Taageerayaasha Kulmiye ee Degmada Wajaale oo Mudaharaad ku Muujiyay Diidmadooda Doorasho Bilaa Diiwaan Galin ah

 

Tog-wajaale (Longlivesomaliland News)-Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo Go,aankii komishanka iyo xukuumadu ku laaleen diiwaan Galinta codbixiyeyaasha ayaa shalay ka dhacay Degmada Tog-wajaale.

Mudahaadkaasi oo ay ka qayb galeen qaybaha kala Duwan ee bulshada  Waj aale ee taageersan xisbiyada Mucaaridka ah, dadwaynihii halkaasi isugu soo baxay oo ubadnaa taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa waxay Socod nabad galyo ah ay ku soo dhexmareen Jidadka waawayn ee Magaalada Wajaale halkaasi oo ay ugu danbayntiina isugu yimaadeen  fagaa raha khayriyada ee Magaalada Wajaale.

Dadwaynihi isugu soo baxay Mudahaaraadkaasi oo aad utiro badnaa ayaa waxay siteen boodhadh ay ku xardhanyihiin, ereyo Muujinaya sida ay uga soo horjeedaan Dawlada uu Madaxwaynaha ka yahay Daahir riyaale iyo  Go, aamadii xukuumadu ku laashay Diiwaan Galinta.

Taageerayaashii ka qayb galay isu soo baxaasi waxa ay ku dhawaaqayeen Ereyo ay ku taageerayaa Go,aanka Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada  Mucaa idka ee ahaa in Doorashada lagu galo diiwaan galin, Waxaa kala hadlay  Faga araha khayriyada Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale Maxamuud Muxumed Ibraahin (Maxamuud Wayne) waxaana uu ugu baaqay taageerayaashii  Xisib iyada Mucaaridka ahaa ee Mudaharaadka waday inay ilaaliyaan  Nabadgal yada iyo Xasiloonida oo ay Mudaharaadkooda ku dhamaystaan si salmi ah.

Isu soo baxan ayaa la xidhiidhay Markii dhawaan xisbiyada mucaaridku ku dhawaaqeen inay dareenkooda ku muujin doonaan isusoo baxyo, kuwaasi ka dhacay doraad Magaalooyinka waawayn ee Dalka.
 


Wariye:Cabdirisaaq Maxamuud Awdaahir (Dhago)
Longlivesomaliland News  Reporter
Tog-wajaale Somaaliland