Taliyaha Ciidanka Baadhista Danbiyadda Somaliland oo Max kamadda Gobolka ku gacansaydhay Amar sii dayn ah oo ay soo saartay

 



Qoraal Amar ah ee uu diiday Taliyuhu inuu fuliyo waxa uu soo baxay 5/3/2013, waxaanu Garsooruhu ....


Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Baadhista Danbiyadda Somaliland Daahir Muuse Abraar ayaa diiday inuu fuliyo Amar uu Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac ku sii daayay Sheekh Maxamud C/l aahi Geelle oo ay Booliisku dhawaan qabteen kadib markii uu Telefishan ka jeediyay hadal uu kag a waramayay arrimo taagan.

Qoraal Amar ah ee uu diiday Taliyuhu inuu fuliyo waxa uu soo baxay 5/3/2013, waxaanu Garsoor uhu Taliyaha ku farayay haddii aanu Danbi kale u haysan in uu sii daayo Sh Maxamud C/laahi Geel le oo aan ilaa hada wax eed ah Maxkamadda la horkeenin.
waxaanu Nuqul ka mid ah sii daynta Sheekhaas oo Timacade News Soo Gaadhay u qornaa:-


MGH/DDL/212/2013
Ku: Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda C.I.D. Hargeysa
Ujeeddo: Amar siidayn Eedaysane
Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay idinku amraysaa in aad siidaysaan eedaysanaha magaciisu yahay:-
1. Maxamuud C/laahi Geelle ina Cibaado Xuseen L/51 jir
kaas oo ku eedaysan Qodobka 287,263,215, XCG.
kadib markii ay Maxkamaddu Damaanad ku siidaysay isla maanta 05/03/2013,
sidaas darteed waxay Maxkamaddu idinku amraysaa in aad siidaysaan eedaysanaha sare ku xusan isla maanta 05/03/2013, haddii aan danbe kale loo haysan.

wa bilaahi Tawfiiq
Xuseen Maxamed Jaamac
K/S/Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargeysa.
tlaabadan Taliyaha Ciidanaka Baadhista Danbiyadda C.I.D kaga dhago adaygay Amarka Garsooraha ayaa waxa uu muujinayaa in uu marba sida uu doono ugu tagrifalo kiisaska uu gacanta ku hayo ee loo diro baadhistooda, tusaale ahaana wali Sheekh Maxamuud waxa uu ku jiraa Saldhiga halkaas oo aan la garanayn danbiga loo haysto ee uu ugu sii jiro.

sidoo kale taliyaha C.I.D, waxa uu marka uu doono Maxkamadda ka qaataa Waarano aanu sifo sharci ah u marin oo uu dadka ku qabto isagoo sababo aan macquul ahayn mararka qaarkood Garsoorayaasha ugu bandhigo isagoo aana Xeer ilaalin iyo meel kale toona u marin.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa mudadii uu talada hayay dhawr jeer ka hadlay inuu Cadaaladda wax ka qabanayo hase yeeshee go’aamadiisa ayaa noqda kuwo aan ka fulin madaxda ka hoosaysa, waxaana Maxkamaddaha iyo Hay’adaha Amniga buux dhaafiyay Dacwado cabasho xoog ahi ka taagan tahay.

waxa kale oo miiska saaran kuwo dhamaaday oo aan ilaa hada la fulin isla markaana ay dhibaato xoog ah ka haysato kuwii loo fulin lahaa iyo kuwii lagu fulin lahaa labadaba.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland