TACSI GEERIDA MARXUUM MAXAMED GAAXNUUG CABDILAAHI (KIDIFAAR)


Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan  ta csi u diryaa Reer Xaaji Cabdilaahi, Ilma Maamed Gaaxnuug, tafiirta reer  Gaax nuug Cabdilaahi iyo Ugaaso Cabdi Dacar meel ay joogaanba, geerida ku timid  marxuum, abtigay Maxamed Gaaxnuug (Kidifaar) oo maanta oo Isniin ah Taar. 26/04/2010 ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Waxaan tacsida si gaar ah ugu dirayaa Agoonta Hargeysa ee uu Guddomiyaha u  ah aa, ardaydiisa daafaha dunida joogta, saaxiibadii, iyo Macalimiinta Soomaaliyeed iyo bulshada degaankiisa Gobalka Maroodijeex. Waxaan ka baryayaa dhammaan in la saamaxo, lana xuso oo quraan iyo ducaba loo akhriyo

Abtigay marxuum Maxamed Gaaxnuug, waxuu ahaa nin naftiisa u huray u-adeega  bu lshada oo uuna marna ka nasan ilaa 1959, isagoo ahaa macalin ilaa maamule dugsiyo gees ilaa gees ka jiray Somaliland iyo Somaliyaba. Gobal anu wax barini ma jirin. Waxa hubaal ah in ardaydiisu tahay dad heer kasta oo nolosha ah ka gaadhay min, Madaxw eyne, Phd , ilaa Janaraalo ciidanka ahaa, Wasiiro, iyo Xildhibaano. Hawsha bulsho wax uu hadda hayey inta naftu ku jirtay oo uu muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Agoonta Hargeysa (Hore loo odhan jiray Xero Caydha). Waxauu ahaa nin aabbo u ah ubadka la daayacay, kuwa waalidkood geeridu ka kaxaysay waayeyna cid huga saarta.

Alle ha u naxariistee Maxamed waxuu ahaa bulshaawi, furfuran, saaxiib badan, kaft an iyo hasaawe wacan, farxad iyo dhoolacaddayn ku salaama cid kasta oo uu  wejigii su qabto, deeqsi aan wax la hadhin, aftahan aan cidna carabkiisu dhaawicin, nin  nax arris badan, maal adduun aan waxba ku falin, aan eegin inta ka saraysa ee hoos u dh ugta intya ka hoosaysa.

Abtigay waxuu daaweeyn u tegay Malaysia iyo Sucuudiga oo uu ku dambeeyey, kaga na soo noqday kolkuu cimro iyo siyaarada Rasuulka SWCW soo dhammaystay. Waxaan ka baryayaa inta taqaanay inay duco iyo saamaxaad u fidiyaan marxuumka, ILLAAHAYNA haydinka abaal mariyo.

Inaalilaah wa innaa ileyhi raajacuun,
 


Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
07961 600 896
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com
http://samotalis.blogspot.com/