suuqa baayacmushtariga s/land oo afar nin xaaraan ku haysta an [MARKAAD AKHRIDO AYAAD WAX WAYN FAHMI]


 


Habka baayac-nushtariga suuqa dhaqaalaha soomaliland oo isbadal wayni ku dhacay waxaad mood aa in dad fara-kutirisa uu dhaqaalihii gacanta u galay
1.dhoofinta xoolaha
2.soo dajinta raashinka
3.gaasta, petrolka iyo sigaarka iyo bagaashka
4.baayacmushtariga qaadka

Afartanqaybood ee dhumucda wayn leh waa afartii dalka dhaqaalihiisu ku xidhnaa waana waxyaaba ha laga baayac mushtareeyn jiray hadaba maanta waxa gacanta ku haya afar nin oo kaliya halkii barigii hore dadka oo dhami ku noolaa.akhristoow watigii hore waxa raasghinka keeni jiray raga tuja arta mid ka mida ka dibna waxa kala wareegi jiray taajirka kaalinta labaad oo dakada kasoo iibsan jiray ka dibna waxa shaqo ka heli jiray gawaadhida qaada raashinka oo dakeda ka soo daabuli jiray
ayagoo usii gubinaaya magaaliiyonka kale ee dalka.


ka dibna waxa la wareegi jiray baakhaarlayda oo kaalinta sadexaad ahayd ayagoo gadbad ama laba gadbadood iyo wax ka badan u tafaariiqayn jiray. ka dibna waxa kaalinta afraad la wareegi jiray dukaamada oo kiilooyo iyo nus rodol u tafaariiqayn jirtay waxa kaloo ku hoos noolaa gaadhximaarada iyo kaariyoonayaasha oo alaabta guri jiray.

Hadaad u fiirsto inta qof ee ku noolay gadbada sonkora ee dekada kasoo degta waad fahmi kartaa
waxaan ka hadlaayo[ hadaanad fahmayna anaa daboolka kaaga qaadi oo farwaawayn kuugu dhigaaya]

Maanta waxa raashinka soo dajiya oo kaalinta koowaad ku jira
shirikada indha-deero
qaadkana waxa shirikada afdiinle
dahabshiil, ibraahim dheere oo ayaguna dhamaan soo dajiya waxay doonaan

hadaan tusaale u soo qaato shirikada indho-deero
ayada soo dajisa raashinka---------waa kaalintii koowaad
ayadaa gawaadhida soo guraysa leh----ma jiraan gawaadhidii umada oo kiro ka helaysa
ayadaa dekeda kala soo baxaysa ------------ waa kaalintii labaad
ayadaa bakhaarada suuqa ku yaala iska leh ------------waa kaalintii sadexaad
ayadaa ilaa dukaamadii sii tafaariiqaynaayay kiilooyada iyo nus rodolka iska leh
xataa waxa meesha ka baxay gaadhi-ximaarkii iyo kaariyoonihii waayo gaadhibaa sii guraya alaabtii

Taasi waxay keentay in hal nin suuqii u xidhnaado oo umadii kalana ku hoos burburto aduuna loogu awood sheegto
qaadka iyo shrikada afdiinle waa la mid
dahab-shiil iyo ibraahim dheere waa lamid
iyo kuwa petrolka qandraaska lagu siiyay
dhamaan ragan aan kor ku xusay waxay xaaraan ku haystaan suuqii dhaqaalaha waxaanay cuno qabateeyeen
ragi adhiilayaasha- faashlayaasha-ragii baayacmushtariga gudaha iska dhex boodi jiray-dilaaliintii
waxay mar kaliya afarta albaab u xidheen noloshii dhabta ahayd ee umadu kusoo dhaqmaysay waayo badan

Hadaba anigoon shakhsiyan ka xumayn ragan ilaahay wax siiyay waliba aan ilaahay uga baryaayo inuu u siyaadiyo
waxaan leeyahay waar wax ka taga ragu wax buu ka tagaaye umada wax uga taga
ha is odhan ilaa habarta tamaandhada iibisa adiga hakuu shaqayso!!!!!!!!!!!!!! sidaa laga wanaagsan
waxaanan talo ahaan odhan lahaa raga kor ku xusan ee aan magacaabay raashinka markaa dekeda keentaan faraha kala baxa
sidii ragii hore ahaan jiray ku wareejiya kaalinta labaad oo ah ragii jumlad ahaan idinkala wareegi jiray
ayaguna waxay kusii wareejinayaan bakhaarlaydii oo gadbado usii tafaariiqaynaya
ka bacdina waxa kala sii wareegaya dukaan-laydii oo ayaguna danyartii rodolo ugu sii miisaya
jaranjaradii gadbada bariisi mari jirtay waa inaa marisaan waayo nolosha umada ayaa sidaa ku socotay

Gawaadhida dekeda kasuu gura raashinka mid kasta waxa ku nool laba reer oo uu biilin jiray
gaadhiximaarka waxa kunool laba reer oo uu biilin jiray
bakhaarka waxa ku nool laba reer oo uu biili jiray
adhiiluhu wuxuu biilin jiray ilaa 6 reer
dilaalku wuxuu biilin jiray hal reer
xaraaska adhigu wuxuu biiliya reerkiisa
maanta ragaasi ma hayaan wax shaqo ah waayo dalkiiba waxa la wareegay afar nin oo aduun haysta
umadiiba way yaaban tahay oo dhabanka ayay gacanta ku hayaan
waxase nasiib wamaaga inta uu jiro nin wax qoraya oo umada u sheegaya halka laga qaniinsan yahay
taas ayaan ilaahay ugu mahadinayaa[walxamdu lilaahi rabil caalamiin].

Sidan aad wadaan waa tii siyaad bare oo kale waa iska awood sheegasho iyo ku tacadi baayacmushtariga loo gaysanaayo
ragu waakii is dhawra ee yaan sunaami idinku kicina danyarta wax uga taga [yacni is farsameeya intaan la idin fahmin]
hadiise danyartu wax fahanto xaalku cirkuu isku shareerayaa markaa sameeya sidii xeegana xeego u noqto ilkona u nabad galaan
baayac-mushtarigaa leediin badbaadiya hana idiin socdo umadana noloshooda wax ku taageera oo wax uga taga.


Ugu danbayn
Maamulka dawladu waa inuu u fiirsadaa sida suuqa baayac-mushtarigu usocdo waa in xoriyada suuqa lasoo celiya
hadii aad wax ka qaban waydaana waxa meesha imanaaaya tuhun ah inaad idinku waxan raali ka tihiin
waliba waxa la odhan karaa gacan-saarbaa la leedihiin.
hadaba si arimahaas oo dhan looga hortago wax dhibaato ahina aanay ka iman waxa ku waajiba in maamulka
dawladu mar kale dib u eego habka suuqa baayac-mushtarigu u socdo.


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid CabdiDheen
dheen@live.co.uk
London