Taageero
Go`aanka geesinimada iyo wadaniyadu ku dh eehan tahay ee
Salaadiintaydu ku go`aamiyeen.
Waxaan si sharaf iyo karaamo leh
u qaatay go`aanka xilkasnimada,wadaniyada,geesinamada leh ay
Salaadiinta sharafta iyo karaamada iga mudan ee beeshaydu ku
Go`aamiyeen in dan ta beesha iyo danta Somaliland ku jirto in
beeshu hoo iyo hiilba la garab istaagto codkooda na ugu
shubaan xisbiga "KULMIYE" ee u musharax u yahay mujaahid-ka weyn ee
waaya ara ga,siyaasiga, aqoonyahankaa "Axmed Maxamed Maxamoud
Siiraanyo"
Shirkeydu ku jirteen mudada dheer ee 3 bilood ahayd ee aydu arimaha
dhan walba u rogrog teen idinkoo ka tusaala qaadanaaya ama ka
waayo qaadanaaya xaalada adag ee dalku ku jiro soo-na jiitamaysay
tan iyo intii xilka loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga lugooyada
(udub) iyadoo marba marka ka sii dambaysa xaaladu ka sii darayso oo
aanay kaba soo rayna yn. dabcan idinkoo lafa guray dhan walbana u
rog rogay marxaladihii uu dalku soo maray 7 sano ee xisbiga hada
fadhiya u dalka ku soo hagaayay iyo wax qabdkiisiba haday naqon
lah ayd siyaasada gudaha,siyaasada dibada ee ictiraaf keenistu kaw
ka tahay iyo kasbashada quluubta caalamkamid dhaqaale iyo mid
siyaasadba,arimaha bulshada: dhanka Caafimadka dib u dhiska xarumaha
daryeelka bukaanka,qalabaynta xarumaha cafimaadka fayo dhowrka
bulshada ee cudurada wareega IWM.
ganacsiga: maalgashiga dalka wadani iyo ajaaniba iyadoo la siinaayo
fursada koowaad maal gashiga wadaniga Somalilander-ka,dib u
habaynta xarumaha adeega ganacsiga sida dakad aha baladhinta
iyo qalabeynta dakeda ama maarsada magaala xebeedka Berbera iyo
furusta dakadaha kale sida saylac iyo xiis si uu ganacsigu u kobco.
Dhisida iyo qalabeynta gooramada ay diyaaraduhu ka dulaan kana so
dagaan ee dalka.
waxbarashada: dhisida goobaha
waxbarashada gobol, mid ilaa dagmo si loo fidiyo barashada aqoonta
inagoo ka duulayna maah maahdi ahayd "Aqoon la`aan waa iftiin la`aan"
inagoo la socona ama og caalamku wuxu isku dhaafay ama uu isku
gumaysta wakhtigan casriga ay ta hay aqoon. U fududaynta
bulshada dhigashada waxbarashada qaabka aynu u fududayn
la hayn waxbarashada waxaynu qaadan lahayn nidaamka waxbarashada
bilaa lacagtaa,siiba caruurta ay dhalaan ciidamada qaranka
noocyadiisa kala duduwan in ay waxbarashada ku helaan bilaash.si
aynu u helno bulsho aqoon leh IWM.
ma soo koobi karo waxaynu hirgalin lahayn 7 sano ee ay udub ama
riyaale dalka maamulaa yeen, inaga oo og in uu riyaale yahay
madaxweynihi Somaliland soo mara ee ugu nasiibka iyo wakhtiga fiicna
marka aynu eegno marxalada ama xaalada taagneed 7 sano inaga o ka
shid aal qaadanayna marxaladihii taagnaa wakhtigii "A/rahmaan Tuur"
iyo "maxamed X. Ibraahim Cigaal"
waxaan garwaaqsaday markay salaadiintaydu dhan walba ay ka rog
rogeen 7 sano waxay wax ka qabteen ama ay ku kordhiyeen arimahaas
aynu kor ku soo sheegnay waxa salaadii nta beeshu
garwaaqsadeen in dib u dhac dhan walba leh mooyiye aanay waxna soo
kordhin xukumada riyaale.
1:siyaasadii arimaha dibada oo si cad u
fashilantay,kana socon wayday dan shaqsinimo oo laga hormariyay
dantii caamka ahayd.
2. siyaasadi gudaha dhanka amniga,
haayadaha amaanka qaabilsan oo fashilmay oo aan lagu halayn karin
dalka kadib markii si toosa xaruntii dalka looga talinaayay ee
madaxtooyada la qarxiyay uu madaxweynuhu ka badbaaday ta alle. maah
maah soomaaliyeed ayaa tidhaa "M adaxa meel ka saraysa oo la
taabta ma jirto" macnaheeduna ay tahay ama ay inoo tilmaam
ayso meesha amnigeedi la sugi kari waayay ee madaxweynuhu fadhiyay
ee dalka laga maam ulaayay "qasriga madaxtooyada" maxaad u
malayn markaa amniga kale ee dalka.siyaasadi gudaha gabi ahaanba
noqotay mid ay si gaara u adeegsadan masuuliyinta xukumada ka tirsa
n kuna cabudhiyaan shacabka,siyaasadii amniga guduhuna wuxu ku bad
baaday samirka bul shada iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ee
tanaasulka iyo dulqaad-ka badan muujiay iyo isxilqaa mka ay
shacabku ilaashadeen nabadgalyadooda polic-na ka noqdeen, inkastoo
ay xukumadu markasta ay abuuraysay amni xumo.
3:horumarinta caafimaadka ee dhanka
dawlada waxa aynu ognahay xaalada ka taagan xa rumaha
caafimaadka ee aadka u liidata,se ku soo luudaayay isxilqaamka iyo
taakulaynta bul shada Somalilander-ka oo u guntaday, meelihi
ay gacanta ku hayeena horumar gaadhsiiyay in kastoo xokumadu dibin
daabyo ku haysay qaarkoodna ka hor istaagtay inay hawsha ay hayaan
sii wadaan.
4 ganacsigii wax uu sii kordhe daaye
waxay xukumadu ku soo uruurisay shaqsiyaad gaara iyada oo gabi
ahaanba albaabada u laabtay ganacsigii xorta ahaa dhaqaalihiina ku
soo uruuray shaqsiyaadka gaarka.
5: dakedaha ama maarsooyinka bada wax
la kordhiyo ama la qalabeeyo daaye tii qudheed ee dalku lahaa ayaa
xidhmatay ka dib markii ay noqotay in loo oodo shaqsiyaad ajaaniba,
ha lka ganacsatadi wadaniga ahaana cashuurta lagu qaali gareeyay,
taas oo kaliftay in laga ha yaamo dekadi Berbera.
6: madaarada iyaga hadalkoodaba daa.
waxay noqdeen kuwo albaabadu u xidhmeen kii ugu dambeeyay ee
Hargeisa caasimadii dhameed ee dalka ku yaalayna halka xaajadiisu
taagan tahay waynu ognahay in madaxdii xukumada oo uu riyaale ku
jiro ay magaalada Jigjiga ee ku taala dalka Ethiopia ee aynu jaarka
nahay ka duulan kana soo dagan.
7: waxbarashadii ay dawladu gacanta ku
haysay wax ay ku saa`idiso daaye Iskuulaadki ay ka xishoodeen in ay
iibiyaan dawladihi soo maray carada Somaliland ka hor iyo na soo
noqas hadii Somaliland-ba ayay xukumada "LUgooyo" (udub) ay
hogaamiso ay iibisay. maxaad ka sugi kuwi aynu dagaalka la galnay
waxa ay ka xishoodeen inay iibiyan ayay xukumadani iibis ay oo
ay ka xishoon wayday.
8: meel kastoo aad is odhan karto
alaylehe waxaasay qabatay ma jirto meel kastaba waxay la mid yihiin
sida kuwaas aynu soo sheegnay iyo inay kaba sii liitaanba sida
biyaha oo caasi madii dhameed ay saqda dhexe shacabkeedi
jirikaamo la wareegayan si ay biyo ay ku waysa ystaan u helaan.
IWM.IWM.IWM.IWM
Salaadiinta geesinimada,talo wadaagta,wadaniyada iyo go`aan qaashada
aanay cidnaba uga gabanayn ama u daba fadhiisanayn danaha beesha iyo
danaha Somaliland-ba leh markay arimahaas aynu soo sheegnay iyo kuwo
badan oo ay iyagu inaga xogogaalsanyiihiinba ay lafa gureen, waxay
taladadoodi ay ku go`aamiyeen halkudhigeeduna ahaa "waxa Somaliland
u dan ah ayaa beeshana u dan ah" ee waayo aragnimada iyo
xilkasnimada aanu ku ogayn salaadinta beeshu noqotay in danta
Somaliland iyo danta beeshu ku sii jiri karin xaaladahaas uu xisbiga
talada haya dalka soo mariyay 7 sano ee u soo maamulaayay dalka.
taas bada lkeedina waxay baaq dheer bulshada Habar Awal ugu
sheegen in isbadalka ka socda dalka ay beeshu hormood ka noqoto oo
ay codkooda iyo cududooda iyo maalkoodaba u hibeeyaan xisbiga
kulmiye ee uu hogaaminaayo geesiga mujaahidka wuxu galo iyo wuxu
gudaba aanu naqaan.
gababadi ogaysiin ku socota dadka aan beesha ahayn ee caayda iyo
cambaareynta aan loo meel dayin kula dul kufay salaadiinta huwan
beel weyn oo sheekh iyo shariifba leh karaamad oodu iyo
saxaafada soo daabacday-ba meel ka dhacyadaas loo geestay
salaadiinta.
waxaan si xushmad leh ugu sheegaya raga aan beesha Habar Awal u
dhalan se u dhashay beelaha kale ee Somaliland daga khaasatan
duriyada ee maqaalada meel ka dhaca ah cayda iyo aflagaadada huwan
soo qoray waxaan leeyahay xeerki iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee
inoo dhaxeeyay iyo tolnimadii yaan laga tagina, xasuusnaadana in
salaadiintani ay huwan yihiin sharaftii iyo karaamadii beel
weyn oo sheekh iyo shariif-ba leh, macnaheeduna ay tah ay in
salaadiintani ku hadlayaan afka beesha, masul-na ay ka yihiin
dhamaan shacbi wayna ha beesha ciroole iyo caruurba kana
turjumayaan xaalada dhabta, argtida umadaas.
beeshu waa beel ixtiraam iyo sharaf u haysa beelaha kale ee daga
Somaliland khaasatan be el weynta duriyada, salaadiinta
beelahaasina waxay naga mudanyihiin sharaf iyo karaamada ay
reera-hoodu huwiyeen.
Mida kale waxaad ogaatan go`aanka ay soo saareen in uu yahay go`aan
ay beeli iska leeda hay. isagoo go`aankaasi ka turjumaaya
danaha dhaqan.dhaqaale,siyaasad IWM. sidaas laaji geed waxa
khaladba ah in aydu wax ka qortaan ama aydu ka faalootaan danaha
beel kale ay gaadho, ha lagu ixtiraamo go`aanka ay beeshu gaadhay ee
lagu labeen.
Shabakada Hadhwanaagmedia.com waxaan ku hambalyeynaya diidmada ay
soo daabici wa yday maqaaladii aflagaadada iyo cayda aan loo
meelda`yin ee lagu qaaday Salaadiinta beesha Habar Awal.
anoo og in ay hadhwanaagmedia.com ku dhaqmayso sharciga xoroyatul
qawlka qofka ee ah in uu qof walba u madax banaan yahay ray`giisa,
iyo cabirka fikirkiisa, hadana maqaalada ama fikirka dhaqan keena
islaamka aan ku taxluuqin ama caayda qaawan ee diinteena islaa
mka,bulsho,shaqsi,dhul iyo sharaftiisa waxa loogu dhimaayo maaha mid
u ogalaanaayo shar ciga saxaafadu.wuxuuna sharcigaasi gabi
ahaanba mamnuucay in la soo bandhigo ama la faafiyo maqaaladaas.
Taas badalkeed waxaan cabaareyn u soo jeedinaya saxaafada sida
badheedh-ka ah ama aqoon daro miday doonta ha ahaate soo daabacay ee
soo bandhigay maqaalada ceenkaas ah ee sharciga saxaafadu mam nuucay.
Saxaafada ama shabakadaha soo baacay waxa ka mid ah.
www.OOdweynenews.com www.somalilandpatriots.com iyo kuwi soo qoraba.
NB: Hambalyo salaadiinta beesha. Waa naga mudantihiin karaamadaanu
idin saarnay. Alla garabkiin ha galo.
Qore: Abdifatah Omar
Abdi (abdi Kling king)
kling_king@hotmail.com
Alta , Norway |
|