Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo shuruud adag ku xidhay wada hadalo la doonayo in la isku soo hor fadhiisiyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida

 


Hargeysa  (TNN) -Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan, ayaa sheegay in aanay isaga iyo Weftiga uu hogaaminayo ee dalka Itoobiya u jo oga dedaalada nabadeed la kulmi Karin Madaxweynaha Killilka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxa muud Cumar, iyada oo aanay dhex dhexaadinaynin Dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya, is aga oo tilmaamay in aanay qorshaha ugu jirin inay keligii la kulmaan oo ay kala hadlaan Xaalad da ka taagan Deegaanka Xarshin sidii loo xallin lahaa.


Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan oo isaga oo ku sugan Magaalada Herer ee Dalka Itoobiya isaga iyo wefti uu hogaaminayaa khadka Telefoonka Xalay ugu waramay Wargeyska Saxan saxo, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Magaalada Herer u tegeen isaga iyo Weftigiisu sidii ay ula kulmi lahaayeen Ugaasyada iyo Madaxdhaqameedka Beelaha Ciise iyo Beelaha kale ee Deegaanadaasi dega, isla markaana ay wada tashi ula samayn lahaayeen dadka reer Sheekh Isaxaaq ee ku dhaqan halkaasi. Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi waxa uu sheegay inay kulamo la leeyihiin Madaxdhaqameedka Beelaha Soomaalida ee dega Killilka shanaad, isaga oo xusay inay dhowaan bilaabmayaan wada hadalladii lagu xalinayey Xaaladda Xarshin. Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa kale oo uu sheegay inay dadka reer Sheekh Isaxaaq ee degen Killilka Shanaad ay dadka kale dheer yihiin dhibaato aad u badan oo ay ka mid tahay Xabad lagu garaacayo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi ?Waxaanu hadda ku sugannahay Magaaladda Herer ee Dalka Itoobiya, waxaanu la kulnay Walaalahayaga Ciise iyo Gurgure , waxaanu halkan (Herer) kula shiraynaa Isaaqii joogay oo aanu wada tashi la samaynayno , isla markaana kala hadlaynay dadkii lagu laayey Deegaanka Xarshina, waxa dhex fadhiya Ciidamadii Federaalka Itoobiya, markaa Ciidankii ayaa Nabad gelyadii sugay, hawshuna si fiican ayey u socotaa, kolayna
dhibaato badan ayaa ku dhacday Reer Sheekh Isaxaaq inta degen Itoobiya, oo Walaalahayaga kale ee ku dhaqan Itoobiyana way nala qabaan, laakiin waxay reer Sheekh Isaxaaq dheer yihiin Xabada lala dhacayo, Dil iyo dhac, laakiin deegaanada kale ee la baabiiyey waanu la qabnaa, waxaanu arrintayada ku dhamaysanaynaa si distoori ah oo nabad ah, markaa arrintayada Dawladda dhexe ee Federaalka ah ayaanu ka raadsanaynaa sidii aanu xuquuqdayada u heli lahayn?


Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan oo aanu wax ka weydiinay inay Madaxweynaha Killilka shanaad ee Itoobiya la kumeen waxa uu ku jawaabay ?Hawshayada kumay jirin in aanu la kulano Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, waxaanu la kulmi karnaa iyada oo ay Dawladda dhexe ee Federaalku na dhex fadhido, waxaana dhex ka ah arrintayada Killilka shanaad Dawladda dhexe, markaa haddii uu Madaxweynaha Killilku yimaado Xarshin iyo haddii kale waxba ma laha oo waa isku mid, laakiin waa inay Dawladda dhexe na dhex fadhidaa, waxaana markii hore wax lagu qayb saday Xeerkii ahaa ONLF-tii siyaasiga ahayd iyo AND oo Umaddi kale oo dhan ahayd, Ururka EPRDF-na sidaas ayuu nagu dhex dhexaadiyey berigaas oo sidaas ayaa lagu kala qaybiyey Awooddaha, markaa tiina meesha way ka baxday oo reer qudha ayaa isku wada urursaday oo Maamulkii gacanta ku wada haya,waxaana Killilka ka jira 35-Wasaaradood Iyo Wakaaladood, waxaana dhamaan gacanta ku haya qoys keliya, markaa anagga reer Sheekh Isaxaaq waxba nagama dhexeeyaan reerka Ogaadeen la yidhaah do, laakiin Maamul ayaa na baabiiyey, Itoobiyana waxba lagama soo saarin, Deegaanada uu reer Sheekh Isaxaaq degaanna iyaga ayaa wax dhistay oo iskuulada ka dhistay, in aanu federa alka gaadhsiinana waanu ku guda jirnaa oo way noo socotaa, Weftigan aan hogaaminayaana waxa uu ka socdaa Saldanadda reer Sheekh Isaxaaq oo sidaas ayey Itoobiya ka xisaabsan yihiin?



Dhinaca kale, Madaxweynaha Killilka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la she egay inuu diiday in uu tago deegaanka Xarshin oo dhawaan dagaalo dhiig badani ku daatay ka dhacay, si uu u xaliyo Xaaladda Colaadeed ee ka taagan halkaas. Warar aanu ka helay Magaal ada Jigjiga ayaa sheegay in Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu sheegay in sababo ammaan oo jira wakhtigan aanu u tegi Karin Magaalada Xarshin. Si kastaba ha ahaatee, Xaalada Deegaamada ka ag dhow Xarshin oo todobaadyadii u dambeeyey colaad dhiig badani ku daatay ka dhacday ayaa lagu soo waramayaa in maalmihii u dambeeyey ay deganayd, iyada oo ay socdaan dedaalo nabadeed oo lagu doonayo in xal lagaga gaadho colaada Xarshin oo in muddo ah soo noqnoqonaysay.
 


Source: Wargeyska Saxansaxo