Maxaad ka taqaanaa jabhadii Afraad iyo cidii, sidii, halkii iyo goortii la aasaasay?
 

TAARIIKHDII DAHABIGA AHAYD EE HALGANKII JABHADDI AFRAAD

Codsiyo aad u badan oo i soo gaadhay dartood ayaan mar labaad taariikhdan k ooban ee Jabhadii Afraad, oo waxoogaa madmadaw ahi meelaha qaarkood  dad ka ka galay, u soo qoray si aan u iftiimiyo meelahaasi. xogo yar oo ka dhinaa  ma qaalkii hore iyo  ilduu fyo ku jirayna waan sugay, aniga oo soo waraystay wax  ga radkii iyo dadkii aadka ugu dhuun daloolay Afraad iyo aimaheeda, siiba laba nin oo kaalmo aad u qaali ah ku lahaa dhisamaha iyo taabo-galinta Jabhadii Afraad, labadaasi nin oo hawshoodu ahayd soo ururinta wiilasha dhalinyarada ah, taba barkooda, hogaamintooda i.w.m. Labadan nin oo la kala yidhaa magacyadooda, Maxamed Aadan Cigaal( wadaad-yare) iyo Cali Cabdi Xasan( Cali-kayd).

Qoraalkani waa taariikhdii Afraad oo kooban, iyo weliba waayahii ku gadaanaa g uud  a haan degaamada Somaliland, gaar ahaana degaanka hoos yimaada deg  G abiley intii u dhaxaysay 1976-1982 ee keenay ama sababay inay Afraad dhalato. Hadii aan dib ugu yara noqdo maqaalkii u horeeyay ee Afraad, oo si aad ah u  fa afaay, waxa ku jiray  qa ladaad badanoo xaga higaad afka-soomaaliga ah iyo  we liba erayo dadka qaar ay  dhi bsan karaan, waan ka raali galinayaa taa  akhristay aasha, ugumaan talo galin inuu  si daa ku faafo, laakiinse qalad dhacay buu ahaa in qoraalka oon la tafaqyo tirin la soo daabaco.


Hordhac.

- 1976-kii waxa ay dawladii milatariga ahayd ee dalkii Soomaliya la isku odhan   ji ray ka arimin jirtay ay bilowday in ay abaabul dagaal gasho, oo ay dad shacaba oo qaarkood laga soo qaadi jiray Itoobiya tababar milatri siiso, tababarka ka  di bna inta lagu  badh xo askar kale oo milatari ah oo dharcad ah, ay dib ugu celiso gudaha Itoobiya, dabade edna halkaas ayaa ay ka jabhadayn jireen oo ay  daga alo goosgoosa ku qaadi jireen xarumaha milatariga ah ee ay degan yihiin  Itoobi yaanku, ama ay jidadkaba u gali  jire en gawaadhida Itoobiyaanka oo ku gubi  jire en, waxa jabhadaa lagu magacaabi jiray jabhada xoraynta soomaali galbeed (j x s g). Dhulka xadka ah ee Somaliland waa laga dareemi jiray dhaqdhaqaaqaa ay dawladii Somaliya xiligaa waday, oo dhaawaca  Jabha da ( j x s g) oo Itoobiya  ma rarka qaarkood ku soo dhawaacmay la keenyaa, dad  jabh a dnimo loo tababarayo ama loo soo tababaray oo itoobiya lagu wado la soo mariyaa, saamayn wayn  b ay ku lahayd nolol maalmeedka dadka ku nool magaalooyinka xadka Somaliland ku yaala oo lagu habeen dhixin jiray.

Isla sanadkii xigay ee 1977-1978-kii waxa dawladii milatariga ahayd ee dalkii  So omaliy a la isku odhan jiray maamulaysay ay dagaal wayn la gashay dalka  Itoobi ya, waxa  d agaalkaa ka qayb galay dadka Soomaaliyeed oo dhan, ha u  badsada an dadka reer  So maliland oo si jibaysan oon kala hadh lahayn ugu huray  dagaa lkaa bilow ilaa dhamaad naf iyo maal aan cadad iyo xisaabi-toona keeni karayne, waxa dagaalku markii uu ka  b ilaabmay Itoobiyaba sida la qiyaasi karayo, iyaguna soo qaxay oo lafahooda la soo  bax saday dadkii soomaaliyeed ee Itoobiya ku  no olaa oo qaxootinimo ku soo galay  Sooma aliya, in badan oo ka mid ahna la soo  da jiyay Somaliland, kuwaasoo dadka somaliland ku nooli ay qalbi iyo gacmo furan ku soo dhaweeyeen. Intii dagaalkaasi socday  khasa are aan la koobi karin oo dad iyo duunyoba leh ayaa uu ku keenay dadkii soomaaliyeed meel ay joogaanba, w axa dawladii Itoobiya ay laysay dad badan oo shacaba oo  Itoob iya ku noolaa, w axa kale oo ay diyaarado ku dukhaysay magaalooyin badan oo ku  yaal ay dalkii la isku odhan jiraya Somaliya, ha ugu bataan magaalooyinka ku yaal  Somalilan d-e.

Dagaalkii lala galay Itoobiya si kastaba ha ahaadee laguma guulaysan waana  la gaga adkaaday dawladii dalkii Somaliya ka arimin jirtay, ciidamadii iyo jabhadii (j x s g) galay dagaalka oo aad u tiro badan ayaa 1978-kii si habqan ah oo cago jiid ah dib ugu soo  la abtay dalkii Somaliya oo iyaga oo dhaawac noocyo badan leh oo guuldaraystay qaba soo guryo noqday.

Markii ciidamadii Soomaaliyeed iyo jabhadii la socotay lagu soo jabiyay dagaalka, ee ay ku soo laabteen Somaliya waxa daafac laga galay meelaha xadka ah, oo  w axa laga  ca bsi qabay inay Itoobiya soo gasho gudaha dalkii la isku odhan jiray  S omaliya, meelaha a la dejiyay jabhada iyo ciidamada waxa ka mid ahaa  magaaloo yinka xadka ku teedsan ee Somaliland, wax yar ka dibba-se waxa ay tirooyinka ugu badan ee jabhada iyo ciida mdu ku soo xoomeen oo ay iskugu yimaadeen iyaga oo dhaqaale ahaan ku soo raacaya degaaanka degmada Gabiiley ( Allayba day, Geed-balaadh,Wajaale, Kalabaydh iwm) oo hodan ku ahaa kala iibsiga  alaa bta sida subaga, dharka, maacuunka, xoolaha nool, be eraha I.W.M. Iyo weliba  j aadka oo isna soo mari jiray, ama ka soo talaabi jiray.

Dagaalkii lala galay Itoobiya ( 1977-78 kii ) sidii loogu soo jabiyay dawladii  milat ariga ahayd ee dalkii la odhan jiray Somaliya-ba, xaalkii hogaamineed ee dalku  w axa uu  ga lay dhabaq iyo dheeli, iyo weliba jaho wareer bulsho, siyaasadeed, iyo dhaqaale oo me el kasta mulacyeeyay, taasi waxa ay keentay inay lunto kala  da nbayntii iyo ilaalintii  s harcigu, iyaga oo taa ka faaiidaysanaya hadaba ayaa  jabh adii iyo askartii la soo  deji yay ama iskoodaba iyagu u soo foof tagay ay  degaan ka deg, Gabiiley ka bilaabeen  in ay dil, dhac, boob, kufsi iwm, dadkii degaanka iyo cidii degaanka dhexmartaba u  gaysta an, hada la soco oo dadka shacabka ahi  ka ma waxtar la' ayn oo waxa loo ururin jiray xoolo ay quutaan jabhada iyo askartu , waxa taa sii dheeraa, jaadka waxa laga siin  jir ay lacag iyo jaad ay cunaanba oo aan dawladu u qorshayn ee dadku u gartay ama ay jabhada iyo askarta  laftark eeduba mararka qaarkood qoondaystaan, waxase  naxdint eeda lahayd in  waxta rkaa iyo deeqdaa dadka degaanku siin jiray jabhada iyo askartu aanay noqon  mi d looga mahad celiyo ama badbaadisoba dadkii degaanka.

Dilkii, dhacii iyo xumaantii kaleba waxay noqotay mid maalinba maalinta ka  danb aysa ka sii darta oo waxay gaadhay heer qofnaba uu ka badbaadi waayo, waase hadana  ma laha la yara kala ilko-qaboobaa ama loo kala mici gaabnaa dadka e, c ida dhibta ugu  ba dan gaysanaysay waxay ahayd Jabhadii xoraynta somali  galbe ed la odhan jiray, ee  s halay markii Itoobiya lala dagaalamayay dadkan hada ay xumaynayaan ka helayay wax kasta oo ay u baahnaayeen, oo dadkani waa  dad kii hiil iyo hooba la garab joogay ee naftooda iyo maalmoodkaba u hurayay, waa dadka hadadan la joogo qaadhaanka u gu raya ee quudinaya, ee ku sooryaya  ni yad samida, ee xididka iyo gacalkaba la ah, Caw o-darose waxa ah, ma ay xeerin jirin jabhadu haba yaraatee waxaasoo dhan ee  qawla ysiga iyo  hagardaamaday nta dadka waa ay iska wateen.

Dadka degaankuse iyaga oo walaaltinimadii soomaalinimo iyo qiiradii wadaninimo oo  xili gaa aad u kacsanayd ay ku jirto ayay si kasta oo ay wanaag bidayeenba iskugu  daye en inay dhibtan ku joojiyaan, ergo ayay direen nabad-doon ah, dacw ad iyo cabasho  iy o wax kastaba way ku bilkaydiyeen xalinteeda ha yeeshee  mid na wax midho ah ma  dh alin, waxana ay gabagabadii arintii iskugu soo ururtay in aan male kale jirin ee ay arintu tahay ragoow rag iska dhaw!!! Dadkii degaanku waxa uu ku khasbanaaday inuu dagaal gudoonsado, go' aan hoose waxay ku  ga adheen inay dhalinyaradii degaanka  ururiya an oo ay sharaftoda, naftooda iyo  maalkoodaba difaacdaan, halkaa waxa ka bilaabmay is abaabul iyo is urursi  laga ga baraan degayo sidii loo samayn lahaa jabhad degaanka iyo dadkaba  gaasha an u noqota, oo ka caabida dhibkii ay ku haysay jabhadii xoraynta somali  galbe ed degaanka deg, Gabiiley. Halkaasaa ay ka bilaabantay xerayntii  dhaliny aradii u horaysay taariikhdu markay ahayd 24/08/1978, oo lagu xereeyay xero laga  s a meeyay kayn (cayn) ku taal halka xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhaxeeyaa uu  mar o oo la yidhaahdo harta Cabdilahi-faruur.


Afraad: Marxaladahii iyo magacyadii ay soo martay.

- 24/08/1978 kii, laba nin oo ka mid ah odayaasha Geed-baalaadh oo  magacay adooda la kala yidhaa, Maxamed Aadan Cigaal (wadaad-yare) iyo Cali Cabdi  Xa san (cali kayd) oo ka mid ahaa ragii u guntaday samaynta jabhad degaanku  lee yahay, ayaa ku soo xereeyay 25-kii nin ee ugu horeeyay ee lagu bilaabay  jabh adii Afraad, xero looga  sam eeyay Harta Cabdilahi faruur oo 4-5 kilo mitir bari ka xigta magaalad geed balaadh kuna taala xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo  Somal iland, si ay wiilashaasi jabhada ahi u  yeesh aan sumad gaar ahna waxa loo  bixiy ay magac la yidhaa ''jabhada ciidanka diinta  isla amka'' . Qaban qaabo iyo waxa durbadiiba la galay hub iyo saanad urursi, waxa hubka laga soo ururiyay qoryo wax allah iyo waxii dadku hayay, si loogu tabobaro jabhada, xaga saanada iyo cuntada oo muhiim aad u ahaydna waxa dadka degaanka loo  qaybi yay 17  waa xood ama beelood, waxana lagu qori ritay saanad ku filaata 1000 qof in la soo  u ruriyo, waxa judhadiiba la yidhi, qayb kasta oo ka mid ah 17-ka beelood ha  keen aan 17 jawaan oo arabikhi ah iyo laba jawaan oo milix ah oo kayd iyo ku bilowba u  noq da jabhada, sida uu ii sheegay Maxamed Aadan Cigaal'' wadaad yare'' waxa gacan  xo og leh ka gaystay, suurta galinta hawshaa nin magaciisa la yidhaa, Maxmed Khayre  Gu uleed. Degaanka loo qaybiyay in laga soo qaadhaamo  raash inka iyo agabta kale waxa uu fidsanaa laga bilaabo, Geedbalaadh, Gobyarta, Saxatilay,Qabri-hante iyo inta u dhax aysa.

Intaasi waxa dheeraa muquunada gaar gaarka loo bixinayo oonu dadku waxba xaga  da nbe ku reebanayn, iyada oo dadku ay ficiiltamayeen oo ay taagnayd   ari ntu ama Nafta ama Neefka!!! kuma oolin baaho iyo qaadhaan jaadlayaasha, duka anlayda, maqaxilay da, beeralayda, baabuurlayda iyo hooyooyinka Caanaha  iibi ya, oo qaadhaanka ka  so kow, aan kaga bakhayli jirin in marka hooyooyinku ay  a rkaan wiilashooda ay dhiilaha higaaga ka gooyaan oo ay caanaha siiyaan si ay u cabaan. Hantida bixiteeda ka sokow dadku si balaadhan ayay ugu soo biireen  ja bhadii oo ay isku soo xereeyeen. Tiradaa dhalinyarada ee sii kordhaysa iyo shaki laga qabay maamulkii milatariga ahaa inuu  carq aladeeyo yagleelka jabhada ayaa sababay in la raro jabhadii, oo loo guuro meel kale oo la yidhaa Ina-Dhgo-luqun oo 7-8 kilo mitir gudaha u gashan Itoobiya, oo u dhaxaysa Durya iyo Geed-bala adh, waxa geedigaasi ka dib hadanana mar labaad laga bedelay jabhadii magacii hore, oo loo bixiyay magac cusub oo la yidhaa '' ciidanka Cali-Bayle ee Geed-bal aadh". madaxna waxa u ah ilaa hada odayaashii bilaabay, ee Cali Kayd iyo Wada ad-yare.

Inta dadka deganku is abaabulayay ee ay jabhada iyo tababarka iyo is urursiga ku  jire en, dilka, dhaca iyo waxii kale ee dhib ahaaba way wadeen jabhadihii  (JXSG) iyo  ask artii huwanat ahaa ee laajiga ahayd, waxana ay jabhadani (jxsg) xarumo cusub oo hor leh ka dhigatay meelo badan oo degaanka ah, xarunta ugu muhiimsanaydse waxay  aha yd tu ku taalay meel la yidhaahdo Gobyaray oo  halb awle dhaqaale ahayd, oo 10-15 k mItoobiya gudaha u gashan, oo u dhaxaysa  Wajaale iyo Haroorays, oo ay ka  samays teen meel ay lacag baad ah kaga  qaad aan dadka siiba jaadlayaasha, xoolaha-damaan ka ah iyo safarkaba, halkaasoo oo ay jabhada (jxsg) iyo askartii dawladu ku qaybsan jireen lacagtaa, Hunguri wadkii ma arko ayaa hore loo yidhiye waxa dhici jirtay in  mara rka qaarkood  dag aal ka dhex qarxo iyaga oo ay ku heshiin waayaan lacagtii baada ahayd ee ay  d adka ka qadan jireen, oo ay dad badan iyaga laftarkoodu iska dilaan.

Dhib baa taalay degaanka aad u culus oo dhulku waxa uu iska ahaa fawdo iyo in ninkii qori haysta ee garabna dawlada ku lehi taliyo, ma jirin wax sharci iyo kala danbayn ah oo la isku halayn karayay ood miciin bidaa, mararka qaarkood sharci ku badbaadiyaa haba kaa maqnaadee waxa dhici jiray dawladaad ku fako  laha yd, inay kaaga daraado kaad ka cararaysay, taasi waxay markaa markhaati cad u ahayd in maamulkii ka talin jiray dalkii Somaliya la isku odhan jiray, uu ugu talo-galay in dadka degaanka la dhibo oo ay jabhadan (jxsg) iyo askurtu si aan ka  w aabis iyo gabasho lahayn ugu gacan  ba naanaayeen hagardaamaynta dadka , waayo? dacawd iyo cabasho kasta oo loo  gudb iyo maamuladii jiray dhagaha  aya a ay ka furaysteen, wax ka qabashada arintaasi..

Dadkii degaanku si kastaba ha ahaaatee waxa uu isku keenay dhalinyaro badan oo lagu ururiyay saldhig ku yaal Ina-dhego-luqun (gudaha Itoobiya), waxase  m arkii la  bilaab ay tababarkii hadana muuqatay oo la arkay in loo baahan yahay  g argaar farsamo iyo hubba leh oo badan, arintaasi oo noqotay mid duruufahii  jir ay xiligaa, aanu dadka  deg aanku uga maarmayn in dawladii jirtay ee milatariga ahayd la waydiisto inay wax kala qabato, iyada oo lala kaashanayo niman  sara akiil ah oo degaaanka u dhashay, iyo  nim an kale oo iyagana aqoon iyo  macruu faba loo lahaa, si loogu fuliyo oo loogu ogolaado jabahadan wadaniga ahi waxay u baahan tahayna waxa lagu doodi jiray inay ka mid  no qonayso jabhada  xoray nta Somali-galbeed, taasise markii hore nasiib daro laguma  g uulaysan oo waa ay ka dhego adaygtay dawladii Siyaad Bare.

Ha yeeshee halkaa lagagama hadhin ee wax-garadkii iyo odayaashu waxay  ciya areen tab iyo xeelad kale, oo nasiib wanaag waxa ay dadkii degaanku arkeen in jabhada  xora ynta Somaligalbeed uu dhexyaalo khilaaf wayni, oo ku salaysan  aw ood iyo hanti  qay bsi, kaasi oo sii balaadhay oo aad u sii kala fogeeyay qaybo  jab hadii dhexdeeda ah, waxa aakhirataankii kala jabay jabhadii JXSG, oo laba u kala go' ay, garab ka mid ah  ay aa dadkii degaanku raacay oo uu la saftay, oo weliba magacna loo bixiyay, magaca loo bixiyay waxa uu ahaa'' jabhada xoraynta  som aligalbeed sii-galbeed'' halka qaybta  ka lena ay ku hadhay magacii hore ee ahaa, jabhada xoraynta somali-galbeed.

Kala jabkaasi J.X.S.Gayaa soo dadajiyay inay Jabhadii wadaniga ahayd hesho  m arin  iy o toobiye ay degdeg ugu kobocdo, isla markiiba waxa jabhadii degaanka  l agu daray garabkii jabhada xoraynta soomaali galbeed sii-galbeed, waxana ay halkaa ka heshay oo ay qabyteedii ka qaadatay hubkii iyo tababarkii la siinayay jabhadaha kaleba dhawr jeer, ku biiristaasi waxay keentay in ay hadana mar  se dexaad bedelato jabhadii  deg aanku magaceedii hore, oo hada loogu wanqalo  ma gacii ay caanka ku noqotay ee   Afraad, oo ahaa magac ay ku tiro gashay markii lagu daray jabhadii xoraynta somali-galbeed sii-galbeed ( waxa haysan jiray  ga rabkan nin la odhan naanaystiisa '' what do u mean''). Dagaalo badan ayaa ka dhex qarxay garabkan ay afraad ku biirtay iyo kuwii kale, oo waxa la isku qabtay ilahii dhaqaalaha iyo arimo kale, waxana dagaaladaa ay afraad ka heshay waayo aragnimo badan iyo xirfado ay u aad ugu baahnayd, kumase negaan Afraad ku sii jirista

Mudo yara dabdeed sida adba aad fili karto waxa xidhidhkoodii xumaaday  Jabhadii  Afr aad iyo qaybtii ama garabkii ay ka tirsanayd ee la odhan jiray jabhada  xoraynta  soma li-galbeed sii-galbeedd, waxa sabab u ahaana waxa uu ahaa, dhacii iyo boobkii ay jabha daha laajiga ahaa ku hayeen degaanka oo ay dhalinyaradii afraad diideen inuu sii  soc do, halka kuwa kale ee ku mamayna ay waxba ku  qaad an waayeen taasi, waxa ay  taa si keentay in fooda la is daro, taasoo ku  khasabt ay afraad inay gooni u baxdo, erayo ay gaar u lahaaayeen jabhaduhu ayaa ay isticmaali jireen oo la yidhaa'' shoobaro'', oo u dhiganto " cadho'', isku  dhacaas aa ayaa ay afraad ku shoobaraysay oo ay kaga  ba xday garabkii ay ka  tirsana yd, laga bilaabo maalintaa afraad Gooni bay isku taagtay, siday ii sheegeen  Max amed Aadan Cigaal '' wadaadyare'' iyo Cali Cabdi Xasan'' Cali kayd' oo iyagu  ho gaanka afraad xiliyadan hayay'.


Afraad: Kaalintii hogaamineed ee Maxamed-cali, Cabdi kariim iyo Dhuxul iyo weliba halgankoodii ( 1979-1982)


Hadaba in yaruun ka dib markii ay isku dhaceen Afraad iyo garabkii ay ka   baxda y ee sii-galbeed (JXSG), waxa isna ka soo goostay Jabhada Xoraynta somali-ga lbeed oo uu ka tirsanaa lana galay dagaalkii Itoobiya (1977-78 kii), mujaaahid  M axamed Cali ( Max amed-Cali), oo ay isa soo diideen nimankii taliska jabhada  xora ynta Somaligalbeed  ha ysan jiray, mujaahid Maxamed Cali waxa uu ku jiray oo uu ka tirsanaa gaaskii la odhan jiray Axmed Guray, Guutadiisa 5-aad. Isla markii uu ka baxay Jabhada Xoraynta  Soom aali-galbeed, waxa uu uu ku soo biiray  Maxam ed Cali jabhadii Afraad, oo looga dhigay hogaamiyaha ama taliyaha Ciidanka  Afr aad, halka ay hawlaha kalena ka wadeen  od ayaasha degaanka guud ahaan gaar ahaana, labada nin ee dusha ku qoran ( cali kayd iyo wadaad yare) iyo kolba cidii kale ee u gacan banaan. Hadaba ka baxaa ay Afraad ka goosatay Jabhada  xor aynta Somaligalbeed sii galbeed waxa uu huriyay colaad hor leh oo ku soo  korod hay degaankii oo ujeedo ka duwan kuwii hore leh, ujeedadanoo ahayd mid iyadu aan dhac iyo weerar toona ku salaysnayn ee wax is ka caabin iyo is difaacis  aha yd, waxana ay noqotay markii ugu horaysay ee xoog u dagaalamaya dadka  deg aanku uu soo baxo oo uu dagaal balaadhan oo laba geesood ah weliba qaado :

1-Mid uu ku xakamayanayo niman gooni gooni u dhul jiifayn jiray oo dadka wadooyinka u gali jiray dhib iyo halis ba' an ku hayay.

2- Mid saf balaadhan ah oo ahaa ka loo hamta iyo digta lahaa, oo ah in xidida loo siibo jabhada xoraynta Soomali-galbeed iyo huwanteeda ( askarta) ee ku mamay degaanka, oo cufafka ay isku dhashay bahashu lagu gubayo si gayigu u noqdo mar labaad, mid nol ol badbaade lehi ka suurto gali karto! Taasoo ku noqotay  xili gan dadka ku nool dhulkaa iyo cidii dhex martaba mid gibin iyo wax  helitaankeed u aad u adkaa ah. waxa dagaalkii labada waji lahaa noqday mid joogto ah oo  dur badiiba guulo la yaab leh u soo hooyay jabhadii wadaniga ahayd ee Afraad.

Cashuurta meelaha ay ku qaadan jireen jabahadaha xoraynta Soomaali-galbeed iyo  as kartii milatariga ahayd ee Gobyarta iyo Haroorays tusaale ahaan, ayaa  no qday  goo baha ay Afraad u badheedho hadh iyo habeen inay guluf iyo colaad  aa n kala go'  laha yn ka rido, iyada oo afraad diidaysa in cashuur ku sheegan Baada ahi sii jirto, oo  dadk an Laajiga ahi ku khasbaan dadkii dalkan lahaa inay maanta dhulkooda dhexdiisii ku bixiyaan lacag khasab ah ama nin aan u dhalanin uu ku baado.

Taasi haday timaado hadaba oo ay dhaqan gashoo ay cashuurtan joogsato, wax ay ku ahayd qolyahan huwanta ah ee laajiga ah calaf go' waxana ay ka xigeen  inay   naftoo da waayaan joojinta mooskaa janada ah ee ay Balaayiinka shilin  maal in kasta ka  hela yaan, taasaa dhalisay in dagaal ba' an oon kala go' lahayn oo ka dhan ah Afraad ay  Ja bhadihii kale oo wada jira iyo weliba huwantii askartu ay ku qaadaan Jabhada wadaniga ah ee Afraad, iskuna dayaan inay gacan ku  muquun iyaan oo ku baabiiyaan jabhada Afraad si ay xor ugu ahaadaan qawlisigoodii iyo dhacoodii.

Markii dagaalkii afraad joogto noqday waxa ku soo biiray niman u dhashay  dega anka oo milatari ama askar kaleba ahaan jiray oo soo xoojiyay afraad, waxa kale oo  magac eedii gaadhay dad iyo degaano kale oo badan oo ku diirsaday, waxa la sii labanlaabay waxtarkii loo gaysan jiray jabhyada ee qaadhaanka iyo  muquun adaba lahayd, waxa nin kasta oo ku noolaa xiliyadaa degaankaa ama inuun ka  w ar hayay qirayaa, in  dhulk eenu uu ahaa dhul ay soo weerareen dad  qawlaaysat o ahi oo aan waxba xeerinayn, naftuna aanay wax qiimo ah la lahayn, ha  yeesh ee ninkii ilaahay ku beeray een meel kale haysanin waa ku qasban yahay inuu dh  btan bani-aadanku sameeyay uu xal u  he lo e, miciin baa ay noqoqtay afraad  la gu diirsaday oo loo huray jiritaankeeda wax  kas ta, duruufahaa qalafsan ee ay abuureen jabhadahaa iyo huwantooda dartood  degaa nku waxa uu noqday meel weere-weere iyo dhul ay geerida iyo hoogu dul hoganayaan ah, oo aanay jirin maalin dadku aanay maqlayn wax ka nixiya. Taasi guud ka sokow, wa xa  jabhadi hii iyo dawladii milatariga ahayd ay si gaar ah u ogaadhsan jirtay madaxda  Jabh ada, odayaasha qaarkood iyo inmada Jabhada niman ku jiray oo xul ah, waxa  go or kasta qoolaa dabin la doonayo in lagu khaarajiyo nimankaa, ma ahayn mar iyo laba inta jeer ee Mujaahid Maxamed Cali, Cabdi kariim iyo Dhuxul, Wadaad yare iyo Cali kayd iyo intii kale ee madaxda ahayd ee la waday hawshu ay dabin ka badbaadeen lagu  dila yo, ama lagu xidhayo. Dhanka kale.-

Markuu Maxamad Cali hogaanka Jabhada Afraad mudo hayay ( 1979-1980) ee uu  daga al kulul kula jiray jabhadihii qalaad, ayaa uu si shakhsi ah uga tagay  jab hadii oo uu  ho gaankeediina ku wareejiyay odayaashii, wax dhib ah oo haba  yara atee ka dhex jiray ama ka dhex aloosmay isaga iyo jabhadii Afraad ma jirin, wa xa bedelkiisii noqday oo halkiisii buuxiyay Mujaaahid Cabdi-kariim Cali Buux.

Mujaahid Cabdi-kariim, waxa uu ka tirsanaa milatarigii dalkii Soomaliya la odhan jiray, w axana uu ka mid ahaa ragii gurmadka ugu yimid Afraad ee soo xoojiyay  j abhada  Afra ad xiliyadii ay yagleelka ahayd, waxa uu mujaahidku halkaa isna ka sii anbaqaaday  da gaalkii iyo jihaadkii xaqa ahaa ee ay jabhada Afraad ee mitidka ahayd kula jirtay  jabh adihii doolaallada ahaa ee budhcada ahaa.

Hadaba dagaalkii noocyada badan lahaa ee ay Afraad kali ahaan geesteeda ka waday ee ay ku badbaadinaysay dadkeeda iyo dalkeeda waxa isna dhinac  socd ay, ku ka  dar an ama la mid ah oo ba' an oo iyada lagu hayo, oo ay ku wadeen  iy aga oo weliba  iska ashanaya, Jabhadihii (J. X.S.G ) iyo askartii iyo weliba Dawladii milatariga ahayd. Waxa huwantani meel isku mid ah ay ka taagnaayeen oo ay  t olna ku wada ahaayeen iyaga oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, inay  b aabiiyaan Jabhadan wadaniga ah ee Afraad. Si loo baabiiyo afraad, waxa la  sam eeyay dagaalo wada jir ah oo lagu  qaada yo Afraad, dabino loo qoolayo oo lagu qaqabanayo madaxda Afraad, cuna qabatayn  la gu soo rogayo Afraad, oo loo  di iday inay qaataan saanado iyo qaybtii ay ku  lahaayee n cashuurtii ay jabhaduhu ka qaadan jireen jaadlayaasha iwm, kumase ay wiiqmin  Afra ad waxaasoo dhan, markii danbe waxa loo maleegay dabin kale oo la doonayo, in lagu baabiiyo, waxa la yidhi waxa Tabobaro loo furayaa Jabhadaha, oo Afraadna waa lagu soo  dar ay, Waxa la geeyay jabhadii Afraad, xero milatariga lagu tababari jiray oo ku  ta al magaalo gubanka ku taal, oo magaceeda la yidhaa Burdi oo ah xero milatari, mar kay taariikhdu ahayd 07/07/1980. Hubkii ayaa laga guray dabadedna waxa la kala  so ocay askartii iyo madaxdii, madaxdii ayaa la qabqabtay oo gaadhi lagu riday oo loo  qaa day Hargeysa oo lagu xidhay, waxa ka mid ahaa dadkaa la  xidh ay, Mujaahid Cabdi  Kar iim oo ahaa hogaamiyahii Afraad, falkaa Afraad waxay ka samaysay fal-celis oo waxay xoog ku qabsadeen oo ay ku jabsadeen bakhaar  h ubku u yaalay askartii milatariga  ah ayd, dagaal baana halkii ka qarxay waxana sida uu ii sheegay Maxamed Aadan Cigaal  (wadaad yare) halkaa askartii lagaga dilay askar tiradoodu ay gaadhayso 22 askari, da gaalkaa halista ah kadibna  jab hadii afraad ooday iska gurtay oo dib bay ugu soo  noq otay xarumaheedii ku  ya alay degaamada Geedbalaadh iyo agagaarkeeda, isla wax yar ka dib xadhigii  mujaahid Cabdi-kariim, waxa la doonay mujaahid Axmed Faarax Colow oo ku magac dheeraa ''Dhuxul'' oo bedelay Cabdi Kariim.

Mujaahid Axmed Faarax Colow( Dhuxul) waxa uu ka tirsanaan jiray askartii  Filfo osta la odhan jiray,waase uu iskaga tagay beri horeba, ha yeeshee aqoon loo  la haa darteed ayaa keentay inaan laga maarmin ee loo yeedho, oo sida labada  ha lyay ee kale ee   M axamed Cali, iyo Cabdi kariim ayaa uu isna ahaa soo-ma-jeeste leh calool adayg dheeri ah, tab yahan ma waabte ah, lehna tayo uu ku wadi karo ciidan kala duwan xaaladaha adag ee ay la kulmayeen goor kasta, waxa uu isna halkii ka sii waday dagaalkii oo  jabh adihii iyo askartii la sococtayba waxa ay la  g aleen dagaalo hadh iyo habeenba leh oo joogto ah. Ta-xun-baase ay ku Allah  ta qaanaaye waxa ay dawladii milatariga ahayd ee uu Siyaad Bare gadh-wadeenka u ahaa yaqiinsatay inaanay dagaal waxba ku helayn ee ay hab kale raadiso oo ay ku baabiiso afraad!. Dabadeedna waxa ay bilowday inay odayaashii iyo wax-garadkii cadaadis saarto oo ay isku daydo inay mar labaad iyo  sed exaadba ku  k hasbaan inay jabhada Afraad, soo galiyaan xeryaha lagu tababaro  milat ariga si loo tababaro, ha yeeshee Afraad oo og jabka lala maagan yahay dhegay jalaq umay siin, waxana ay jawaab uga dhigeen inaanay xadkaba xaga Soomaalida  u ga soo talaabin ee ay ku nagaadaan, gudaha Itoobiya xeryahooda ku yaal, sida Xerada Ina-dh egoluqun iyo xerada Siyaarada Cali-bayle i.w.m. Si aad u yara  og aato meelaha ama  q  lcadaha milatariga ee loogu talogalay in lagu baabiiyo  Afr aad marka lagu xereeyo, wa xa ka mid ahaa xeryaha milatariga ee ku kala yaala, Ceel-Giniiseed, Cadaadlay, Qoolcad ay iyo Burdi oo ay iyada sooba mareen.

Dhanka kale la soco oo waxa aan marna is-dhiman dagaalkii maalinlaha ahaa ee ay kula jirtay Afraad jabhadihii qalaad iyo askartii ku mamtay xoolaha dadka  de gaanka, wax ase uu dagaalkii ugu kululaa ee lagu kalaa khaatumaystaa ku dhex maray jabhadaha  (JXSG is watay iyo askartii xooga dalka Soomaaliya oo dhan ah iyo Afraad oo gooni ah horaantii 1981-kii, waxana uu ka dhacay dhul balaadhan oo dhawr aag ah oo kala  duw an, oo ka bilaabma Tog-wajaale korkiisa ilaa   Goby arta, waxa uu ahaa dagaalkii ugu  kh asaaraha badnaa ee labada dhanba abid soo gaadha, waxa dagaalkaasi uu socday 11 cisho oo xidhiidha. Waxa dawladii siyaad bare ay ergo iyo nabadayn u soo dirtay dadkii inuun wax ahaa ee degaanka  Gab iiley, haday tahay culmadii oo ay hogaaminayeen  la badii sheekh ee ugu  waaway naa,Sheekh Muxumad Warsame(Sh. Muxumad Yare) iyo Sheekh Muxumad  Gaboobe, Suldaamadii iyo Cuqaashii oo ay hogaaminayaan Suldaan Cabdi-raxmaan  Sheekh Muxumed,Chief Caaqil Maxamed Ibraahim Khaliif iyo Chief Caaqil Yuusuf  Khaliif ( Xaruur ) iyo dad aad u tiro badan oo Wajaale yimid , markay ka war  he shay Afraad  arint aa dagaal bay kala hortagtay, waana ay ka diiday ergadaasi wax  ka sta oo ay  wa deenba.

Aakhirataankii markay dhimasho badan iyo dhaawacba yimaadeen ee ay u  adk aysan kari waayeen qumaca iyo rasaasta ma seegtada ah iyo weliba suti-gaa sh aanka ee  Ja bhada Afraad, waxa sandule iyo shan iyo calaacal lagaga dhigay inay liskaga huleelaan degaankii jabhadihii doolaalada ku ahaa oo toobiyaha qaadaan duhur la is horjoogo, ha lkaa waxa ku soo afjarmay 4 sanadood oo cadaab ahaa oo dhulka degaanka degmada Gabiley soo mutay!, mahadeeda waxa isla leh  Ilaa hay ka sokow Halyayadii afraad iyo guud ahaan dadka degaanka oon u kala  had hin wax iska caabinta, markii laga sifeeyay jabhadahii waxa dhulkii uu noqday  Go le-banaan, iyo dheg dheer dhimatayoo dhulkii  w aa nabadeey!!!. Dawladii Siyaad Bare sidaa kagama hadhin Afraad weli, oo waxa  bilaa bmay Xiligii SNM

N.B; Si aad ula yara socoto maamulkii ka jiray Gobolkii waqooyi galbeed ee  Soom aaliya ( Somaliland), degmada Gabiley, Tog-wajaale, Alleybaday ee xiligaa iyo  ra gii madaxda ka ahaa ee ay Afraad is hayeen, biloow ilaa dhamaad (1978-1982), waxa ka mid ahaa magacyadan, Siciid Faarax( Salxaan) iyo Maxamed Xaashi (Ga ani) oo iyagu isaga  danb eeyay Taliska qaybtii 26-aad ee gobolada waqooyi.

Degmada Gabiiley waxa haystay Buule, guutada milatariga ee deganayd Gabiiley waxa haystay nin la odhan jiray Afrikaan, waxan uga danbeeyay Maxamed   Yuusuf, degaam ada xadka ciidamada yaala ee ay maryaha dhiiga leh kala furteen Afraad, waxa ka  mi d ahaa saraakiishii haysan jirtay, niman ay ka mid yihiin nin la odhan jirayta Musbaar  iyo Dhoore. Nabad sugida (NSS) waxa gobolka haystay  M axamed Cali baranbaro, NSS-ta degmadana waxa haystay Yuusuf Jafaal.


Afraad iyo aasaaskii SNM.


 Hadaba markii 1981-kii lagu dhawaaqay jabhadii dhaqdhaqaaqa wadaniga  Soma liyeed ee S.N.M, oo ku beegnayd xili ay jabhada Afraad ahayd ciidan aad u xoog wayn oo si  fi ican u tababaran, kana guulaystay xoogagii jabhadihii laajiga ahaa ee degaanka ka  hu leelay, welibana ku sugan xeryaheeda Itoobiya ku yaala, wa xa dawladii milatariga  ah ayd xoog saartay sidii ay u soo xerogalin lahayd Afraad ee ay uga hortagi lahayd inay isku xidhmaan Afaad iyo SNM. Waxa dawladii hawl galisay dhamaan dadkii inuun  saama yn inay ku leeyihiin degaanka ay bidaysay ee heer degmo, gobol iyo weliba ugu  danba yntii heer qaran. Tusaale ahaan, erg ooyinka ka hawlgalay soo celinta Afraad ee gaalaa bxayay magaalada  Geed bal aadh  waxa ka mid ahaa, oo weliba ahaa ergada ugu culus, wafdi uu  hogaamina yay madaxweyne-ku-xigeen marxuum, Axmad Maxamuud Faarax ( Ina-lax-was), waftigaasi oo yimid magaalada Geedbalaadh oo odayaasha kula shiray  m aqaamk a sheekh Isaxaaq, kalana hadlayay afraad iyo arimaheeda, wax is bedel ah  wa ft iga miisaankaa leh iyo kuwii kale ee heerasha ka hoseeyay ahaa toona kuma kee nin, mawqifkii jabhada Afraad, oo waxa ay iskaga nagaatay xeryaheedii ku  yaal ay  Itoo biya.

Waqtigaa is gurayee 1982-kii iyo waxii ka danbeeyay, waxa bilaabmay xiligii  garabkii  m ilatariga ahaa ee SNM uu ku soo af-yeeshay inuu soo galo Itoobiya, waxa soo talaabay saraakiishii u horaysay ee SNM oo soo galay Itoobiya, waxase ka  s ii horeeyay oo  iya gu xeryoba ku lahaa degaan ahaana kaba taliya *dhul badan  oo u dhaxeeyay labada dawladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya jabhada Afraad.

Waxa uu ii sheegay Maxamad Aadan Cigaal ''Wadaadyare'', inuu Maxamad  Kaah in oo ka mid ahaa saraakiishii SNM ee ugu hor talawday uu iyaga ( Afraad) oo  i na-dhego luq un degan uu ku soo degay oo uu la joogay mudo todoba cisho ah, ka dibna ka tagay, s araakiishii ka danbaysay iyo cidii kale ee kastaaba ayuu yidhi  Wadaadyare waxa ay  ja bhada Afraad u noqonatay meel ay ku soo hirtaan oo ay soo bildhaansadaan.

Markii dawlada Itoobiya u ogolaatay si sharci ah in dhaqdhaqaaqa wadaniga  So omaa liyeed (SNM) uu ka hawlgali karo carada Itoobiya oo dagaal kaga qaadi  ka ro dawladii milatariga ahayd, waxa jabhadii Afraad ay si buuxda ugu biirtay SNM oo markaa iska  m agac uun ahayd, markaasaa ay SNM yeelatay ciidan cudud leh oo markiiba gundhig iyo muruq adag u noqday halgankii dheeraa ee SNM, waxa uu ii sheegay Maxamad Adan  C igaal (Wadaadyare), in ciidankii Afraad uu meel kasta oo dhulkii ay SNM ka dagaal gali jirtay ah, ka sameeyay xeryohii u  horeey ay ee SNM yeelato. Waxa kale oo ay Afraad uga faa-iidaysay tabtii iyo xirfadihii jabhadnimo ee qaaliga ahaa, ee ay ku kasbatay  mu dodii 4 gu ahayd ee ay degaa nka degmada Gabiley ka xoraynaysay jabhadihii iyo  ask artii huwanta ahaa.

Isku soo duuboo Jabhadii Afraad waxay kaalin muuqato ka qaadatay halgankii  dheera a ee hororka lagaga soo horjeeday dhulkana lagaga xoraynayay, intaa  wa xii ka badan iyo hawlahii ay u qabatay halganka iyo guulaha ay Afraad ka soo  h oysay halgankaa  waxan u daynayaa dadkii iiga xog-ogaalsanaa oo iyaga ka  she ekayn, aniguna xadka dhaafi maayo.

Dhanka kale ha iloobin in sidii caadada u ahayd maamulkii dad qalka ahaa ee mila tariga ee uu hogaamin jiray Siyaad Bare, markii uu maqlay in jabhadii Afraad ku biirtay SNM, e e uu xaqiiqsaday, uu dadkii degaanka Gabiley kula kacay ciqaab iyo inuu cagta mariyo oo xasuuqo, sida aad adba ka warqabto dagaalkii waynaa ee 1988-kii ee dalku ka sinaa ka hor, degmada Gabiley waxay ka mid ahayd meelaha sida gaarka ah uu taliskii Siyaad Bare uga dhigtay xero-dhiigta iyo meelaha uu  d adka ku qasho, sababtu waxay salka ku haysay jabhadaa Afraad iyo wax iska ca abinteedii. Dad uu raxan raxan u laayo iyo qaar uu gooni gooni u ogaadhsadoba dhagarta uu ka galay degaankaasi ma yarayn.


Gabogabo iyo Isku soo duubis:

Halgankii iyo hawlihiisiiba degaanka Gabiley iyo jabhada Afraad, kaalin muuqata ayaa ay ku lahaayeen, inkasta oo cagta la mariyay oo dhibaatada loo gaystay aan la qiyaasi  k arin, hadana nin xaq leh ayaa guuli raacdaaye, hante dadka iyo degaanka Gabiiley  Gom aradoodii. Intaasaan ku joojinayaa taariikhdii Afraad, wax ii qalad ah ee igu soo baxa w aa iga Ilduuf uun.



Wa Bilaahi Tawfiiq.


 

 

 

 Qalinkii: Cali Cumar Xasan