TACSI GEERIDA CALI SH. MAXAMED JIRDE

 


Anigoo ka wakiil ah Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, reer Cabdi Carwo iyo Xaaskayga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba, gaar ahaan walaashii Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, oday Ahmed Maxamed Siilaanyo Guddoomiyaha Kulmie iyo ubadkooda Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Saaxil waliba magaalada Sheekh iyo dariiqada Sheekh ee uu ka ahaa odayga koowaad muddo dheer. Marxuum Cali Jirde waxaa berrito oo Jimce ah 10/09/2008 lagu aasi doonaa xarunta dariiqada ee magaalada Sheekh.

Alle ha u naxariistee Cali Sh. Maxamed Jirde waxuu ahaa Guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaliland, waxuuna ahaa wakiil sharafeed dalalka Skandiniifiyanaka dawladii Soomalia.

Marxuum Cali Jirde cimrigiisu waxuu la dheeraday samofal iyo u gargaarid danyarta isagoon u eegin reer iyo qabiil. Waxuu ahaa nIn qalbi furan oo naxariis ishiisa laga doogsado. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
 

 


Ahmed Arwo
Cardiff Wales
Cardiff UK
samotalis@gmail.com