Tageeryaasha Labada Xisbi Mucaarid Kulmiye iyo Ucid oo si Wada jir ah u soo dhaweyay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Fayasal Cali Waraabe
 


Hargaysa(TNN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Fayasal Cali Waraabe ayaa shalay dalka dib ugu soo labtay kadib markii safar qatay muddo saddex billood ah ku maqnaa dalalka yurub. Waxanu ka soo dagay Gagida duyaaraduhu ka hadaan ee magalada Berbera oo uu Xalay ku sugnaa, Isaga oo Sakan ka soo Anbobaxay magaalda Bebera.

Eng. Fayasal Cali Waraabe ayaa maanta si balaadhan lagu soo dhaweeyay magaalada  Hargay sa, kadib markii lagaga hor tagay tuulada Haleeya ee Bariga Hargaysa.

Boqolaal qof oo taageerayaasha Labad Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid kana kala yimi  shan ta degmo ee caasimadda Hargaysa ayaa soo dhaweeyay Waftigaasi.

Soo dhaweeyntaasi waxa ka qaybqaatay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed  Max amed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan murashaxiisa madaxwayne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaga guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige iyo  xildhiba ano ka tirsan golaha Wakiillada oo ka soo kala jeeda Xisbiyada KULMIYE iyo UCID.



Mudane Faysal Cali Waraabe Waxa uu naqdiyeey siyaasada xisbiga udub oo uu ku tilmaamy mid hanti urursi sameynaysa oo aan waxa kale qabaneeyanin Waxana uu yidhi “Somaliland waxay Khati ka Taagantahay Kiish anay buxin karin oo halkan ilaa Dalka Bariis yaala kii siyaad barre saylac ilaa xamar ayuu yalay walaalayaal waxaad u bahantihiin dhalinyaradii  mustaq balka dalka lahayd midkiina magaadho Maqalka lacagtu taalo , waxaan leeyahay inta maqalka gaadha ee Qaadka Ka Cunta yaanay idinwaalin Waxaan Ciidanka ugu Bushaareynayaa Booliska iyo Militariga hada waxaan soo socay oo aan soo bandhigi doona Diray qurux badan Kana waanu idinka badali, sanadka ugu horeyan ciidanka darajo ayaanu siinaynaa” Ayuu yidhi Faysal Cali

Mudane Faysal Cali Waraabe Waxa uu sheegay in haddii ay ku guulaystan Talada dalka ay  fasi xi doonaan Idaacadaha, dalkana ay keeni doonan Idaacad weyan oo dalka oo dhan gaadha.

Mudane Faysal Cali Waraabe Waxa kale oo uu cadeeyay in Saddexad musharax ee u  tartmay sa jagada madaxweynuhu ay yihiin Somaliland midan aanu ku iman dhoof.

Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu u mahad naqay dadwaynihii soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in dadwaynaha reer Hargaysa ay soo dhawayntiisa ku muujiyeen in ay leeyihiin  Mur ashax Reer Hargaysa ah , waxaanu Yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa kumanaan kun ee qof ee dalkayga igu soo dhaweeyay, waxaan leeyahay reer Hargaysa waxay I tuseen in ay ogaadeen in ay murashax leeyihiin, socdaalkaygu waxa uu qaatay muddo saddex bilood ah, waxaan u maqnaa danta Somaliland Boqolkiiba Siddeetan, waxaan tagay dalka Ingiriiska, Biljam, Sweden iyo Finland. Ingiriisku waa dal amaan inaga mudan, dhaqaalaha ugu badan ee doorashadana iyo kala shaandhaynta diwaangelintana isaga ayaa inaga bixinaya. Waxaan  dal kaas kula kulmay xisbiga muxaafidka ee mucaaridka ah, waxaanay ii sheegeen haddii ay  door ashadan ku guulaystaan in ay ahmiyad wayn siin doonaan qadiyada Somaliland, waanay ka dhiiran yihiin xisbiga talada haya.”

Dalka Biljam-na waa dal xarun u ah 27-ka wadan ee ku jira midawga Yurub, waxaanu halkaas ugu tagnay dad Ilaahay inoo diray iyada oo aan dawladdeenu tagin oo cid waayay. Waxay inoo balan qaadeen in ay bixinayaan qayb ka mid ah kharashka doorashada cidna ay u soo diri doonaan doorashada madaxtooyada, waxa amaantaas leh oo qadiyadeena ka dhaadhiciyay dalkaa dhalinyaro reer Somaliland ah oo dalkaas ku dhaqan, kuwaas oo anagana muddadii  aa nu joognay halkaa naga bixiyay Hoteelkii iyo kharashkii, noona agaasimayay balamaha  madax da dalkaas. Dalka Sweden oo dhawaan wareejiyay xilka guddoomiye nimada midawga Yurub, waxay sheegeen in ay Somaliland ula macaamilayaan si toosa, oo aanay Soomaaliya waxba ugu daraynin;” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dalka Norway uu dhawaan xeebaha Somaliland keeni doono laba markab oo budhcad badeeda ka ilaaliya .

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu si qoto dheer uga waramay  bar naamijkiisa siyaasadeed ee ku wajahan Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo  siyaasa diisa arrimaha dibada.

“Walaalayaal kala doorta shan sannadood oo danbe oo bilaa Ictiraaf ah oo bilaa waddo ah oo bilaa Daawo ah. Madaarkii Hargaysa wuu xidhmay oo diyaaradihii ayaa soo fadhiisan kari  waa yay. Walaalayaal waxaanu dhisi doonaa Dawladd 18 wasaaradood ka kooban oo tayo leh,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi “Riyaale Maaha in uu cid dirto oo uu yidhaahdo reer Hebel u taga’e, waa in uu Caarigaabo, Burco iyo Oodwayne tagaa oo uu u sheegaa wixii uu qabtay todobadaa sanno ileen isaga ayaa sharaxane. Maaha in uu cid dirto oo uu yidhaahdo waxaad ku tidhaahdaan haddii aad idooran waydaan hebel baa soo baxaya. Haddii uu hebel soo baxo ma dadkuu cunayaa meya maha siyaasad inaga ayuu UDUB inoo dhibayaa Udub ma jirato walaalayaal Udub ma jirto ayu yidhi ” Faysal cali

Ma ah markii ugu horeysay ee labad xisbi mucaarid ay si wada jir ah isku soo dhaweeyan waxa jirtay markii uu dalka dib ugu soo labtay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Ahmed Siiranyo in ay soo dhaweeyentiisi ay ka qayb qateen Tageerayaasha Xisbiga Ucid iyo masuuliyiinta Xisbigaasi

Source:Waaheen