Tafaftiraha Wargeyska Waaheen oo Bil Ka Dib Xorriyadiisi Loo Soo Celiyey

 


Hargeisa (TNN)-Tafaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ay aa Maanta si rasmi ah loogu soo celiyey Xoriyadiisii ka dib markii uu muddo bil ah ku xidhnaa  Xa bsiyada Hargisa iyo Gabiley.

Tafaftiraha oo maanta markii Xoriyadiisa loo soo celiyey Magaalada gabiley ay ka soo Galbiyeen qaar ka mid ah hawl-wadenada Waaheen ayaa sheegay in Xaaladiisu aad u fiicantahay,isla  ma rkaana uu aad ugu faraxsanyahay sii deynta la sii daayey,isaga oo Xusay in intii uu jeelka ku jiray aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin.

Maxamuud Cabdi Jaamac( Xuuto) waxa uu intaasi ku daray in mudadii uu ku jiray Jeelasha  Har geisa iyo Gabiley ay si fiican ula dhaqmeen Askartii jeelashaasi joogtay ee ilaalinsay,isla  marka ana aanay jirin wax handadaad ah iyo cidhiidh oo uu kala kulamay jeelashaasi,isaga oo xusay in markii jeelk Gabiley loo bedelay ay si weyn u soo dhaweeyeen Masuuliyiinta iyo Ciidanka  Jeelk aasi si fiicana u Ixtiraameen Maxbuusnimadiisa.

Tafaftiraha ayaa sheegay in Xayiraadii Booqashada ee ay Xukuumadu ku soo rogtay markii uu ku Xidhnaa jeelka Magaalada Hargeisa ay sabab u ahayd, maamulka Jeelkaasi oo aan gacanta ugu jirin Dawlada Somaliland balse ay maamulaysay Hay’ada UNDP oo dib u dhis ku samaysay dhismihiisa,isla markaana aanay Xukuumaddu si rasmiya ula wareegin wakhtigaasi.

waxaanu isaga oo arimahaasi ka hadlaya yidhi “wallaahi wax dhibaato ah oo aan kala kulamay may jirin intii aan ku jiray jeelka waxaan ahayn duufaanta iska caadiga ah ee ka jirta jeelasha iyo cidhiidhiga,gaar ahaan jeelka Gabiley oo aad u yar, laguna soo xidhay maxaabiis aad u tiro badan aan loogu talo gelin,waxaanan ku baaqayaa in jeelkaasi wax laga qabto oo laga kala  dhi mo Maxaabiista ku jirta, jeelka Hargeisa markii aan ku jiray waxaa jirtay in la iidiido dadkii isoo booqanyey,taasna waxa keentay Jeelkaasi oo aanay dawladu la wareegin shaqadiisa ee ay gacanta ku haysay Hay’ada UNDP oo maamulaysay, loomana ogalayn cid soo gasha, markaasi sidaas ayaa ahayd sababta la iigu diiday dadkii i soo booqan lahaa.”

sii daynta Tafaftiraha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) ayaa ka  dambeey ey Cafis uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Isaga iyo Boqor Raabi,kaasoo muddo  haa tan laga joogo laba todobaad uu ku dhawaaqay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),balse sida la sheegay ay dhexda u galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland oo aan raali ka ahayn in tafaftiraha la sii daayo,iskuna deyey inay meesha ka saaraan Cafiskaasi madaxweynaha in kasta oo aanay u suuro gelin,iyada oo  todob aad ka hor la sii daayey Boqor Raabi oo mar la wada cafiyey.

Tafaftiraha guud ee Wargeyska Waaheen ayey hore Maxakamada Gobolka Hargeisa si ka  bax san shuruucda dalka iyo Xeerka Saxaafada Somaliland ugu Xukuntay 3 sanadood oo Xadhig ah iyo 6 milyan oo SL.SH,Xukunkaasi oo Qareenka u doodayey Tafaftiruhu ku tilmaamay mid ka fog sharciga iyo garsoorka dalka kana baxsan xeerka dacwada lagu soo oogay khuseeya,iyada oo Xukunkaasi uu Gadhsooruhu markiiba makaxakamada kaga dhawaaqay in uu ka qaadan doono Rafcaan,waxaana markale Dacwada Tafaftiraha Waaheen ka bilaabantay Maxakamada  Rafca anka ee Gobolka Hargeisa,taasi oo iyada oo lagu gudo jiro uu Madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay Cafiska uu u fidiyey Tafaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo Boqor Raabi.

Dhinaca kale, Tifaftire Xuuto ayaa dad wayne kala duwani si weyn ugu soo dhaweeyeen  Maga aladda Hargeysa sii dayntiisa ka dib, kuwaasoo hambalyeeyey Xukuumada Somaliland ka  dhab aynta Cafiskii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siil aanyo) todobaadyadii ina dhaafay , iyaga oo sheegay in ay aad uga xunyihii dib u dhaca ku yimi cafiskaasi uu madaxweynuhu ku dhawaaqay laba todobaad ka hor,waxaanay mahadnaq  balaa dhan u soo jeediyeen cid kasta oo gacan ka gaysatay in masuulkaasi la xidhay Xoriydiisa loo soo Celiyo.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa Qoraalkii uu Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ku war-geliyay inuu go’aansaday in Maxkammada Rafcaanku ay joojiso ambiilkii uu ka qaatay Xu kunkii ay ku riday Maxkammada Gobolka Hargeysi, ka dib markii uu helay Cafis Madaxweyne intii lagu guda jiray Rafcaankaasi iyo Degreetadda Madaxweynuhu ku Cafiyay.
 

Source:Waaheen