Suldaanka Guud ee Gabiley oo Rayaale ugu Baa qay inuu Oggolaado Wadahadal Lagu Fur daamiyo Khilaafka Dalka ka Aloosan
 

Waxa uu baaqyo culus u kala diray xukuumadda, ciidammada, Guurtida, Komishanka iyo mucaaradka.

“Madaxweyne, waxa lagaaga fadhiyaa inaad fidiso gogol wadahadal, dhulkana isdhigto, una sheegto axsaabta mucaaridka ah ee kula tartamaya wax cad oo ay ushaan muddada laguu kordhiyey, waayo waxa shaki badani ka jiraa qabsoomidda doorasho xor ah oo dalka ka dhacda”


“Komishanka waxaan leeyahay masuuliyadda arrinta maanta laysku hayo idinka ayaa ummadda uga masuul ah, markaa waxa cad oo muuqata in aydaan weli run ka sheegayn muddada la qaban karo doorashooyinka”


“Guddoomiayaha xisbiga UCID waxaan leeyahay waan kaa raalli-gelinayanaa gefka lagugula kacay, aadna waaanu uga xunnahay”


Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan


Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed oo ah suldaanka guud ee beelaha Gobolka Gabiley, ayaa markii ugu horreysay baaqyo culus oo ku wajahan marxaladda adag ee waqtigan dalku galay u kala diray xukuumadda Madaxweyne Rayaale, axsaabta mucaaradka, ciidammada qaranka, Golaha Guurtida iyo Komishanka Doorashooyinka.


Suldaan Ismaaciil oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo khadka telefoonka Jamhuuriya shalay ugu warramayey isagoo jooga Hargeysa, ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay inuu aqbalo, isla markaana horseed ka noqdo wadahadal iyo wadatashi lagu furdaamiyo khilaafka cakiran ee u dhexeeya xukuumaddiisa iyo axsaabta mucaaradka ah.


Waxa kale oo Suldaan Ismaaciil ka digay in xukuumadda madaxweyne Rayaale muddo-kordhintii Golaha Guurtida u adeegsato awood ay ku muquuniso mucaaridka la tartamaya, isagoo u soo jeediyey inuu aqbalo wadahadal iyo wadatashi lagu dhammeeyo khilaafka cakiran ee dalka ka aloosan, “Waxaan madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa u soo jeedinayaa in aanay u arag muddo-kordhintii Golaha Guurtidu xilka ugu kordhiyeen xukuumadda awood kale oo loo sameeyey, balse waa inay u arkaan in lagu ilaaliyey, laguna iibsaday nabadgelyada iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliand, waana inay ilaaliyaan nabadgelyada dhinacooda, oggolaadaana wadahadal iyo wadatashi, muujiyaana dabacsanaan.


Waxa kale oo aan leeyahay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Madaxweyne adiga ayaa dalka u madaxweyne ah, adigaa maanta mindidda daabkeeda haya, waxana lagaaga fadhiyaa inaad fidiso gogol wadahadal, dhulkana isdhigto una sheegto axsaabta mucaaridka ah ee kula tartamaya wax cad oo ay ushaan muddada laguu kordhiyey, waayo waxa shaki badani ka jiraa qabsoomidda doorasho xor ah oo dalka ka dhacda, kadib muddada xilka laguu kordhiyey, sababtoo ah waxa muuqata in aanay xisbiyada mucaaridka ah si rasmiya u diidanayn muddo-kordhinta Golaha Guurtida ee ay leeyihiin sidii ninkii subxaanyada ka diday ee la yidhi, waar maxaad la boodey waa subxaanyee, ee isna ku jawaabay; ‘waan ogahay inay subxaanyo tahay, laakiin waxaan ka baqayaa in waddo halaq noqoto.”


“Axsaabta mucaaridka waxaan leeyahay ha noqonina islaantii intay laxooxda dubtay xabbadii u dambaysay ka kacday, waayo waxa waajib idinku ah inaad ilaalisaan wixii nabadgelyada iyo xasilloonida dalka waxyeeli kara, illeyn waxa la soo gaadhay xilligiii aad sugayseen muddada dheer,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil oo la hadlayey xisbiyada mucaaridka ah, kuwaas oo uu ugu baaqay in nabadgelyada dhawraan.


Sidoo kale, Suldaan Ismaaciil Sh. Cabdiraxmaan oo ka mid ah xildhibaannada Guurtida ee u codeeyey muddo-kordhinta xiisadda siyaasadeed dalka ka abuurtay, ayaa golihiisa u soo jeediyey inay dabagalaan oo la socdaan asbaabihii Madaxweynaha xilka ugu kordhiyeen fulintooda, balse aanay mar walba sugin codsi muddo-kordhin lagu dalbanayo.


“Waxa kale oo aan Golaha Guurtida u soo jeedinayaa in aanay kursigooda maalin walba ku sugin noo kordhiya, balse ay ka hawlgalaan in dabagalaan muddada ay kordhiyaan inta lagu dhex jiro ee aanay dhammaan, illeyn balaayo ka hortag bay leedahay ee ka daba-tag ma lahee.”


Waxa kale oo suldaanku dhaliil iyo canaan kulul dusha ka huwiyey Komishanka Doorashooyinka oo uu ku eedeeyey masuuliyadda dib-u-dhacyada doorashada ee sababay khilaafka siyaasadeed, markastana isaga dhawaaqaan waqti aan waxba ka hirgelin oo ay doorashada u cayimaan, Komishanka Doorashooyinkana waxaan leeyahay masuuliyadda arrinta maanta laysku hayo idinka ayaa la idiin xilsaaray oo ummadda uga masuul ah, markaa waxa cad oo muuqata in aydaan weli run ka sheegayn muddada la qaban karo doorashooyinka, sababtoo ah maalinba muddada aad doontaan ayaad iska odhanaysaan, waxana loo baahan yahay inaad ka run-sheegtaan xilliga aad qaban karaysaan doorashada ee rasmiga ah, kana midho-dhalisaan muddada aad qabataan ee ummaddu idinka sugayso si loo kala badbaado,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.


Geesta kale, waxa uu suldaanku dhambaal raalligelin ah u diray Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu ka tacsiyadeeyey fal ay Sabtidii toddobaadkan kula kaceen ciidammada ammaanka ee degmada Togwajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley.


Dhambaal raalligelin ah oo Suldaanku u diray Guddoomiyaha UCID uu Jamhuuriya kadka telefoonka u soo mariyey, waxa uu ku yidhi; “Waxaaan aad iyo aad uga raalli-gelinayaa dhibtii ka soo gaadhay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo ciddii kale ee la socotayba amma ka horreysayba ee ay ka mid yihiin hawlwadeenada xisbiyada mucaaridka ah wakhtiyada ay ku gudo jiraan shaqooyinkooda amma safarrada ay ku tagaan deegaanada Gobolka Gabiley ee sharcigu siiyey, aad iyo aadna waxaan uga xunnahay in dhib noocan oo kale ah ku dhacdo qofkasta oo muwaadin ah, ha ahaado masuul amma muwaadin caadi ah, waxana xaaraan ah in lagu dhibo qofna awoodda dawladeed ee qofka laftiisu qaybta ka yahay, isaga oo aan wax dembi ah samayn, waxaanuna u soo jeedinaynaa masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee ka hawlgala Gobolka Gabiley inay gartaan waajibkooda oo isu arkaan in yihiin hawlwadeenno u adeegaya dadweynaha iyo guud ahaan bulshada Somaliland, balse aanay cid gaar ah u adeegin, cidna aanay ka dhigan cadow loo calaamadiyey, gaar ahaan wakhtiyada uu jiro loollanka siyaasadeed oo iyagu dhexdhexaad ka noqdaan, sababtoo ah siyaasiyiinta tartamaya ee axsaabta qaranku waa madaxda qaranka ee maanta joogta iyo madaxda berrito.


Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in lagu ixtiraamo qof kasta karaamadiisa uu Ilaahay siiyey, mid mucaarid ah iyo mid muxaafid ahba.


Waxa kale oo aan ku boorrinaynaa masuuliyiinta dawladda ee Gobolka Gabiley in ay ummadda ugu adeegaan sida shaqaalaha gobollada kale ee dalku ka shaqeeyaan, dibna aanay u dhicin hagardaamaynta noocan oo kale ah ee degmada Togwajaale loogu geystey Guddoomiyaha xisbiga UCID, ciddii samaysana sharciga lala tiigsan doono.”


Guddoomiayaha xisbiga UCID waxaan leeyahay waan kaa raalli-gelinayanaa gefka lagugula kacay, aadna waaanu uga xunnahay, waxaanad tahay guddoomiyahayagii wax cadaawad ah oo Gobolka Gabiley kuu taallaana ma jirto, waxana kuu yaal wanaag iyo kalgacayl, insha Allaah dibna u dhici mayso taas oo kale, raallina kama nihin, oggolaana mayno in lagu xagxagto madaxda xisbiyada qaranka, waxaanan Ilaahay ka baryayanaa inuu gobolka ka dhigo mid caddaaladda iyo ummadda saaxiib la ah kana dhigo mid lagu soo hirto oo loo siman yahay,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil.


 




Jamhuuriya Online