TACSI GUDDOOMIYE

 


Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KUL MIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiira anyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Umal Mire oo ku geeriyootay magaala da Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2016.

Marxuum Xasan Umal Mire waxa uu ka mid ahaa odayaashii kaalinta wayn ka soo qaatay nabadayndii iyo walaalayntii ummadda reer Somaliland, sidoo kalena doorka muuqda ku lahaa halgankii dib-u-xorraynta Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo eheladana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
 

 


Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE