Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Ujeedada Safar Uu Ku Tagay Laascaanood

 

 

 


Taliyaha Ciidamada booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal oo ay weheliyaan...............
 

Laascaanood (TNN)Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay markii ugu horreysay tan iyo markii horaantii Sanadkan xilka Taliyennimo loo magacaabay Safar ku tagaya Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu hawl shaqo oo uu ugu kuur-galayo xarumaha ciidanka Ammaanka iyo habsami-u-socodka hawlohooda shaqo.

Taliyaha Ciidamada booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciida mada Booliska ayaa halkaasi u tagay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada amaanka gobolkaasi iyo hanaanka ay u socoto hawlaha booliska Laascaanood shacabka u hayaan.

Taliye Fadal oo markii uu Laascaanood gaadhay Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ujeedada safarkiisu la xidhiidho hawlaha amaanka ee boolisku masuulka ka yahay, isaga oo tilmaamay inuu Laascanood u tagay sidii uu wax uga ogaan lahaa qaabka boolisku u hawl-galaan iyo duruufaha booliska ku xeeran ee dhinaca nolosha.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland oo safarkiisani yahay kii ugu horeeyay ee uu ku taggo Laascaanood tan iyo markii xilkan loo magacaabay ayaa isaga oo sharaxaya ujeedada saf arkiisa yidhi “Waxaan u imid Laascaanood inaan xog-ogaal u noqdo oo aan indha-indheeyo xaala daha ay ku shaqeeyaan Booliska gobolka Sool, siiba Laascaanood”

Taliye Fadal waxa uu intaas ku daray “Safarkani waa sidii aan u ogaan lahaa baahiya booliska iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee hawlahoodu la xidhiidhaaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay doonayaan tayeynta booliska gobolka Sool “Waanu tayeynaynaa ciidamada booliska guud ahaanba, gaar ahaana ciidamada gobolka Sool”

Magaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay waxa dib u soo noqday dilalkii qorshaysn aa ee lala beegsan jiray Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka hawl-gala Gobolka, waxaana todobaad kan ka dhacay Qarax lala beegsaday guriga taliye ku xigeenka ciidamada Sirdoonka, kaas oo uu ku dhintay sarkaal ciidamada Asluubta ka mid ahaa, iyadda oo sidoo kalena hore loogu dilay ku xigeenkii Xeer ilaaliyaha gobolka Sool, iyadda oo sidoo kalena ay jiraan dad la qabqabtay oo la sh eegay inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay nin u dhashay dalka Port ugal oo xidhiidh la leh kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Safarkan Taliyaha Booliska Somaliland ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa nonaya safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tago xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, isla markaana ku indha-indhaynayo xaaladda ay ku suganyihiin xarumaha ammaanka iyo qaabka Boo lisku uga hawlgo gobolkaas, tan iyo markii bilawgii sannadkan Taliyaha Booliska laga dhigay, ka dib markii uu geeriyooday Taliyihii hore ee Booliska Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad ALLE ha u naxariistee.

 

 

 

Timacade News Desk
Hatgeysa, Somaliland