|
TAARIIKHDA IYO
WAXQABADKA SIILAANYO

TAARIIKHDII WAXBRASHO:
Guddoomiyaha
xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo wuxuu dhashay
sannadkii 1936kii tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig
ee gobolka Togdheer. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku dhamaystay
magaalada Shiikh. Waxbarashadii dugsiga sarena wuxuu ku qaatay
magaalada Boorame.
Markuu waxbarashadiisa dugsiga sare dhamaystay sannaddii 57kii Mr.
Siilaanyo wuxuu u kicitimay dalka Ingriiska halkaasuu ka sii watay
waxbarashadiisii sare. Sannadkii 1958kii-60kiina wuxuu magaalada
London ee carriga Ingiriiska ku qaatay waxbarashadii diyaar garawga
jaamacadda ee advanced level. Sannadkii 1960kii wuxuu
waxbarashadiisii jaacamadeed ka bilaabay Jaamacadda Manchester ee
dalka Ingiriiska waxaanu bartay cilmiga dhaqaalaha Sannadku markuu
ahaa 1965kii wuxuu jaamacadda Manchester ku dhamaystay
waxbarashadiisii jaamacadeed waxaanu ka qaatay ashahaada sare ee
Masterka.
Mr. Siilaanyo markuu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu
Kusoo noqday dalka si uu cilmigiisa uga faa’ideeyo dalkiisa iyo
dadkiisaba. Waxaanu dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
ee Somaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin kuwan
hoose:
SHAQADA IYO WAAYO ARAGNIMADA:
1965kii wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Qorshaynta
Qaranka.
1969kii-1973kii Mr. Siilaanyo wuxuu ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka
1973-1978 wuxuu ahaa Wasiirkii Ganacsiga
1973-1980 wuxuu ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha ee Qaranka
1980-1982kii wuxuu mar labaad noqday Wasiirka Ganacsiga.
Mr. Siilaanyo oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee ka socday
Dhinaca gudaha Somaliya, ka dib markuu u adkaysan waayey dhibaatadii
iyo dibin daabadii Siyaad Barre ku hayey ummadda Somaliyeed gaar
ahaana kuwa kasoo jeeda Somaliland, wuxuu sannadkii 1982kii
go’aansday inuu dalka ka baxo oo ka qayb qaato halgankii dhinaca ka
ahaa kaligii taliye Siyaad Barre si ummadda looga xoreeyo nidaamkii
kali talisnimo.
Isla intuu Mr. Siilaanyo joogay London wuxuu lecturer ka bixin jiray
Jaamacado ku yaal Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu olalayn jiray
qaddiyada xornimo udirirka ee uu gadhwadeenka u ahaa ururkii SNM.
HALGANKII SNM IYO DOORKUU KA QAATAY:
Isla markuu Mr. Siilaanyo dibadda u baxay wuxuu ku biiray halgankii
dheeraa ee ummadda lagaga xoraynaayey taliskii Siyaad Barre waxaanu
SNM kasoo qabtay xilal kala duwan.
Isla sannadihii 1982-1984 wuxuu noqday guddoomiyaha ururkii SNM ee
laanta London. Wuxuu kaloo intuu London joogay u doodi jiray
xuquuqda aadmiga ee ku tacadiyi jiray taliskii markaas talada hayey
waxaanu la shaqayn jiray ururada xuquuqda aadmiga ee African Watch
iyo Amnest International.
Mr. Siilaanyo oo ahaan jiray guddoomiyihii hore ee SNM 1984-1990
waxaa Lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyii ugu wakhtiga dheeraa
uguna fir fircoonaa ee soo qabta talada ururkii SNM. Intuu SNM ka
madaxda ahaa wuxuu ururku guul balaadhan kasoo hooyey halgankii
ballaadhnaa ee Shacbiga Somaliland ku qaadeen taliskii hore ee
Siyaad Barre.
Ururkii SNM oo lagu tilmaamo inuu sababay burburkii nidaamkii hore
ee kali kataliska ahaa ee Siyaad Barre, ummadda reer Somaliland u
horseeday inay mar labaad xorriyadooda lasoo noqdaan. Waxaana dadka
qaarkii u arkaan in Mr. Siilaanyo laba daraale ninkii markaas ay
iska soo horjeedeen ee Siyaasad Barre ku eryaday hadal iyo xirfad,
dhinaca siyaasadda gudaha iyo dibadana uu albaab walba kasoo xidhay.
DOORKUU KA QAATAY DHISMAHA QARANKA IYO NADADAYNTA SOMALILAND
Mr. Siilaanyo markii dalka la xoreeyey 91kii kama fadhiisan
siyaasadda waxaana uu ka qayb galay dibudhiskii iyo horumarkii dalka.
Sannadihii 93-97kii wuxuu ahaa mudane ka tirsan golaha wakiiladda,
taasoo ku lahaa haybad iyo wax kaqabad laguna bartay daacadnimo iyo
toosinta talada dalka.
Mr. Siilaanyo oo lagu tilmaamo inuu yahay shakhsiyaadkii tirada
tiradaa yaraa ee ka danbeeyey deganaanshana iyo xasiloonida
Somaliland, waxaana loo arkaa inuu dhawr jeer Somaliland ka
badbaadiyey dhibaato kusoo fool leh. Ugu horrayn sannadkii 1990kii
markii dalka la xoreeyey wuxuu u tafa xaytay nadadaynta iyo
xasiloonida Somaliland waxaanu guddoomiye u ahaa guddidii la odhan
jiray Forum for Peace oo lagu tilmaamo inay yihiin kuwii ka
danbeeyey nabadgelyada iyo xasiloonida ka hana qaadaySomaliland.
Mr. Siilaanyo wuxuu ka mid ahaa madaxdii sare ee SNM ee taga
gobolada Awdal, Sanaag, iyo Sool isagoo u olalaynaaya nabadgelyada
iyo xasiloonida Maandeeq. Mr. Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii
hoggaaminaayey shirarkii bilawgii 91kii ka dhacay magaalooyinka
Berbera iyo Burco laysugu hawaynaayey beelaha reer Somaliland ee
walaalaha ee uu iska horkeenay nidaamkii hore ee Siyaad Barre.
Sannadihii 1993kiina wuxuu qayb libaax ka qaatay isu soo
dhawaanshaha beelahii taageersanaa SNM oo xilligaas qaarkood xurgufi
dhex martay. Sidoo kalena wuxuu ka shaqeeyey sannadihii 94-96kii
dibuheshiisiintii iyo soo afjaradii colaaddii sokeeye ee beelaha
Somaliland ee soo wada galay halgankii SNM. Mr. Siilaanyo wuxuu
hormuud ka ahaa shirkii Caynaan ee lagu qabtay magaalada Caynaba,
shirkaas oo bud dhig u ahaa soo afjaradii khilaafkii siyaasadeed ee
dhex maray beelaha Somaliland. Waxaanu door fiican ka ciyaaray
shirarkii ka dhacay sannadkii 96kii Durruqsi iyo Beer.
Sannadii 1997 markii Cigaal dib loosoo doortay wuxuu kamid ahaa
golaha wasiirada waxaana uu soo qabtay xilalka Wasiirka Wasaaradda
Maaliyadda iyo Qorshaynta. Wakhtigii uu hayey Wasaaradda Maaliyadda
oo u leehay waayo aragnimo badan waxaa uu sugay oo caadi ka dhigay
shilling Somaliland oo uu ku jiray qiimo dhac badani, waxaa kaloo uu
wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u dejiyey qorshe miisaaman oo ay
ku hawl galaan.
Mr. Siilaanyo intuu hayey Wasaaradda Qorshaynta ee Somaliland wuxuu
sameeyey talooyin balaadhan oo wax ku oola waxaanu sameeyey qaab iyo
nidaam ay ku shaqeeyaan dawladda dhexe iyo ururada caawimada baxsha
ee waddanka joogaa, waxaana hirgalay mashaariic intuu ahaa isuduwaha
hay’adaha caawimada baxsha. Waxaana jirtay in is casiladiiisii aanay
ku farxin ururada samafalku oo arkaayey inuu yahay siyaasi sare oo
aragti dheer oo lala shaqayn karo, waxaa kaloo iyana is casiladaas
walaac ka muujiyey waddamada jiiraanka ee ee ku bahoobay urur
gobaleedka IGAD oo ay qaarkood xidhiidh aad u qoto dheer la
leeyihiin.
Mr. Siilaanyo waxaa kaloo laga ixtiraamaa waddamada reer Galbeedka
waxaana uu xidhiidh dhow la yeehay waddamada Yurubta
midowday,Maraykanka iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
Sannadkii 2001 oo ay dalka ka taagnayd khilaaf siyaasadeed oo ba’ani
oo ku salaysan habka loo qabanaayo doorashada ka dhacaysay
Somaliland, Mr. Siilaanyo wuxuu u tafaxaytay sidii u caadada ahayd
inuu dhex dhexaadiyo labadii dhinac ee markaas xurguftu ka dhexaysay
oo kala ahaa xukuumaddii iyo mucaaridkii xilligaas. Mr. Siilaanyo
inkastaanu ku guulaysan inuu heshiisiiyo labadii dhinac, wuxuu seh
ku guulaystay inuu qaboojiyo oo qanciyo labadii dhinac ee is hayey.
Taasoo horseeday inaan labadii dhinac ee is hayey ayna ku kicin
waxaan dani ugu jirin qaranka.
DHIIRIGELINTA HANNAAN SOCODKA DIMOQRAADIYADDA SOMALILAND
Mr. Siilaanyo isagoo dhiirigelinayaa hannaan socodka dimoqraadiyadda
Somaliland wuxuu bishii Mey 2002 aasaasay xisbiga Nabadda, Midnimada
iyo Horumarka ee KULMIYE. Xisbiga KULMIYE himiladiisu waa inuu dhiso
dawlad kooban oo tayo leh oo hanata talada dalka si bulshadu u hesho
daryeelka ay u baahan yihiin, dalkuna u gaadho horumarka la
hiigsanaayo ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha
bulshada.
Sidaan la socono KULMIYE wuxuu kamid yahay saddexda ee Xisbi ee
qaranka waxaanu guul balaadhan kasoo hooyey labadii doorasho ee u
danbeeyey doorashadii degaanka iyo tii madaxweynaha.
Waxaana shacbiga badankiisu aaminsanyahay in KULMIYE ku guulaystay
doorashadii dalka ka dhacday, laakiin dawladdu wax is dhaafisay oo
iyadoo adeegsanaysa haybaddii, awooddii iyo hantidii qaranka ay
afduubtay natiijadii doorashada oo si aan xaq ahayn loogu dhawaaqay
in xisbiga UDUB ku doorashadii guulaystay, inkastoo xisbiga KULMIYE
caddeeyey inuu isagu doorashada ku guulaystay, Mr. Siilaanyo wuxuu
markii danbe isagoo u tudhaaya oo dhowraya danta qaranka uu ka
tanaasulay mawqifkii hore ee ahaa inuu isagu ku guulaystay
doorashadii madaxweynimada. Mr. Siilaanyo oo loo arko nimaan jeclayn
iskuna dhejin xukunka wuxuu maskabkii u sarreeyey maandeeq ee
shacbigu u doorteen ka doorbiday xasiloonida iyo nabadgelyada
dadkiisa iyo dalkiisa waxaanu kaga dhabeeyey hadalkii uu yidhi intii
muranka natiijada
doorashadu socotay ee ahaa : “Somaliland cidkastaba anigaa uga
lexojeclo badan dagaal iyo xasilooni darrana kama dhacaymayso”.
SHAKHSIYADDA SIILAANYO
Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin daacad ah oo
wakhtigiisii u lumiyey inuu adeego dadkiisa iyo dalkiisaba. Mr.
Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aamin ah oo loogu iman
karo ammaanada loo dhiibo, sidoo kalena hawl kar ah oo kasoo
dhalaala xilka loo dhiibo.
Mr. Siilaanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin deggan oo aan deg
degin, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi xeelad dheer oo
aragti fog. Mr. Siilaanyo waxa la yidhaadaa waa nin dadka jecel oo
ummaddu aanay ukala sokayn.
Mr. Siilaanyo waa nin hadalka baaliqi ku ah oo dadka ka dhaadhin
kara fikradiisa oo hadal ku qancin kara dadka taageersan iyo kuwa
dhaliilsanba. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin jecel midnimada
iyo wadajirka.
Ugu danbayna waxaa lagu tilmaamaa in Mr. Siilaanyo yahay nin nabad
jecel waxaana la yidhaahdaa waa tabliiqiga nabadda Somaliland.
Waxaanan odhan karnaa waa siyaasigii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo
intuu maskabka ugu mudan ee shakhsi aadmi ah ifka ka qabto ku
guulaysto ( Madaxweyne qaran), haddana faraha ka qaado isagoo
doorbidaaya deganaanshaha iyo xasiloonida dalkiisa.
Waxaana xaqiiq ah inuu Mr. Siilaanyo dadkiisa uga tegidoono dhaxal
la taaban karo oo ay xusi doonto taariikhda soo jireenka Somaliland.
Ugu danbayna waxaan odhan karnaa Mr. Siilaanyo waa halyeyga
Somaliland “ Somaliland hero ” ee qaranka ka saari kara wakhtigan
kala guurka ee laga guurayo qaabkii beelaha loona hayaamaayo habka
dimoqraadiyadda ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan.
REFERENCE:
Taariikh nolaleedka Siilaanyo waxaan ka helay qayb kamid ah:
1. KULMIYE website, Ahmed Siilaanyo CV.
2. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah madaxdii SNM iyo
siyaasiyiin
kale oo Somaliland ah
3. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah
shacbiga Somaliland ee dhex
dhexaadka ah iyo qaar kamid ah
taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Waxaa qoraalkan isku soo diyaariyay
Cabdi Cabdillahi Xasan (Mataan)
London, UK
|