Suldaanka Guud Ee Gobolka Gabiley Iyo Maayarka Degmeda Oo Si Wadajir Ah Deeq ka Kooban Timir Oo ay Ugu Talo Galeen Cii da nka Jiida Hore Ku Wareejiyey Jananka Ciidamada Qaranka Somaliland.
 


Hargeysa (TNN)- Suldaanka Guud Ee Gobolka Gabiley ,Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan iyo Maayar ka Degmeda Gabiley, Shucayb Maxamed Muuse,ayaa maanta Deeq ka kooban 500 oo Tanag oo Timir Ha Ku wareejiyey Jananka Ciidamada Qaranka Somaliland ,Janaraal Ismaaciil Shaqale Deeqdaasi Oo Ay Ugu Talo Galeen Ciidanka Jiida Hore,

Munaasibadaasi Deeqda Lgula Kala Wareegayey Oo Ka Dhacday Miiska Saaraakiisha Ciidanka Qaranka Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galalay Gananka Ciidamada Qaranka Somaliland Janaraal Ismaaciil Shaqale, Ma ayarka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Suldaanka Guud Ee Gobolka Gabiley Suldaan Ismaa ciil Suldaan C/Raxmaan, Iyo Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland.

Munaasibadaasi Ayaa Ugu Horaynba Waxaa Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Suldaanka Guud Ee Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan Isaga Oo Amaan Faro Badan U soo Jeediyey Maayarka D egmeda Gabiley Oo Isagu Bixiyey Deeqdaasi, Kuna Tilmaamay Inuu Yahay Maayarka Kaliya Ee Si Dhakh so Ah Ugasoo Jawaabay Baaqii Jananka Ciidanku U diray Dhamaan Degmooyinka Dalka, Sidoo Kalena W uxuu Sheegay Inay Reer Gabiley Ka Go'antahay Inay Garab Iyo Gaashaanba La Garab Istaagaan Ciidam ada Qaranka Somaliland, Tilmaamayna Inay Gabiley Leeyihiin Ciidanka Qaranku, Waxaanu Balanqaaday Inaanay Deeqdani Noqon Doonin Tii Ugu Horaysay Iyo Tii Ugu Dambaysay Midna Balse Ay Wadi Doonaan Inta Ay Somaliland Jirtaba.

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Maayarka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Isaga Oo Sheegay Inuu Marwalba Diyaar U Yahay Inuu Ka Qayb Qaato Horu marinta Iyo Baahi Bixinta Ciidamada Qaranka Somailand Isaga Oo Ku Timaamay Inay Yihiin Kuwa Horsee day Nabada Ay Somaliland Ku Naaloonayso, Isaga Oo Sheegay Inay Yihiiin Geesiyaal Soomajeestayaal Ah Iyo Dhiiranayaal Lagu Seexdo Laguna Soo Tooso, Waxaana Hadalkiisii Kamid Ahaa “ Waxaan Maanta Halkan Gudoonsiinaysnaa Jananka Ciidamada Qaranka Deeq yar Oo Kooban Oo Timira Oo Ka Kooban 500 Oo Tanag, Run Ahaantii Wax Wayn Oo La Sheegto May Ahayn Balse Waxaanu Ugu Talo Galnay Inaanu Tusno Ciidanka Qaranka Inaanu Diyaar Unahay O Aanu Hiil Iyo Hooba La Garab Taaganahay Si Uu Ciidan keena Difaaca Ku Jiraa Uu U Dareemo In Laga War Hayo Oo Mooralkiisu U Noqdo Mid Sareeya Waxaan Bulshada Reer Somaliland Usoo Jeedinaynaa Ciidamadeena Geesiyaashii Inay Qaataan Wax Ku Filan, Waxa Kaliya Ee Ay Ku Shaqeeyaan Waa Wadaniyada, Dhamaan Ganacsatada Iyo Dadwaynaha Reer Somaliland-Ba Waxan Usoo Jeedinayaa Inay Ciidanka Taageero La Garab Istaagaan” Ayuu Yidhi Maayarka Degmeda Gabiley.

Gaba-Gebadii Munaasibadaasi Waxaa Hadal Kooban Oo Amaan Iyo Mahadnaq Iskugu Jira Kasoo Jeedi yey Munaasibadaasi Jananka Ciidamada Qaranka Somaliland Ganaraal Ismaaciil Shaqale Isaga Oo Maha dnaq Balaadhan Usoo Jeediyey Maayarka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Waxaanu Ku Ama anay Sida Dhakhsaha Badan Ee Uu Ugasoo Jawaabay Baaq Uu U Diray Jananku, Waxaanu Sheegay Inuu Yahay Maayarka Degmeda Gabiley Maayirkii Ugu Horeeyay Ee Kasoo Jawaabay Baaq Uu U Diray Isagu, Waxaanu Sheegay Inay Baritoole Deeqdaasi Gaadhi Doonto Ciidamada Qaranka Ee Jiida Hore, Waxaanu Baaq U Diray Masuuliyiinta Kale Ee Degmooyinka Dalka Waxaanu Usoo Jeediyey Inay Ku Daydaan Maay arka Degmeda Gabiley.
 

Source: waaheen