Tacsi



Jaaliyadda Ottawa ee reer Soomaaliland waxay uga tacsi yadaynaysaa ummadda reer Soomaaliland, Madaxtooyadda, Guurtidda, Golaha Wakiiladda, Axsaabta Qaranka iyo dhamaan shacbiga reer Soomaaliland falkii waxashnimadda ahaa ee ay ku kaceen, alle uma naxariistayaashii gaystay dhimashaddaa iyo dhaawacaa, ummadda soo gaadhay.

Waxaanu ku baraarujinaynaa ummadda sharafta leh inay feejignaato, oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowgooda, ka gudaha ku nool iyo ka debedda ka imanayaba ee u eeg.

Waxaa ayaan daro ah in maanta qaar muslim sheeganayaa ay haddana dad muslim ah oon waxba galabsan ay kula kacaan falalkaa argagixisoda ah, qaar kale oo u dhashay dalkuna hoosta sacabka uga tumayaan. Waxaan ilaahay uga rajaynaynaa inuu dhibtoodda naga dul qaado, ummadduna dhinac ka wada marto, lana shaqayso aminiga dalka, indho iyo dhagona u noqdaan.

Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Alle caafimaad ha siiyo. Inagana dhaamteen samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.





Maamulaha
Jaaliyadda Ottawa Somaliland Community Services
Axmed Xasan Axmed – Quick
Ottawa- Kanada
www.oslsc.ca