Suxufiyiintii Xidhnaa ee Radio Horyaal oo maaanta la Xukumay
 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa saaka midkiiba lix bilooda oo xadhig ah ku xukuntay labada Suxuf ee Max’ed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Sulaymaan Dhuxul, kuwaasi oo ka tirsan idaacada Horyaal oo muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa xarunta danbi baadhista (CID) ee Magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa soo gababgabaysiga dhagaysiga khamiistii aynu ka soo gudubnay, ayaa sheegtay in Xeer-ilaalintu ku guul-darraysatay in ay  cad dayso eedaymihii ay ku oogtay Suxufiyiintan ee ahaa in War ay baahiyeen uu sabab u noqday khasaare Naf iyo Maalba leh oo ka dhacay Galbeedka Somaliland.

Maxkamaddu waxay labada Suxufi ee Idaacadda Horyaal Mr. Sayid  Cism aan Mire iyo Axmed Saleebaan Dhuxul xukunka lixda bilood ah ee maanta lagu xukumay wariyayaasha waxa u weheliyay midkiiba in uu bixiyo  shill inka Somaliland 300,0000 iyada oo ay labadaasi suxufi isla maantaba bixiyeen oo xorriyadoodii loo soo celiyay.


 


Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office