Tacsi Jaaliyada Somaliland ee Nederland

 



 

Hadaanu nahay Jaaliyada hoos ku xusan, waxaanu tacsi u diraynaa Geeridii naxdinta lahayd ee lagu diley Saraakiisha Ciidamada Qaranka ,Taliyihii iyo ku xigeenkiisii oo uu dliey dhagar qabe ka tirsan ciidamada qaranka.

Waxaanu RABBI uga baryeynaa labadaa Shahiid ee ka baxay qarankeena, inuu ALLAH naxariisto dhamaanteena samir iyo iimaan saadiqa inaga siiyo, iyagan RABBI Janatul-fardowsa galiyo aamiin, aamiin.waxaanuna si gaara u tacsiyadaynaynaa qoysaskii ay ka baxeen shuhadadu,Ciidanka qaranka Somaliland,Deegaanadoodii asxaabtii, iyo eheladoodii, iyo dhamaan Reer Somaliland.
Waxaanu ALLAAH ka baryeynaa inuu gacan ku dhiiglihii iyo cid kasta oo sababta dilka saraakiisha ka qayb qaadatayba ILAAHAY calaamo ka muujiyo Gacantana lagu soo dhigo, sharcigana la hor keeno lana daldalo.

Arinta dadka reer Gabiley dadka lagu laayeyna ,waxaanu Dowlada Somaliland ka Codsanaynaa in si dhaba loo baadho oo RRU ma wada xumee askarta hoos xabada u furtey waa lays garanayaaye iyagana la soo qabto oo la ciqaabo, si gaara waxaanu u jecelahay in Dawladeenu ka fiirsato , dad waxaa jira fidno inagula hoos jira, waa dadkii amarka bixiyey in Caruurta la laayo iyagana lala socdo lalana xisaabtamo, waxaanu si toosa u leenahay madax ka tirsan wasaarada Arimaha gadaha hala baadho.

Waxaanu u rajayneynaa in RABBI shaafiyo caruurteena, eheladoodana cawad khayr qaba siiyo.intii inaga dhimateyna Samir iyo iimaan inaga siiyo .
Waxaanu hadaanu nahay beesha ALLAH balaadhiyey ee degen, Maroodijeex,Hawd,Gabiey,Awdal,Salal, iyoSaaxil,oo ah Ilaaliyaha Qaranka Somaliland aynu ilaashano,Qarankeena Somaliland oo dhab ahaan aad ogtihiin kaalinta Koowaad inaynu mar walba kaga jirey Somaliland.

Waxaanu si buuxda u taageersanahay Qaranimada Somaliland.
Waxaanu si buuxda u taageersanahar Dawladeena Somaliland
Waxaanu daafacaynaa oonu u huraynaa maal iyo nafba Somaliland.
Waxaanu kalsooni wayn ku qabnaa Madaxweynaha Somaliland
Waxaanu dadkayga aanu jecelahay leenahay Nabadeena aan ilaashano.
Waxaanu leenahay Cadowga Somaliland ha dhaco.
Waxaanu ku talinaynaa inaynu cadawgeena si midaysan u eegno.
Waa inaynu u diyaar garoownaa, difaaca qarankeena.
Waxaanu si niyad san u soo dhaweynaynaa is afgaradka arintii Gabiley lagu dhameeyey, Xukuumad iyo Madax dhaqameedba.
Waxaanu u mahad naqaynaa walaaldayada Beesha bariga Burco , oo si walaalnimo leh noo tacsiyadaysay, aanay noo wada muujiyeen sida ay uga damqadeen dhibta dhacday Rag iyo Dumarba, Qaarkoodna iyaga oo ay Ilmadu ka qubanayso na tacsiyadeeyeen, Waxaanuna leenahay walaalayaal walaalnimadeena cid dhaawici kartaa ma jitro(Awr xumina geel buu ka dhashaa, ilaa madax dhaqameedkii bariga Burcna waanu u mahad naqaynaa, waxaanuna ku kalsoonahay Dawladayada iyo umadayada reer Somaliland
1)Nuur xaaji Xuseen Cumar-xaashi
2)Maxamed Yuusuf Buux
3)Maxamed Maxamuud Ileeye
4)Cismaan xaaji Cali
5)Amiin Cali Xasan
6)Cumar qiyaas
7)Cumar Suldaan
8)Maxamed Cumar Cawaale
9)Maxamed Maxamuud Xuseen
10)Maxamed Cabdi Yuusuf
11)Maxamed Cilmi Samatar(cimi galaan)
12)Maxamed Cabdi Ismaciil
13)Cabdiraxman Hadhiye
14)Keyse Xaashi
15)Cabdiwahaab Tuyuub
16)Axmed Maxamed Yare
17)Cumar Cabdilaahi (china)
18)Ismaciil Cawl
19)Mukhtaar Cabdi Xasan Cawad
20)Yuusuf Goore
21)Cabdiraxmaan dheere
22)Farxaan Amsderdam
23)Ismaciil Yusuf Goore
24)Maxamed Askar
25)Cabdilaahi Zutermeer
26)Xuseen Daauud
27)Cabdi Saajin
28)Maxamed Yusuf xaji Cabdi
29)Cimaan Gacan
30)Cabdilqaadir Cismaan (qaadiro)
31)Jaamac red cros
32)Axmed Maxamed Yusuf
ALLAAH mahad leh(sw), Muxamedbaa sharaf leh(scw),Somaliland baa milgo leh.