Suldan Maxamed Suldan Cabdiqadar waa hormoodka salaadinta nabada jecel ee JSLand

 


Runtii maan jecleyn in an qoraal soo diro bishan ramadan ee barakeysan oo ah bil mudan in qo f wal oo muslimihi ba cibaada badiyo islamarkan waajib ah ina dhawrto afkaaga iyo adinkaaga oo ad ka dheeraato waxwal o dhibaateynkara waajibaadka faralka soonkaaga.

Waxase runtii igu kalifay inaan qoraalkan soo qoro dadbadan oo an xog badan ka heyn sababt a ama xaqiiqda ah ee kaliftey inuu Suidan Maxamed sidaa u hadalo, Suldan Maxamed suldan A bdiqadar wuxu ka mid yahay islamarkan hormood u yahay salaadinta JSL ee nabada iyo horu marka jecel waan dadka runtii dareensan in ey nabadu macaantahay wadajirku wanaagsan y ahay, dagaalka iyo dhibaatada halisteeda leedahey og.

Runtii dadbadan oo warma ogaha eya kusoo baraarugay hadalka suldan Maxamed oo an isba weydiin maxa suldanka ku kalifay inuu sidan u hadalo, diinta suuban waxay ina fareysa INAAD WALAALKA U HIILISO HADII U GARDARAN YAHAY OO AD QABATO, HADII LAGA GARDARN YAH AYNA AD U HIILSO OO AD ISBARBAR TAAGO OO AD XAQIISA U SOO DHICISO,

Runtii Suldan Maxamed suldan Cabdiqaadir wuxu ergo dhexdhexaada ah ka galay arinta ama k hilaafkan UCID ee labada garab, wuxu geed dheer iyo geed gaaban ba u fooley inu khilaafkan soo afjaro, waxan runtii an ka mid ahaa ragguu qoraalada u soo qorey ee uu yidhi joojiya qor aalada taageerada ah ee ad qarab ku taageereysan, wuxu suldanku labada garab ba u luley go'a nabadeed, wuxu ka dalbaday in ay joojiyaan wixi cawaaqibxumo keeni kara ee mas'uuliyi nta xisbiga kala fogeyn kara in ay joojiyaan, wuxu suldanku si toos ah ula xidhiidhay dawlada iyo madaxbadan o bulshada qeybaheeda kala duwan ha, markuu dawladii iyo madaxdii qaran ka uu ka waayay hiil iyo hoo toona wuxuu ogaaday in ay arintani tahay mid ay dawladu lug w eyn ku leedahay oo ay dooneyso in ay labadan garab isku jabiso oo xisbiga UCID sidaa albaab ada loogu xidho, wuxu suldanku ogaaday in an runtii baaqiisa nabadeed cidi ba dheg u dhigey n oo ay dawladu dooneyso in ay xiisadu sidaa u sii socoto, taasa runtii ku kaliftey inuu dawla da u jawaabo habdhaqankeeda xun iyo sida ay colaad u hurineyso.

Waxan leeyahay dawladan maanta jirta ha ka deyso hagardaamooyinka bulshada JSL ee naba da jecl, ha ka deyso qeybsanaata beelaha JSL lagu qeybinayo, waxay somalidu tidhaahda KA RIS XUN IYAN WAX KU LA*, hadii shacabka loo qeybiyo beelo waxay dawladuna ka mid noqon doonta beelahaasi loo abtiriyay uun oo dawlada beel uun ba fooda loo saari doona ama lagu shaanbadeyn doona haddii an ey ka ilbixin beeleysiga iyo qabyaalada bulshada lagu kala foge yneyo, runtii sheekadu noqonmeyso dhagaxtuur iyo kabo wado la isla taago,ee waji hore inoo soo maray oo aynu ka soo doogney baa dib inoogu soo noqon doona oo an dawlad iyo shacab toona an dan u aheyn.

Waxan qoraalkan yar kusoo gabagabeyneyaa waa bil ramadan dawladu hakale dhexbaxdo hagardaamada xisbiga UCID iyo arimaha beelaha ba oo ha joojiso isku dhufashada bulshada walaalaha ah ee doonida wada saaran ee nabada jecl.

Wa bilaahi tawfiq
 

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Gudomiyaha Nordic ee xisbiga ucid