Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Shaanadii Saddexaad oo Lagu Qarxiyay Hargeysa

 


 


Hargeysa (TNN):-- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay caagadii saddexaad ee shaani ah oo galabta lagu qarxiyay agag aarka Dhismaha Maktabadda Masaarida ee caasimadda Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in walaxda qaraxday loo qabtay laba nin oo baadhis kala duwan ay ciidanka Boolisku ku samaynayaan.

“Galabta abbaarro 5:30 galabnimo waxa walaxda shaanida lagu qarxiyay agagaarka dhi smaha maktabadda masaarida ee caasimadda Hargeysa, waxa halkaas la dhigay aad ug u dhow ciidammadda ammaanka noocyada kala duwan. Waxaana ciidammadu gacanta ku dhigeen laba nin oo kiiskan loo qabtay oo mid ka mid ahi wajiga ka dhaawacan yah ay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo caawa u warramayay warbaah inta Qaranka.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Sidaas darteed, waxa ciidanka boolisku ay wadaan baadhis xoog leh oo aanan jeclayn inaan ka hordhaco, waxase aan halkan ka sheegayaa dadka lagu qabto fal noocan oo kale ahi ciqaab adag ay mudan doonaan.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay cidii nabad-gelyadda wax u dhimaysa kala shaqeeyaan oo ku soo wargeliyaan ciidammadda Booliska.
 

 

Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliand