Tababaraha Masaafada Dhexe Ee Sannadka 2008 Coach Jama Aden (Karaiin)

 

Waxaa farxad, sharaf iyo rayn-rayn ii ah inaan u helo fursad aan dadkayga kula wadaago natiijada uu walaalkeen Jama mohamud Aden (karaiin) uu u soo hooyey dadkiisa, iyo gaar ahaan naftiisaba taas oo ah in Coach Jama Aden loo doorto sannadkan Tababara Masaafada Dhexe-Middle Distance ee sannadka 2008 ee Adduunka.

Haddaba, akhristoow waa maxay doorashadani? Sideeyse ku timaadaa? dayaa inaan. Ta hore waa Dooarasho ka dhacda dunida ciyaaraha sannad walba, taa soo loogu doorto tababaraayashii sannadkaa dunida ugu wanaagsanaa ama ugu caansanaa, ee guulaha la taaban karo soo hooyey. Waxa kaloo la eegaa tababarayashasi inay soo hooyeen Guulo is-daba jooga ah oo consistency leh sannadihii ugu dambeeyey.

Waxaa ka dib bilaabata xulashada coaches/tababarayaasha iyadooy arrinta galaan officials ka kala socda International Amateur Athletic Association (IAAF), iyo guddiyada caalamiga ee qaabilsan oroddada adduunka.

Bal intaanan guda gelin natiijadiisa sannadkan, horta aan qaddar yar ka sheego meesha uu ka soo jeedo Jama markay noqoto khibradiisa. Jama waxaa uu wax ku bartay waddanka Mareykanka. Wuxuu Bachelor degree ka qaatay Jaamacadda Fairleigh Dickinson (FDU), New Jersey horaantii siddeetankii, halkaa oo ka noqday xiddig aad looga yaqaan waddanka Mareykanka. Waxaa uu ka sii watay waxbarashadiisa

Jaamacadda weyn ee George Mason, Virginia. Waxaa uu Jama Masters degree ku qaatay culluunta loo yaqaan Exercise Physiology. Waxay tani ku tusaysaa in Jama uunan ahay nin orodada uun ku wanaagsanaa hibana ilaah u siiyey, laakiin se uu yahay nin ku takhasusay ilaa heer jaamacadeed.

Guulaha isdaba joogga ah ee jaamac lagu bartay waa qaar aan la soo koobi Karin. Halkeen ka bilaabaa? Ma kor u qaadistii Pace University, New York, Tabaristii ciyaaryahannada qaranka ee Cayman Islands,UAE, Saudi Arabia, Somalia, Qatar, Bahrain, Kuweit, Ethiopia, Suriya, Sudan, Germany, Japan, iyo UK.

Waxaa si is-daba joog ah ay ciyaartoygiisu u soo Hooyeen, billado dahab, silver, iyo bronx intaba. Waxaa ka mid ah ciyaartoygiisa aad loo yaqaan Abubakar Kaki oo sannadkan ku guulaystay dhowr billadood oo dahab, sameeyeyna records cusub. Waxaa isna lama ilaabaan ah Ahmed Ismail Ahmed ka Sudan ee ku guulaystay billaddii Silver ee 800m Beijing 2008 Olympisc; sidoo kale waxaa kale oo uu ku soo daray Jama magaca Saudi Arabia dunida ciyaaraha markii Saad AlAzmari uu ku guulaysay billada bronz markii ugu horreeysay Ciyaarihii Dunida ee 5th World Championships, Gothenberg, Sweden.

Sidoo kale waxaa Jama uu tababar aan la illoobi Karin siiyey halyeyga reer Kuwait Mohammed Al-azemi ee orda 800m, ka dib markuu ka tagay tababarihiisii hore, halkaa oo uu Jama dib u soo celiyey haybaddii iyo ciyaartii lagu yaqaanay. Waxaa guulahaa waaweyn iyana ka mid tababarka khaaska ah ee uu muddada dheer Jama Siiyey Orodyahankii Somaliyeed ee caanka ahaa Abdi Bile. Waxa sidoo kale ka faaiiday xirfadahaa iyo hibadaa ilaah Jama ku manaystay Ciyaaryahankii weynaa ee reer Qatar Mohamed Sulaymaan.

Waxaa adduunka ciyaaarahan oroddadu indho gaar ah ku hayaan Jama iyo ciyaartoydiisa, kuwaas oo aad mooddo in ay ku jiraanba bilowgii guulahooda oo aan fariba ka qodnayn.

Waxaa tababare Jama ii sheegay in sannadkan laga casumay waddamo badan oo Europe. Waxaa halkaa uu Jama ka bixin doona Lectures ku saabsan tababaridda kooxdiisa, xirfada u gaarka ah ee uu barro dhallintiisa, iyo xullashada orodyahannada uu ka kala keeno waddamo badan oo kala duwan.

Waxaa tababaruhu ii sheegay inuu aad ugu faraxsanyey aqoonsigan weyn ee loogu doortay Tababarha Sannadka ee Masaafada dhexe. Waxaanu leenahay Hambalyo, iyo inaanu dhamaan kuwad faraxsanahy guushaa walaalkeen keenay.

Waxaan ku gebogabaynaa qoraalkan Hambalyo aan u dirayo Tababare Jama Mohamud Aden (karaiin), iyo kooxdiisa anigoo leh ilaahay haydinku gargaaro dadaalkiina, guushuna ha noqoto mid aad marwalba haleeshaan.

 

 

 

 



By:Issa Awaleh

Email: issawaleh@yahoo.com