Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Sul daan Cabdiraxman,oo tacsi u diray ciidamada Qaranka iyo eheladii ay ka baxeen labada sarkaal ee lagu dilay Degmada Qorulugud

 

 

Hargeysa (TNN):-Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman, ayaa tacsi u diray eheladii , qaraabadii ,ciidamada Qaranka iyo shacabka Somaliland ee ay ka baxeeen labada sarakaal , ee gacanta ka gar darani ku dishay degmada Qorulugud.

Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,ayaa Ilaahay uga beryey inuu labada marxuum janno Fardawsa ka waraabiyo ,eheladii,qaraabadii iyo dhamma an shacabka Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.

Labada sarkaal,Abaanduule Guuto, Captain Maxamed Yuusuf (Mays) iyo hogaankii howl geli nta guutada Xidigle, Jaamac Bidaar,ayaa ka mid ahaa Ciidamada Qaranka Somaliland ee habe en iyo maalin heeganka ugu jira difaaca iyo sugida nabad gelyada Somaliland.

 

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun.

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland