Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo si Weyn Loogu soo Dhoweeyey Wajaale iyo Gabiley
 

 


Tog-Wajaale (TNN)- Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaah i Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey maanta magaalooyinka Tog-waja ale iyo Gabiley, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu in muddo ah ugu maqna a m agaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin, xildhibaanno, waxgarad iyo boqollaal qof oo shacab ah, ayaa suldaanka kaga hortegay duleedka galbeed ee magaalo-xuduuddeeda Wajaale, kuwaasoo rux ayey sawirrada Suldaan Xasan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo soo dhoweynta ballaadhan ee reer Wajaale ku qaabileen Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ku lammaanaa fardo si qurux badan loogu sharraxay sawirradiisa iyo calanka Soma liland oo si kalgacaltooyo leh loogu soo galbiyey markii uu ka soo tallaabay xuduudka dalka Itoo biya.

Intaa kadib suldaanka oo ay galbinayeen boqollaal qof oo watay baabuur tiro badan, ayaa deg mada Wajaale uga sii gudbay dhinaca magaalada Gabiley, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiinta dawladda iyo dadweynaha magaaladaas oo aan u kala hadhin qaabilaadda Suldaa nka Guud ee Beelaha Subeer Awal.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo hadal u jeediyey dadweynaha Gob olka Gabiley, ayaa ugu horreyn uga mahad-celiyey sida diirran ee ay u soo dhoweeyeen, taas oo uu ku tilmaamay mid aad uga farxisay.

Waxa kale oo uu suldaanku ka hadlay shirweynaha qabanqaabadiisu beryahanba ka socday ca asimadda Hargeysa ee la filayo in beesha Sacad Muuse dhowaan yeelato, waxaannu caddeey ey inuu si buuxda u taageersan yahay qabsoomidda shirkaas oo uu u rajeeyey inay ka soo ba xaan go’aamo guul u noqdo beesha iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Dhinaca kale, waxa uu Suldaan Xasan ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Somaliland inay si adag isha ugu hayaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida waddanka inta lagu gudo-jiro diya argarowga iyo dabbaaldegga xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ku beeg san Sabtida soo socota.

Waxa kale oo iyaguna munaasibaddaas ka hadlay Mr. Maxamed Xuseen (Digtoorka), Maxamed Qaasim Xaashi iyo xubno ku hadlayey afka dhallinyarada iyo shacabka ku dhaqan Gobolka Gab iley, waxaanay dhammaantood Ilaahay uga baryeen suldaanka inuu caafimaad sareecan ah sii yo, isla markaana gacmo iyo farxad ugu soo dhoweynayaan dalkiisa hooyo.

 

 

Cumar Maxamed Faarax