Taageerayaal laxaad leh oo ku biiray xisbiga KULMIYE

 

Hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa shalay si heer sare ah usoo dhaweeyay dad tiradoodu gaadhayso boqolaal qof oo isaga yimid magaalooyinka Berbera, Sheekh iyo deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer, kuwaas oo kusoo biiray xisbiga KULMIYE, kana soo digo rogtay xisbiga talada haya ee UDUB.

Boqolaalkan taageereyaasha ah ee ku soo biiray xisiga KULMIYE oo markii ay magaalada Hargeysa soo gelayeen ay masuuliyiin ka tirsan xisbigaas iyo taageerayaal kale kaga hor tageen duleedka bari, ayaa waxa xaflad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay Hotel Imperial, waxa ka soo qab galay Guddoomiyaha xisbiga iyo guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed, Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse), Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Axmed Muxumed Madar, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo xubno kale.

Munaasibaddan oo ay saraakiisha xisbigu ka soo jeediyeen hadalo lagu soo dhawaynayo taageerayaashan oo ka soo jeeda Beesha Awal Bari ee shalay ku soo biiray xisbiga ayaa waxa ugu horeyn hadal nuxurkiisu ahaa waxqabad la’aanta xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka soo jeediyay afhayeenka xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu sheegay in madaxweyne Rayaale raali ka yahay in sharaabka uu cabayaa uu ka soo dego dekadda Boosaaso iyadoo ay Berbera joogto, wuxuuna yidhi “Maanta sharaabka Barbera lagu cabo Boosaaso ayuu ka soo dagaa, sharaabka Madaxwaynuhu Cabaana Boosaaso ayuu ka soo dagaa, Madaxwaynuhu wuxuu raali ku yahay in sharaabka uu cabaa Boosaaso ka soo dago, wuxuu raali ku yahay in Berberi xawilan tahay. Madaxwaynuhu wuxuu raali ka yahay in la naadinayo yaa kaxaynaya geel iyo Adhi Berbera jooga oo Jabuuti laga dhoofiyo.

Ta kale Burco waa magaalo madaxdii labaad ee dalka Lacagtii Maxamed Siyaad Bare ayaa ka shaqaysa Madaxwaynuhuna waa ku raali, Ceerigaabo waa gobolka inoogu balaadhan ee ugu khayraadka roon, lacagtii Cabdilaahi Yuusuf iyo tii Puntland ayaa ka socota Madaxwaynuhuna waa ka raali”.

Mujaahid Maxamed Kaahin, waxa uu sheegay in sababta keenaysa in madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu ka mashquulaan danta shacabka ay tahay iyagoo dalka ka ilaaliya Kulmiye, wuxuuna yidhi “Asbaabaha kalifaya inay Barberi u bakhtido, lacagtii Siyaad bare-na Burco uga socoto, shaqo kale oo aad u muhiim ah ayay Madaxwaynaha iyo Wasiiradiisu ay hayaan oo aydaan ogayn, shaqadaasina waa Kulmiye oo ay ku mashquulsan yihiin, Kulmiye ayaa wax Qarxinaya, Nabadgalyo darro wada, cadow bay nimankani hor joogaan Kulmiye la yidhaa oo Qaranka laga ilaalinayaa”.

Muuse Biixi Cabdi:

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, oo isna munaasibaddaa ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad naqay taageerayaasha cusub oo uu ku tilmaamay in ay yihiin mudantii dadka gobolada bari. Waxa kale oo uu ka hadlay isla markaana uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu u hiilin doono sawir qaade ka tirsan telefishanka Horn Cable Tv oo doraad ciidamada booliska ee degmada Dacar Budhuq ay tacadiyo kula kaceen isagoo markaa ku jiray hawl maalmeedkiisa caadiga ah, wuxuuna yidhi “Inanka waxa lagu dilay inuu soo saaro, war dadka ka dhaxeeya waxaana loo aaneeyay Xisbiga Kulmiye, ninkaa inuu u hiiliyo oo uu xaqiisa doono Kulmiyaa lagu leeyahay meel uu joogaba”.

Mujaahid Muuse Biixi waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi “Xukuumada wasiir ka mid ah wuxuu yidhi foodka la galayo ee soo socda ee 29-ka march loo balansan yahay waxaanu la galaynaa oo aanaan ku hakanayn raggii dhinacoodu dhulka bartay, waxaanu leenahay inan yahow dhinacayaga waxa dhulka baray oo aanu amarkooda qaadanay oo in aad adiguna dawlad noqoto anaguna halkan fadhino waa dadwaynaha Somaliland.”

Mujaahidka oo ka hadlayay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxaanu yidhi “Wasiir kale ayaa yidhi haddii uu inaga tago Daahir Rayaale oo uu shandadiisa qaato umadani way is cunaysaa, Wasiir da’ ah oo waayo arag ah, waxaan la yaabanahay umaddani 30-kii sanadood ee ugu danbeeyay ilaa 1970-kii ilaa maanta halgan ayay ku jirtaa, caalamka u gurmanaya meelaha kale ee adduunka ahina waligood uma soo gurman oo waxba uma tarin, hadday iyaga tallo ka murgacatayna iyadaa hagaajisatay, haddii ay dawlad dhisatayn iyadaa dhistay, milgaha Somaliland ma ina Rayaale ayuu kuula miisaan noqday, laakiin layaab malihid oo adigu isagaad wax ku tahay”

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose:

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu sheegay in xukuumadda maanta jirtaa ay ogaan kari wayday nidaamka khiyaamada ah ee lagu baadhay kumanaan qof oo hantidoodii la dhacay, kuwaas oo uu sheegay in ciidamadii ogaan lahaa ay ku mashquulsan yihiin xisbiga Kulmiye, isagoo xusay in marka ay maqlaa mucaarad ay u haystaan qaran dumis, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Odaygii Waynaa (Marxuum Cigaal) ee aasaasay xisbiga UDUB, oo aad iyo aad sokeeye noogu wada ahaa inaan dardaarankiisu ahayn UDUB-ta maanta, waxaan hubaa in aanu marna ku fikirin Somaliland maanta meesha ay marayso, Ictiraafkii halka uu marayo. Waxa la yidhi Sheekh Shariif baa Wanaagsan, ma Sheekhii baa Somaliland noqday mise inagaa Soomali wayn noqonay?.

Waxaan hubaa in aanu ku fikirin in Berbera looga hayaamo Boosaaso iyo Jabuuti. Berbera uma taagna Dakad ee waa muraayada kaabayaasha iyo ilaha dhaqaalaha Somailliland, haddii ay jilbaha dhigatay Macnaheedu waa in dalkii halkaa marayo, waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa Magaalada Hargeysa boqolaal qoys ayaa ooyaya oo lacagtoodii hay’ado loo bixiyay Fadhi ku dharag iyo Jiif ku jaq oo muddo dheer dalkan ka shaqaynayeen, tolow hay’adihii firfircoonaa ee dhaqaalaha dalka ugu badan qaadanayay ee lahaa NSS iyo Sirdoonku maxay qabanayeen labada sanadood ee dadkooda jeebabkooda loo qorshaynayayin maalin qudha lagala dhaqaaqo, waxaan idiin sheegaya in ayna lahayn shaqo kale oo Axmed siilaanyo iyo Kulmiye ahayn aanay lahayn ayaa idiin sheegayaa. Waxaan idiin sheegaya in luuqata ay yaqaanaan ee ah MUCAARAD ay u dhiganto qaran dumis, taasi oo macnaheedu yahay tii lagu soo ababiyay xukunkii hore.

Waxaan hubaa in beesha maanta halkan joogta inay tahay muftaaxii ugu danbeeyay iyo dareenkii ugu danbeeyay ee dadwaynaha reer Somaliland ay ku muujinayeen (Enough is enough) intaasi ayay nagaga dhantahay si nabadgalyo ah nooga tag fadlan.

Maalin dhawayd khudbad uu akhrinayay Madaxwaynuhu wuxuu yidhi bisha soo socoyo shidaalkii iyo arimahaa, adeer biyihii ayaanu la’nahay’e maxaa shidaal ah”.

Dr. Gaboose waxa uu sheegay in wali aanay xukuumadda laga haynin lacagtii doorashada lagu qaban lahaa qabtii ay iyadu bixinaysay “Waxa la qorsheeyay in doorashado dhacdo 29-ka March, maxaa loo eryanayaa Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal, aaway lacagtii xukuumada lagu qiray ee 25% ahayd ee ahayd in doorashada lagu qabto wali lama hayee maxay la maqan tahay bil, aaway digreetadii laga sugayay Madaxwaynaha mar haddii Koomiishanku hore u cayimay wakhtiga doorashada. Waxa muuqata in la qorshaynayo qorshe guracan oo muddo kordhin la yidhaahdo miyaa la ogolaan karaa ” Dr Gaboose oo la hadlaya Ciidamada Qarankuna waxa uu yidhi “Waxaan garan waayay dirayska ma waxaad u sidataan UDUB iyo Rayaale mise umadaada?, waxa la kalaogaan doonaa cida aad u sidataan 29-ka March.” Ayuu yidhi.

Baashe Maxamed Faarax :

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland oo isaguna munaasibadaa kalmado kooban ka yidhi ayaa sheegay in dhawaan kalmadihii ka soo yeedhay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ay ahaayeen qaar digniin u ah shacabka, isla markaana mudane Yaasiin uu maqlay xamxam ku taxaluqda shirarkii isdaba jooga ahaa ee Somaliya loogu qabanayay Jabuuti iyo Itoobiya, isagoo sheegay in dhawaaqaasi uu ahaa digniin ah in la ogaado halka dalka loo wado, wuxuuna yidhi “Waxaan ka tirsanaan jiray dadka Somaliland aad ugu dadaala dadki ay wada dhasheena ay isku naceen Somaliland aynu ka noqono, hadda wakhtigan la joogo shaki ayaa igu abuurmay markaan Barbera arkay, Markaan Burco arkay, waxa la leeyahay xuduudo ma jiraan sheekh shariif baa fiican aan wax la qabsano, hadalada Madaxwayne ku xigeenka ka soo yeedhaya waan hubaa in ayna Madaxwayne ku xigeenka fikradiisa ahayn, inuu yahay nin qaranimada Somaliland aad ugu adag inuu yahay waan ogahay, laakiin waxa ula gashay Shirarkii aanu isagu ka qayb galin ee jabuuti iyo Addis Ababa lagu soo maleegay hadaladii ka soo duulduulay ayuu inoo sheegayaa.

Madaxwayne kuxigeenku wuu idiin digayaa oo lexejeclo ayuu dalka ka qabaa, wuxuu sheegaya waxa idinku soo socda markaa hala yaabina, Madaxwayne ku xigeenka yaan wax laga sheegin yaan la ceebaynin, wuu inoo digay.”

Mudane Baashe waxa kale oo uu ka hadlay lacag loo ururiyay gobolka Sool oo loogu talo galay in lagu horumariyo edeegyada bulshada, waxaanu sheegay in lacagtaasi aanay gaadhin, isla markaana ay tahay lacagta uu xisbiga UDUB ku bixiyo xafladaha ee uu ku kharash gareeyo odayaasha, wuxuuna yidhi “Waxaan idiin sheegaya in dadka reer Somaliland markii Sool la qabtay, xoolohoodii waxay u hureen in lacag loo ururiyo, ciyaalkii Iskuulka ayaa ururiyay, lacagtii waxa la saaray maceeshadii, 2% oo lagu horomarinayo ayaa la siinayaa ayaa la yidhi, 2% sanad iyo badh ayay maraysaa lacagtaasina nama soo gaadhin idinkana way idinka timid meel ay jirtana lama yaqaan, waa lacagtaa loo qaybinayo odayaasha, waa lacagta xafladaha lagu samaynayo, waa lacagta SURF-yada lagu iibinayo.

Markaa waxaan idiin sheegayaa Somaliland waxay u baahan tahay badbaado, dagaalna ma jiro ee waxa lagu kala baxayaa waa cod 29-ka March inagu haddii aynu kulmiye nahay waxa aynu isa soo taagaynaa goobaha cod bixinta, qolada Xukuumada eel eh wax aanu samaynayna ma jirto waxay ku daba dhuubayaan koomiishanka qaranka oo mudada jiida, Interpeace iyo Akadamiyada”.

Maxamed Cabdi Aaden Iskeerse:

Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ah xoghayaha maaliyadda ee xisbiga Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa amaan iyo bogaadin usoo jeediyay taageereyaashan cusub, isagaoo sheegay in meel hore u bannaanayd xisbiga ay taageereyaasha beesha Awal buuxin doonaan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan (Awal Bari)

Cabdilaahi Cabdiraxmaan (Awal bari),oo isagu hogaaminayay Beesha Awal Bari ee shalay xisbiga kulmiye ku soo biirtay ayaa sheegay in ujeedada ay xisbiga UDUB uga soo diga rogteen tahay, iyaga oo u arkay xisbi aan faa’iido iyo waxtar mid aan u lahayn shacabka Somaliland, isaga oo in badan ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay xukuumada Madaxwayne kula kacaysyo shacabka, isaga oo sheegay in Madaxwayne Rayaale iyo xukuumadiisu curyaamiyiin ilihii dhaqaalaha dalka, xoolihiinaloo xidhay qof kaliya oo ajanabiya, “Aniga iyo beeshaydii Awal bari wixii ila socda iyo wixii ii maqanba, xisbiga Kulmiye ayaanu soo galnay, waxaan idiiin sheegayaa ninkii Awal bari meel u furanayow u furo, ee aynu is nabadgalino”

Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee xisbiga Kulmiye, Shiine Cabdi Barkhadle

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Kulmiye, oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa yidhi “Hadalka waxaan u qaatay in aan muujiyo siyaasi, Oday dhaqameed, dhalinyaro, Haween iyo dhammaan Beesha Awal bari in aanu ku midaysanahay in aanu xisbiga kulmiye ku soo wada biirno”.

Cabdi Qawsaan


Cabdi Qawsaan oo ka mid ahaa dadkii ka soo baxay Xisbiga UDUB ee ku biiray Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ahaan jirnay Xisbiga UDUB, waxaanuna ka soo wareegnay markaanu aragnay aayihiisa, baabiinta uu dalka sii baabiinayo ee uu yeelaheenii Cunayo, waxaanuna ku soo biirnay Xisbiga Kulmiye. Hadaanu ku soo biirnay Kulmiye waxaanu wakiil kaga nahay dadkii aanu ka nimid oo dhamaantood wada aKulmiye ah. Xoolaha nooli waa kulmiye waanay hadli karayn.

Markaa Xisbiga UDUB waa Awr garbo belelay, Markaa dalkani isbadal dastuuriya ayuu u baahan yahay.”
 

 

 


Wargeyska Geeska Afrika