Taariikh Nololeedkii Marxuum-Sh. Axmed Sh. Nuux Furre Guddoomiye Ku xigeenkii koowaad ee G/Guurtida

 

 

• ALLE u Naxariistee Sh. Axmed Sh. Nuux Fure, waxa u ku dhashay Magaaladda Hargeysa 1931kii, Hooyadiina waxa la odhan jiray Caasha Xaashi.

• ALLE u Naxariistee Sh. Axmed Sh. Nuux Fure wuxuu ahaa Sheekh weyn oo dhinaca Diinta ah, kan a soo jeeday Qoys dhinaca Diinta si weyn loogu tix-geliyo, gaar ahaana Aabihii ayaa ahaa Sheekh Arladani Somaliland iyo meel Soomaali degan tahayba caan ka ahaa.

• Wakhtigii laga xoraynayay Dalka gumaysigii Ingiriiska Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Dhalinya raddii Doorka fir-fircoon ku lahayd halganka, gaar ahna xisbigii S.N.L.

• Alle u Naxariistee Sh. Axmed Sh. Nuux Furre wuxuu ahaa intii ka horaysay 1988dii Baayac-Mush tar, isaga oo ahaa nin Ganacsiga ku dhex-jiray;

• Aakhirkii Sanadkii 1988-kii markii xoogagii S.N.M laga saaray Magaaladda Hargeysa 13/08/1988 kii markaasi oo u daciifay Laxaadkii Ciidamaddu, (S.N.M) Duqay u ka mid ahaa Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ALLE u Naxariistee waxay Abbaabul Laxaad leh u galeen sidii ay u Suurto-geli lahayd Shirw eyne ay isugu yimaadeen Dhammaanba duqaydii Beelihii Halganka ku jiray, kana tirsanaa Beeshi dhexe, iyagoo Abaabulkaasi waday Muddo Saddex Bilood ah, oo u ka ahaa Hormuud Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre ALLE u Naxariistee

• Abaabulkaasi waxa ku qabsoomay Shirweynihii Aasaaska Guurtiddii Dastuuriga ahayd, Aakhirkii Sanadkii 1988-kii Tuuladda Cadaroosh.

• Halkaasi ayay ka hana-qaaday amba ka abbuurantayba Guurtiddii Dastuuriga ahayd, kuwaasi oo Xoojiyay Dibu-Abaabulna ku sammeeyay dhammaanba hawlihii kala duwanaa ee halganka, hadi i ay ahayd Ciidan ururin, Taakulayn Saad, Xanaanayn Dhaawac iwm;

• Muddadii halganka lagu jiray, Guurtiddii Dastuuriga ahayd ee Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furr e ka ahaa Gudd-ku-xigeenka waxay ka ahaayeen halganka UDUB-DHAXAAD, waxayna mar-waliba u taagnaayeen xallinta khilaafaadka iyo iska-hor-imaadka;

• Guurtiddii Dastuuriga ahayd, ee uu Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ka ahaa Gudd-ku-xigeenku ka dib markii dalka lagu soo noqday ee laga xoreeyay rajiimkii Siyaad Barre, waxay ku qabteen Magaala dda Berbera 23 February 1991kii kullankii ugu horeeyay ee wax-garadka iyo duqayda reer Somal iland ku kulmaan, kaasi oo ahaa Guddoonkii ugu horeeyay ee dhinaca Nabadda, looguna baaqay dadkii Reer Somaliland ee iska-soo-hor-jeeday in ay dhex-marto Nabadd iyo Walaaltinimo;

• Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Duqaydii kaleba waxay bilaabeen Hawlo Nabadeed oo Bulshadda dhex-marta, la gaadhsiiyayna hoos (Grass Root Peace) kaasi oo lagu fuliyay Bari iyo Galbeedba;

• Guurtiddii Dastuuriga ahayd ee Marxuumku ku ahaa Gud-ku-xigeenku waxay wax ka Abaabuleen Nabaddayntii hoose ee Beelaha ka dib, Shirweynihii Guurtidda Beelaha Somaliland 27 April 1991—18 May 1991 ku Qabsoomay Magaaladda Burco. Shirweynahaasi oo ahaa kii Dib-loogula soo noqd ay Madax-banaaniddii Reer Somaliland, kuna lahayd Guurtiddu Doorka ugu weyn, iyaggo hor-seeday Go’aankii lagu gaadhay Burco;

• Guurtiddii Dastuuriga ahayd, ee u ka ahaa Gudd-ku-xigeenka Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Guurtiyaddii Beelaha Reer Somaliland, waxay Gurmad Nabadeed u tageen Magaaladda Burco, halkaasina waxay ku dhammaystireen Iska-hor-imaadkii dhex-maray Laba-Beelood ee wad da-dagan Magaaladda Burco February 1992kii.

• Guurtiddi Dastuuriga ahayd ee uu Gudd-ku-xigeenka ka ahaa Sh. Axmed, iyo Guurtiddii Beelaha Reer Somaliland waxay Magaaladda Sheekh ku dhammaystireen Dagaalkii Sokeeye ee Magaaladda Berbera ka socday muddada 6da bilood ahayd. Shirkaas Sheekh oo socday 22 Oct 1992—15 No 19 92gii, ka sakow heshiisiintii Labadda Beelood, wuxuu ahaa kii ay ka soo baxeen Go’aamaddii Guud ee dhinaca Nabadgelyadda, Isla-markaasna lagu odorosay Shirweynihii Boorama. Sidoo kale Shirk aas Nabadeed ee Sheekh ee uu Marxuumku ka tirsanaa Horumoodyaddiisa, wuxuu ahaa kii Somalil and kaga Nabad-gashay in ay yimaadaan Ciidamaddii UNISOM oo markaasi ka dagayay Mogadisho,

• Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo Gudd-ku-xigeen u ahaa Guurtiddi Dastuuriga ahayd iyo Guurtiyaddii iyo wax-garadkii Beelaha Reer Somaliland waxay abbaabuleen suurta-geliyeena Shiw eynihi labaad ee Guurrtiyadda Beelaha Reer Somalialnd, kuna qabsoomay Magaalaadda Boorama 24 January 1993. Shirweynahaasi oo ahaa kii ay ka soo baxeen Axdigii Nabad-gelyo Axdigii Qaran iyo Xukuumaddii uu Madaxda ka noqday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

• Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Horaantii Bishii August 1993 waxa Golihii u horeeyay ee ku qeexnaa Axdigii Magaaladda Boorama u doortay Gudd-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtidda.

• 1996 Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre wuxuu ka ahaa Gudd-ku-xigeen 1aad ee Shir-guddoon k ii Shirweynihii 3aad ee Beelaha Reer Somaliland, Shirweynahaasi wuxuu ahaa kii lagu dhammays tiray iska-hor-imaadkii iyo khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee sababay Dagaaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 15 Oct 1994— Oct 1996.

• Shirweynahaasi wuxuu socday 15 Oct 1996 illaa March 1997 waxaanu ahaa kii lagu guddoonsad ay Dastuurka, mar labaadna lagu doortay Xukuumaddii uu Madaxda ka ahaa Marxuum Cigaal

• 1997 Illaa Maanta 03 April 2013 oo uu Geeriyooday Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, wuxuu ahaa Gudd-ku-xigeenkii 1aad oo Goluhu u doortay mar labaad.

• Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, hawl-kasta oo ay Guurti qabatay ha ahaato mid yar iyo mid weynba, ha ahaato mid Nabadeed, ama xallin khilaafaad Siyaasadeedba, wuxuu ka ahaa kana mid ahaa hogaamiyayaasha, waxaanu wax ku lahaa hal-abuurkii hawl-galaddaas oo dhan kuwo aynu so sheegnay iyo kuwo aynaan xusinba.

• Gebo-gabaddii Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo ahaa Gudd-ku-xigeenka 1aad ee Golaha G uurtidda JSL, muddadii Axdiga lagu shaqaynayay iyo Muddadii Dastuurka lagu shaqaynayayba, wa xa lagu xusuusan doonaa oo qof kasta oo Reer Somaliland ah Maskaxdiisa ku jiri doonta kaalintii halganka ay ku lahayd Guurtiddii Dastuuriga ahayd ee Beesha dhexe, kaalintii Nabad-gelyadda iyo Dhismaha Dawladnimo ay ku lahaayeen Guurtiyadda iyo Wax-garadka Beelaha Reer Somaliland, kaalintii iyo doorkii ay Guurtiddu ku lahayd hawlaha kala duwan ee ka hir-galay dalka JSL, waxana si gaar ah loogu xusuusan doonaa Go’aan-qaadashadiisii geesinimadda lahayd iyo Isku-kalsooni dda lahayd. Waxa lagu xusuusan doonaa dhaqankiisii hufnaa iyo Aqoontiisii Diineed, wehelisayna haybadda iyo karaamaddu.

• Noloshiisii iyo Muuqaalkiisiiba waxay Golahani Guurtidda iyo Qaranka u ahayd wax-weyn oo la xu suusan doono, gelina doonta Taariikhda ummaddani.

• Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ALLE u naxariiste, waxa u ifka kaga tagay Laba Xaas iyo 13 Qof oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdhaba. Waxay sii dhalleen marka lagu daro waxay noqonayaan tiro aan ka yarayn dhawr iyo konton qof maanta.

Alle ha u naxariisto, Naxariistii jano eeba ha siiyo, Qoyskiisii, Eheladiisii, Asxaabtii, Golihiisii, iyo Sha cbiga Reer Somalilandba Guddo iyo Dibedba Samir iyo Iimaan ALLE ha ka siiyo.
Aamin Aamin Aamin.

Allaa Mahad Leh



Waxa soo diyaariyay.
 


C/laahi Ibraahim Habane
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda JSL.