TACSI MADAXWEYNE

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dha maan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasima da Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku ya al Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkii saba.

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haat an u geeriyooday Marxuumku.


Waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoys kii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.


ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.