Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Minnisota oo Shir Isugu Yimi Magaalaada Minneapolis

Shirkani waxaa uu daba socday shir sanadeedkii xisbiga oo todobaadkii hore ka dhacay isla magaaladaasi Minneapolis, oo ujeedadiisu ahayd in lagu sii sagootiyo guddigii hore ee xilku ka dhamaaday iyo in lagu soo dhoweeyo guddidii cusubayd iyo gudoomihii oo madashaas lagu doorto. Todobaadkii hore waxaa warbixin ku saabsanayd wax qabadkii gudigaasi, wixii u qabsoomay, waxa aan u qabsoomin iyo weliba sababta ay u qabsoomi waayeen si tafatiran uga sheekeeyey  gudoo miyihii hore ee Xisbiga kulmiya faraciisa gobolkan Minnisota mudane Jama Hiirad.

 Maanta oo shirkan mar labaad la isugu soo noqday ayaa lagu dhamaystiray  gu diga cusub, iyadoo loo doortay gudoomiye cusub, mudane Axmed Nuur Faahiye. waxaana micrafoonka ku soo dhoweeyey gudoomiyihii hore mudane Jama Hiirad. Gudoomiyaha cusub oo hadall gaaban ka jeediyey goobtaasi waxa uu sheegay inuu xooga saari doono sidii uu uga shaqayn lahaa horumarinta iyo isku  xidhnaa nta shacbiga reer Somaliland ee gobolkan guud ahaan, gaar ahaana ka midho  d halinta hadafka xisbiga Kulmiye oo ah sidii dalka Somaliland iyo dadkiisuba uga m id noqon lahayeen bulshada caalamka, sidii aqoonsi buuxda loogu heli lahaa  wa da nkan curdinka ah iyo sidii xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa doorashada  madaxtinimada ee fooda inagu soo haysa.

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ugu baaqay bulshada reer  So maliland meelkasta ay joogaanba inay taageeraan xisbiga kulmiye, “waxaa  dha mmaanteen inoo cad in xisbiga talada hayaa ku guuldaraystay sidii uu uga  shaq ayn lahaa horumarinta Somaliland dhinac walba”. Axmed Nuur waxa uu ugu  baa qay dawladda uu riyaale madaxda ka yahay inay sii daayaan dhammaan dadkii ay ku xidhxidheen kacdoonkii lagu badbaadinayey dimuqraadiyada Somaliland, ka dib markii madaxwayne riyaale albaabada u laabay golaha wakiiladda oo ah ka keliya ee shacabku soo doorteen kana turjuma danaha shacabka Somaliland.

Gudoomiye Axmed Nuur oo la hadlayey xubnaha gudiga cusub uu madaxda ka  y ahay, wuxuu yiri xilli adag baynu ku soo beeganay, waa in guntiga dhiisha  laysk aga dhigaa oo habeen iyo maalinba la shaqeeya, ma jiraan cid aynu wadanka Somaliland ku haleyneynaa. Gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisii ku soo  gunaanad a y, Nin La sugayow adna yaad sugi.


Xubanaha Gudiga Cusubi waa sida hoos ku qoran:

1. Axmed Nuur Faahiye (Gudoomiye)

2. Sulaiman cige (gudoomiye – ku xigeen)

3. Mustafe shaqale (Xoghayn)

4. Abdirizak Nakhude (lacag-haye)

5. Omer Hashi (xubin)

6. Mustafe daanshood (xubin)

7. Abdirahman Dhuunjoog (xubin).



Gudomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye ee Minnisota
Dr Jama Hiirad Yussuf