumad loo birreeyey 9 neef oo geel ah iyo 20 adhi ah.
Furitaankii munaasibaddaasi oo uu ugu horreyn ka hadlay Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid ah beesha suldaanka boqratay, waxaannu weedho soo dhaweyn iyo mahadnaq isugu jira ku qaabilay marti-sharafta casuumadda loo fidiyey aqbashay.


Mr. Farxaan Faacuul Xasan oo isagu ka sheekeeyey taariikhda Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, ay aa sheegay inuu ku sifaysan yahay nin nabad-doon ah oo bini’aadamku ka nabadgelo, isla markaana wanaagga ka shaqeeya oo aan lagu aqoon dagaal ooge iyo xumaan kale toona. Waxa kale oo uu shee gay inuu yahay nin dhaqan yaqaan ah oo leh aqoon ku filan oo uu xilal ilaa heer agaasimenimo ah kaga soo qabtay dawlihii soo maray Somaliland.


“Tirada dadka intaa le’eg ee xafladda ka soo qaybgashay ee na soo tixgelisay waxaannu u qaadanayn aa ixtiraam naloo hayo iyo in aan beeshan waxba laga tirsanayn oo aanay lahayn cid cadow ah,” ayuu yidhi Farxaan Faacuul, waxaannu intaa ku daray, “Waxaannu dadka reer Somaliland u caddaynaynaa in aanay cunfi iyo is muujin naga ahayn ee markii horeba annaga oo waayeel ahayn oo markii horeba adeernimo ayaanu taagnayne ee iminkana xil ka sii wayn oo suldaanimo ayaanu qaadanay.”

Sheekh Khaliil Sheekh Xasan oo ka mid ah odaasha caanka ah ee reer Hargeysa, isla markaana ah xild hibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isaguna khudbad uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga waramay hoggaaminta wanaagsan iyo muwaafaqada wanaagsan ee ummadda dhexmartaa inay keento horumar iyo badhaadhe if iyo aakhiraba.


Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo isagu hormuud u ahaa in ka badan 15 xubnood oo madaxdhaqa meed madasha ka khudbadeeyey, ayaa dardaaran culus u kala diray suldaanka cusub iyo weliba bees ha caleemo-saartay.

Sudlaan Xasan Warsame Shire (Barre), ayaa isagu ka waramay miisaanka beesha Makaahiil ee martid a loo ahaa oo uu ku tilmaamay inay meeqaal iyo taariikh wayn ku leedahay Somaliland, isla markaana ay ku sifowday dhaqan yaqaan, aftanimo iyo geesinimo, kuwaas oo uu suldaanka iyo beeshaba kula d ardaarmay inay ilaashadaan.


Suldaan Cali Baane oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka xafladda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey suld aanka cusub ee la doortay, isagoo sheegay in beesha Makaahiil mar horeba u baahnayd suldaanimo.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa amm a anay beesha suldaanka caleemo-saartay oo uu sheegay inay meeqaal wayn kaga jirto Somaliland.

“Waxaan qirayaa in beeshani tahay beel qiimo ugu fadhida Somaliland tahay oo miisaan muhiim ah ku leedahay. Dawlada waxaan leeyahay suldaankani beeshii meesha idinku tiirisay ayuu ka mid yahay ee iska hagaajiya,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro.

Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa siyaasiyiin ka hadlay, ayaa ka iftiimiyey qiimaha saldana da oo uu sheegay in aanay ahayn xeelad lagu shaqaysto ee ay tahay dhaqan iyo maamul nabadgelyo, “Dadku nin bay xil saaraan oo cidla ayey ku figeeyaan ee Ilaahay ha kugu gargaaro suldaan xilka ma anta lagu saaray,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Waxa kale oo uu ku kaftamay, “Halkan inyar oo kaftan ah baa laga yidhi ee beesha Makaahiil ma yara oo annagu xaggaa bariga Makaahiilku inuu dadka u badan yahay ayaanu naqaanaa, malaha markuu qo ladan tolkii ah yimaado ee afartan Ila Isaaq dhexyimaado ayuu yaraadaa illeyn annaga reer Burco na guma yaree, arrintana waynu ognahay oo Makaahiil dawladda kuma jiro inuu ku jirana laga maarmaan bay ahayd ee halkiisii baynu ku celinaynaaye afartiina yaryar ee firfircoon ee uu adeerka u yahayow odayga jiidhjiidhka ka daaya oo idinku wax soo celiya.”

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in salaad iintu ugu fadhiyaan Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid muhiim ah oo iyagu aasaas u aha qarani mada Somaliland iyo nabadgelyada dalka.

Cali Warancadde oo dabasocday hadallada kaftanka ah ee Maxamed Kaahin, waxa uu yidhi, “Runtii ha lkan waxa la isku wada raacay qiimaha reerkani leeyahay oo waxaan islahaa bari lagama yaqaanno ee mar haddii bariba sidaa u yaqaano galbeedna maxaad mooday hadalkiisa Maxamed Kaahinow.”

Waxa kale oo munaasibadaasi caleemo-saarka hadallo ka jeediyey salaadiinta kala ah Suldaan Siciid Y uusuf Ducaale, Sul. Yuusuf Muxumed Xiiray, Sul. Axmed Daahir, Boqor Cali Xuseen Kaahin, Sul. Maxame d Daahir Cilmi, Sul. Ibraahim Sul. Sulub Nuur, Sul. Maxamuud Siciid Maxamed, Sul. Jaamac Ciise iyo siyaa siga Faysal Daahir Cilmi, kuwaas oo dhammaantood erayo duco iyo dardaaran ah u jeediyey Suldaanka cusub Sul. Maxamuud Siciid Maxamed.

Waxa kale oo madasha suugaan gabayo ah iyo hadallaba ka jeediyey Abwaannada Maxamed Aadan Dacar iyo Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey.)

Source: SDWO