TACSI KA TIMID LA-TALIYHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA MUDANE AXMED CARWO

 

 

 

MARXUUM, SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE.

La-taliayaha Madaxweynaha JS ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane, Axm ed Xasan Carwo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraa badii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste e MARXUUM, SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowa ad ee Golaha Guurtida JSL tan iyo 1993. Sh Axmed waxuu ku geeriyoday 03.04.2013 Mag aalada Hargeysa laguna aasay maanta.

Marxuumku waxuu ahaa lafdhabrka Guurtida oo uu xilkan hayey tan iyo xiligii Sh Ibraahim Waxa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaal intii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Ja nno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii,Xigto iyo xigaal, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na inuu waafajiyo samir iyo duco ay marxu umka u hibeeyaan.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
002522 2 4096421