Taajiroow Ka Xishoo Xarfaddii Ina Xoosh Xoolaha Umadda Ku Boobi Jiray XukuumadeeynaKhayraadka Dalka Ka Xaqsoor
 


 


Maqaalkani oo 2 sheeko ka kooban,sheekada hore waxay kusaabsan tahay ninkii taajirka ahaa qaraabadii Maxamed siyaad Barre ahaa ee naasnuujintii uu siin jiray xukunkiisii lagu nacay iyo sheeko kale oo kusaabsan,siyaasad xumada madaxda dalalka dunida saddexaad taladooda hay sa,ee ka shaqeeya abuuritaanka dabaqad dhaqaale oo cusub ama tujaar siyaasadohooda taag eerta inay naasnuujiyaan ku dadaalaya,ee sidaas xukunkooda lagu noco oo kursiga lagaga tuu ro,maqaalku waa mid masaal ah oo waano ama ah u nasteexeynta shacabka Somaliland, tujaa rta dalka iyo madaxda dowladda Somaliland,welibana aniga oo aan qofna magac dhabi doon in,a yaan hadana cidkasta runta iyo xaqiiqada dalkiisa taala maqaalkan ugusoo tabinayaa,waxana aan codsanayaa,inaad u fasirataan kolba sida aad dadweyne ahaan jeclaataan

Qaybta 1aad

Waa Sheekadii Riwaayadddii la odhan jiray “Dhado roob noqon weyday”

Waxay riwaayadaasi ka sheekeynaysay nin muddo badan faqrigu ku raagay,kaasoo illeen Eeb be waa naxariis badanee,uu xoolo badan siiyay,kadibna nimcadii hayn kari waayay,oo umaddii oo dhan ku wada kibray,isaga oo xaaskiisii ka bilaabay,oo ballan furay,kadibna shaqaalihiisii ku kibray,oo wada dhacay kuna wacad furay,hadana dadkii waddanka deganaa oo dhan ninba si uun u dhibaateeyay,nin uu dhoco,nin uu xidho,nin uu duudsiyo iyo nin uu dila ka yeelay,waxa la yidhi,maalintii dambe ayuu kibirkii ula galay dad Ilaahay jecel yahay oo qofkii il xun ku eegaba ay gacanta Eebbe ku dhaysay,waxa la yidhi,intii aanu dabinkaas ku dhicin ayay bahdsiisii hore ee uu aad ugu kibray hees hogo tusaalayn weyn ah wax ugu sheegtay,waana hees qabanaysa ninkasta oo kibraba,waxat tidhi,

· Adoo dabadheer ka doogay,

· Haddaad durdurada bilowday,

· Haddaad darajiyo xil qaado,

· Daruuraha hadduu ku geeyo,

· Dushuu kaa eegayaayee,

· Ducaa la yaboohsadaa,

· Kibirka waa lagu dumaa,

· Nimcaduu kaa daadiyaaye,

· Dorraato miyaad iloowday illowday,



…………………………………. Doqonkii kibrayna muxuu ku jawaabay,sidii ay caadadu ahayd,ee ra ga kibra ay yeeli jireen ayuu yidhi,waaryaadha anigu xool badan ayaaan haystaa,cid kastana inay ii adeegto wey ku khasban tahay,markaasuu heestan tiriyay

· Intaan doonida wadaayo

· Shukaantiyo diiradeedaa,

· Dabaysha xilliga la haysto

· Halkaan doonanaya maroo

· ,Anoo mowjado duljooga

· Raggaas dega xeeb saaxil

· Dareenkooda raaci maayee,

· Maxaa iga daadanaayaa

· Haddaad landta ugu sareeyo sareeyo,

Ninkaas sida xun u kibray,waxa uu ahaan jiray ayaa la yidhi,nin shaqaale ahaan jiray oo daraw al goboladii woqooyi ka shaqayn jiray ahaa,balse nin xariif ah ayuu ahaa,wuxuu samaystay me herado yaryar oo koob kooban,kadibna Liisan ganacsi oo dhoofin iyo soo dejin ah ayuu si qara aba kiil iyo awood madax weyne ah uu kaga qaatay,wasaaraddii ganacsiga,kadibna baankii dow ladda ayaa lacag amaah ah oo badan laga siiyay,markaasaa hadana,qandaraasyo badan laga siiyay xafiisyadii dowladdii xilligaas,isaga oo alaabooyinka ay u baahan tahay dowladdu usoo iibin jiray,marki uu muddo sidaas u ganacsanayay,ayuu hadana kolba wareegto madax weyne ku sharciyaysan jiray meelihii danta guud ahaa ee magaaladii Xamar ku yaalay,waxa la yidhi,w aa dambe ayuu goof weyn oo galbeedka Muqdisho ahaa,waraaqo sharciya madaxweynihii xilli gaas jiray uu kusoo siiyay,goobtiina waxa uu ka dhisay,dhismayaal aad u waa weynaa,goobta as waxa lagu magaaci jiray janadii Ina Xoosh ama beerii Ina Xoosh,maalin maalmihiisii badhaadh aha uu ku ka mid ahayd,ayaa isaga oo daar dheer dhisaya uu u yimid ninkii goofkaas sheegan jiray,waxana uu ku yidhi,Ina Xooshoow,haddii aad dhulkaygii awood madaxweyne igaga qaaday maanta,adduunyadu wey is bedeshaayoo,waxkastaba waa suuragale,walaaloow hanti badan ha iska gelin,maxaayeelay,hadhoow marka uu ina adeerkaa xukunka ka dhoco waxaan ka yaa bayaa,inaad samri kari weydid,weliba marka ay dowlad kale dhalato,ee ay dhammaan kugusoo qamaamaan danyartii aad sidayda u duudsiday,weliba tiiyoo aan hogaaminayo dadkii faraha badnaa ee aad ruuxkasta u awood sheekatay ee aad wada dhacday,kuwaasoo wakhtigaas daarahaaga hor fadhiistaan,(taxriir),kadibna daarahaagii suuqyada waa weyn ku yaalay,ayaa danyartii dhibanayd loo xaraashi doonaa,intaas kadibna,hadana cashuurihii faraha badnaa ee aad dowladda kala baxsatay iyo dayntii sida xaqdarada ah baanku kugu siiyay,ayaa lagaa wada qaadi doonaa,maxkamad horteeda lagu weydiiyn doonaaye,inaad maalintaas naxdinta kugu dhic doonto la waalatid,ayaan ka baqayaaye,walaaloow dhulka qunyar ku nooloow,oo weliba fooqaagan ama daartaadaas dheer ee qabyada ah,ninoow waxba ha isku dhibin dhamaystirkeeda,illeen adiga ayaa badgalay oo ganacsigaagii ku milay siyaasadihii isbedelayay, adiga ayaa inaad awood madaxweyne xoolo umadeed ku boobto u badheedhaye,adiga ayaa raggii siyaasiyiinta ahaa ee ficiltamayay midna u hiiliyay, midna ka hiiliyaye,adiga ayaa dhab arka saaray ninka adeerkaa ah ee madaxweyna ahe,ee walaaloow haddii aanad ficilada noocaasa ka noqonin,oo aanad ka toobad keenin,raaligelina aanad ka bixinin,inta uu ina aderkaa xilka hayo uunbaad taajir ahaan doontaa, oo aad xoolo haysan doontaaye taas ogoow Hebeloow,oo walaaloow goofkaygan waxba hanti badan xaaraan iyo xalaal midkaad doontaba ku keenoo ha iska gelinin,?.waxa la yidhi,Ina Xoosh oo Caydhoobay oo Kenya dadka ku shaxaadaya ayuu nin yaqaanay waagii hore yidhi,weligay ismaan odhanin Ina Xoolihiisa ayaa dhammaan doono oo dib ayuu u faqriyi doonaa,waa cibro qaadasho.

balse maalintaas ay 2da nin murmayeen nin kale oo maqlayay,ayaa inta uu ninkii goofka shee ganayay gees ula faqay ku yidhi,waaryaa hebel, ninkan aad waaninaysid markiisii hore ayay xoolihiisu xaaraan ahaayeen,oo asalkisuba naasnuujin madaxeed ayuu kusoo caana maalaye,iskaga tag (tamar nimaan lahayn iyo agoonbuu ka taajiray),oo ninkan waano iyo wax usheegisba deeqi maayaan oo, cidnabana sanadkan hadal ka qaadan maayo oo madaxweynehii dalka xukumayay ayaa caddaalad darradaas ku naasnuujinaya,adigana imika ayay kusoo gaadhay,laakiin dadweynaha badankiisuba waayadanba ,caddalad darada madaxweynaha wey ka cabanayeen oo aqalkasta oohintu wey taalaaye,iska aamus,.oo bal marka ay xaaladuhu isbedelaan ee dantu soo fadhiidhiso aan eegnee,afkaaga iska heyso,dabadeedna afkiiba juuqda gabay ayay noqotay,xukunkii siyaad Barana raggii qaraabadiisa ahaa ee kaas la midka ahaa ayaa lagu wada nacay,isagiina uu ku khaatumo seegay,hadaba masaalkaas riwaayadda ahi waxay ku dhamaanaysay,iyada oo ninkii taajiray ee deeqdii Eebbe siiyay ku kibray,markii uu ku mahadnaqi waayay ee uu nin weli ah iyo nin waranle ahba uu ku durduriyay,ayuu Eebbe u cadhooday,kadibna faqrigii hore ayaa dib loogusoo celiyay,ugu dambayntiina wuxuu ku calaacalay sidan( Anaa dhulka joogi waayoo daruuraha is idhi ka dhaanso, haday ilmo iga dhacdaayoon, anigu dhabanada hayaaye,illeyn dhado roob ma noqotee, dhalinyahay wax ku qaata tayda)

 

 

 

 

Cali Dool Axmed (Cali Qoryoley)