Suldaanka Subeer-Awal Oo Ansixiyey Guddidii Qaban qaa bada Shirka
Sacad-muuse, Tiradoodana Kordhiyey
Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal, ahna Suldaanka guud ee Sacad
Muuse...............
Hargeysa (TNN): – Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal, ahna
Suldaanka guud ee Sacad Muuse, ayaa kala diray Guddidii
Khilaaf-saarka shirka Beesha Sacad-muuse, waxaanu waxba kama jiraan
ka dhigay guddi qaban-qaabo oo shirkaasi loo Magacaabay
isla-markaana lid ku ah guddidii hore u jirtay.
Suldaanka guud ee Sacad-muuse Suldaan Xasan Cabdilaahi Suldaan
Cabdiraxmaan iyo Madax-dhaqameed uu ka mid ah yahay Ugaaska guud ee
beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahim Axmed Jilba-dhige oo shalay
shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa cambaareeyay guddi
qaban-qaabo oo ay sheegeen in dad doonaya inaan shirka Sacad-muuse
qabsoomin ay Magacaabeen toddobaadkan, waxayna ugu baaqeen inay
salaadiin beesha qaarkood ay hagar-daamada ka daayaan qabsoomida
shirka beesha, isla-markaana dadkooda dhinaca ka raacaan.
Shirka jaraa’id, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maxamed Cabdi
Ismaaciil (Digtoorka) oo ka mid guddida qaban-qaabada shirka Sacad
Muuse, waxaanu yidhi isaga oo faahfaahinaya ujeedada shirkooda
jaraa’id “Shirka Beel-weynta Sacad Muuse wuxuu inta badan hakad kaga
imanayaa Ardaayada Sacad Muuse Salaadiin ka mid ah, kii ugu
dambeeyayna wuxuu ahaa guddi cusub oo ay leeyihiin wuxuu
hogaaminayaa shirka Sacad ay doraad kaga dhawaaqeen Magaalada
Hargeysa, ka dib markii aanu ka soo noqonay sahan Suldaanka Guud,
guddida qabanqaabada iyo cuqaasha badhkood aanu ku tagnay halka uu
ka dhacayo shirki ee Agabar, soona sahaminay halkii ugu dambaysay,
hawshuna ay imika ka socoto”
Digtoorku waxa uu tilmaamay meelo badan oo faro-galin ku haya
qabsoomida shirka Sacad-muuse “Waanu ognahay meelo faro badan ay
faro kaga jiraan shirkan, waanu ognahay in dano faro badan ay dadka
qaarkii kaga jiraan qabsoomida shirka, beeshana waxa ka go’an in
shirkaasi dhaco, cid is hor-taagi kartaana ma jirto, Waxaanu uga
digaynaa dad faro badan iyo meelaha kale oo ay xukuumadduna ku jirto
in faro galinta la joojiyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray
“Guddigii uu sameeyay Suldaanka guud, ayaa u yeedhay guddiga
khilaaf-saarka la baxday, waxaanu ku yidhi shirka hagaajiya, anaga,
Salaadiinta iyo guddida qabanqaabada haddii ay wax jiraan dhex galla
ayuu arinku ahaa, laakiin dariiq kale ayay qaadeen, markiiba guddi
kale ayay ku dhawaaqeen oo meel laga keenay aanay jirin, markii laga
heshiiyey arimihii ee ay anaga iyo Salaadiintaba u yimaadeen, ee
aanu kalsoonidii siinay, waxay nagu yidhaahdeen waanu dhaaranay
inaanaan shirkaasi mooyee aanaan meel kale qabanin, haddana saddex
cisho markii ay naga maqnaayeen ayaanu maqalnay guddi Magaalada laga
soo ururiyey ayay la shirayaan, laakiin halkan waxa fadhiya cuqaal
badan oo aan ogeyn guddidaasi halka ay ka yimaadeen, waxaana fadhiya
qaar ka mid ah guddidaa ay Magacaabeen qaar ka mid ah”
Yuusuf Kirix Cawad oo ka mid ah odayaasha Beesha Sacad-muuse oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Shirka Sacad-Muuse ee inta badan la
hoosaasiyey maalintii loogu tallo-galay wuu dhacayaa xagga ILAAHAY
oo ay ka noqon waydo mooyaane, inta ku maxaabsata kala maqnaanshaha
Sacad-muuse ee maalinta gacmaha la is qabsado ka cabsanaya Busaarad
waxaanu leenahay waxay idiinku badinaysaa wada-jirka tolkiin ee ka
kaalaya kolba meesha yar ee aan wax aan la gayin la idiinku tuurayo”
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirka Sacad-muuse Sheekh
Cabdiqaadir Xaaji Jaamac ee mudada shanta bilood ka shaqeynayey
qabsoomida shirkaasi isla-markaana laga deba-magacaabay guddi
qaban-qaabo, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi
“Maalmahan Jaraa’idka ayaan Magacayga ku arkayey oo la leeyahay
guddi ayuu ku jiraa, ciddaa qoreysa ismaanaan arag, telefoon maan
siin, ogolaansho maan siinin, saaka (shalay) Sucuudiga ayaa la igala
soo hadlay waxaana la igu yidhi Tv-ga Liis laga xaadirinayey adiga
ayuunbaa ku jiray, guddidii (Guddidii qabanqaabada shirka
Sacad-Muuse) ma xaggan ayay isku rogtay, waxba kama jiraan ayaan ku
idhi oo guddidu waa teedii hore uun”
Guddoomiye Cabdiqaadir waxa kale oo uu sheegay “Salaadiin badan-baa
la sameeyay, salaadiinta la sameeyay waa Jilibo hoose, markay la
joogaana iyagaa guddoominaya (Beelaha) waynuna ku ixtiraamaynaa,
laakiin waxaan ku baraarujinayaa Suldaan guud-baa jira, waxaanuna
leenahay guddoonka Sacad Muuse waxa leh Suldaanka guud, waxa kale oo
aanu leenahay Saldanada guud haloo hogaansamo, shirkuna sidii loogu
tallo-galay ayuu u dhacayaa, guddida qabanqaabaduna waa sidii hore,
aniguna tii hore ayuunbaa guddoomiye u ahay, wixii kalena waa
Macmaal” ayuu yidhi
Caaqil Sacad Cali Cismaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Sacad-muuse,
ayaa isaguna si gaar ah farta ugu fiiqay Suldaanka beeshooda oo uu
sheegay inuu ka mid ah shakhsiyaadka ka soo horjeeda qabsoomida
shirka Beesha Sacad Muuse, waxaanu ku hanjabay inay xasaanada ka
qaadi doonaan “Ninka isugu is magacaabay ee aan weli laba jirsan ee
beeshiisu aanay soo caleemo saarin ee maanta ku daban-daabyoonaya
Suldaanka waanu ridaynaa, amba ku kale ayaanu samaynaynaa”ayuu
yidhi.
Ugaas Ibraahim Axmed (Jilba-dhige) oo ah Ugaaska dhigay gogosha
shirka Sacad Muuse ee loo asteeyay inu Agabar ka dhaco bisha Augost
17-keeda ka dhaco, ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay weedho garnaqsi
ah, waxaanu yidhi “Guddida Shirka Sacad Muuse ee shanta bilood
shaqeynayey ee kuwa maanta la ururinayo la leeyahay waa lagu
bedalayaana wuu mahadsan yahay, waana lama taabtaan, waanu hirgalay.
Suldaanku si la isku raaco ayuu shirka dib ugu dhigay oo idinka ayaa
sababteeda lahaa, haddana wax dambe ayaad ka deba keenteen, aniga oo
Agabar ka soo jeeda ayaa gogoshii idiin dhigay oo beeshii
Sacad-muuse”
Ugaasku waxa kale oo uu soo qaaday “Anigu ma markii aan wanaag idiin
hor-kacay ee aan gogasha dhigay ayaan nin xun noqday, waxaan
leeyahay weli idin-maanaan nicin haddana oo waanu idin dhowraynaa,
waxaanan leeyahay waar gogoshii aan idiin dhigay way idiin taalaa
soo raaca dadka oo kaalaya hogaamiyaha shirka Hoodaale”ayuu yidhi
Suldaanka guud ee Habar-awal, ahna Suldaanka guud ee Sacad Muuse
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaah Suldaan Cabdiraxmaan, oo isaguna
gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ka xumahay arinka
maanta (shalay) halkan isugu keen keenay oo aan warbaahinta uu kaga
war helay, aniga oo aas ka qayb-galay ayaan maqlay salaadiintii
dhaqanka ayaa shir-jaraa’id qabanaya oo guddi cusub ku dhawaaqaya,
aad-baan uga xumahay in wixii gudaheena ahaa warbaahinta la galiyo,
reerkuna guddida qabanqaabada wuu yaqaanaa oo Sheekh Cabdiqaadir
Xaaji Jaamac-baa hor fadhiista, waxay ahayd ciddii guddidaa wax ka
tirsanaysaa inay I soo gaadhsiiyaan, waxa I soo gaadhayna waa wax
sahaalo ah oo la maareyn karayo, markaa maan garan sababta
warbaahinta loo galiyey arintii guddida qaban-qaabada iyo liisaska
lagu soo darayo”
Suldaan Xasan, waxa kale oo uu sheegay “Maanta oo ay taariikhdu 2-da
Jully (Shalay) guddidii qabanqaabada ee ahayd 39-ka, waxaan ka
dhigay 45 xubnood, waxaan 20kii bisha Magacaabay guddida
khilaaf-saarka, laga bilaabo maanta (shalay) shaqdoodii way
dhamaatay waanan u mahad-celinayaa, guddida kaliya ee jirayaana waa
guddida qaban-qaabada”ayuu yidhi.
Shirkan oo ay ka hadleen 13 chief caaqil, ayaa waxa lagu ayiday
goobta shirkaasi ka dhacayo, sidoo kalena waxa lagu dhaliilay
dhaliilay hab-dhaqanka salaadiinta Sacad-muuse qaarkood.
Shirku wuxuu codsaday in xukuumaddu faraha kala baxdo qabsoomida
shirka Hoodaale ee Sacad-muuse.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|