Warsaxaafadeed

 



(Press release )


17/08/13



Ujeedo :- Taageero shirka Beesha Sacad-Muuse



Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino guud Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu aaminsan nahay in Shacabka reer Somaliland ay masuul ka yihiin ilaalin ----adkeeyan naba da –wada tashiga iyo horumarka guud ee dalka Somaliland.

Sidaa daraadeen Xisbiga Daryeel iyo Cadaalada(UCID),wuxuu halkan ku cadeynayaa :-



1. Waxaanu si buuxda u soo dhoweynayaa,una taageeraynaa Xisbi ahaan Shirka Beesha Sacad –Muuse ,ee loo bixiyey « Hoodaale »,kaas oo la qorsheeyey in uu ka furmo doono degmada Agabar ,ee gobolka Gabilay 18.08.2013.


2. Xisbiga UCID,wuxuu u arkaa shirkaas mid ay xaq u leeyihiin Beeshu,danaha u gaarka ahna ay Beeshu,kaga tashanayso.Waa u ducaynaynaa in uu ugu qabsoomo,uguna dhamaado nabad gelyo, warka ka soo baxaana uu noqdo mid Beesha ,Beelaha kale iyo guud ahaan Somaliland waxtara.


3. Xisbiga UCID,wuxuu ku baaqayaa in shirka la daayo fara-gelinta carqaladeynta . Waa xaqiiqa in ay Beshu xaq u leedahay in ay danaheeda ka shirto sidii Beelaha kaleba uga shireen danahooda,ugana shirdoonaan mustaqbalka.



ALLAA MAHAD LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman