Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Hayaan Dad Lagu Tuhunsan- Yahay Falal Argagixiso
 

 

 

Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta u waramayey laanta Afka Somaliga ee idaacada BBC-da, ayaa sheegay ...

Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciiddamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iim aan, ayaa xaqiijiyey inay dad u qabqabteen tuhuno la xidhiidha inay Al-shabaab ka mid yihi in.

Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta u waramayey laanta Afka Somaliga ee idaacada BBC-da, ayaa sheegay in ciidamada booliska iyo kuwo kale ee amaanka oo iskaashanayaa ay hawl galo amaanka lagu sugayo maalmihii u dambeeyay ka wadeen Gobolada dalka oo dhan, balse ay Gobolka Sool iyo Hargeysa ku soo qabqabteen dad laga shakisan yahay.

Taliyaha oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidha jiritaanka dadka ay xadheen ayaa Waxa uu ka ga jawaabay “Dabcan way jiraan, dadkaasina way xidhan yihiin, laakiin baadhista ka hor-dhici maayo, sharciga ayaa la hor-geynayaa”

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu sheegay in dadkaasi laga soo qabqabtay Gobolada S ool iyo Magaalada Hargeysa Waxa U Yidhi “Ciidanka booliska oo kaashanaya ciidamada amaa nku dhamaan gobolada ayay ka fuliyeen, hawgaladii ugu dambeeyay Gobolka Sool qaarbaa laga soo qabqabtay, Hargeysa qaarbaa laga qabtay”

Taliyhu waxa uu intaas ku daray “Ciidamada Booliska ee Gobolka Sool way qabteen hal nin oo hawshaa (Dilkii Sheekh Cabdiqaadir Gacamay) way qabteen, sharciga ayaana la horgeynaya a Haddii Alle yidhaahdo, qabashadiisa cidna iskamaanaan kaashan, laakiin baadhis ayaanu ku helnay inuu qoladaa ka mid ahaa”

Taliyaha booliska Somaliland oo la waydiiyay in dadka ay hayaan yihiin Al-shabaab iyo inay xidhiidh la lahaayeen ayaa ku jawaabay “Dad falalkaa loo soo xidhay way jiraan (Al-shaba abnimo), markaa baadhistu noo soo gabagabowdo ayaanu taana soo bandhigi doonaa”ayuu yidhi Taliyuhu.

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland