Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jen Taani Oo Si Adag U Beeniyay In Uu Wax Gacan Ah Ku Lee Yahay Dhacdadii Ka Dhacday Seemaal

 

 

 


“Anigoo ku suntan, amnigii qarranka Taliye ciidan ah qof weliba oo caqli lihi wuu garan kara..." J
en Nuux Ismaaciil Taani



Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Qarranka Somaliland Jen Nuux Ismaaciil Taani ayaa maan ta beeniyay eedaymo ay salaadiin iyo siyaasiyiin reer Awdal ahi u jeediyeen, eedaymaahaas oo ahaa in general Nuux Ismaaciil Taani lug ku lee yahayku leeyahay dilkii dhawaan ka dhac ay degada Seemaal

Taliyuhu waxa uu daboolka ka qaaday in uu arintaasi ka madaxbaanaan yahay isla markaana aanay jirin wax gacan ah oo uu ku lee yahay arintani, taliyuhu waxa uu intaasi ku daray in eedaymaha loo soo jeediyaya ay yihiin hadal ma dhalays ah oo aanay waxba ka jirin.

Sidaas waxa uu Nuux Ismaaciil Taani ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gurig iisa magaalada Hargeysa, waxa uu taliyuhu carabka ku dhuftay inaanay arintani wax suura gal ah aanay ahayn, waxana uu sheegay inaanay wax dhici kara aanay ahayn in isaga oo ah nin Amni in lagu tuhmo arimo xasilooni darro “Anigoo ku suntan, amnigii qarranka Taliye ciid an ah qof weliba oo caqli lihi wuu garan kara inaanay iga suurtagal ahayn inaan ku meeray sto waxyaabaha yar ee noocaasi ah, waxaan u arka eedayntaasi mid danno gaar ah laga leeyahay” ayuu yidhi Taliye Taani.



Jan Taani wuxuu si ba’an u weeraray Garaad ku jira golaha Guurtida oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo uu sheegay in kiiskiisa uu u gudbiyey Maxkamadda Somaliland “waxan maqlayey nin Garaad ah oo guurtida ku jira oo igu eedaynaya anigu inaan ka danbeeyey arrintaasi, wuxuu yidhi garaadku isagoo VOA-da weraysi siinaya waa in la dila, xita ma odhan waa in xilka laga qaada wuxuu yidhi waa in la dila, waxaan u gudbiyey kiiskiisa maxkamadda iyadana noo gar qaadi” ayuu yidhi General Taani


Janaral Taani wuxuu ku eedeeyey siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal inay fidmo wadaan wuxuuna sheegay in uu isagu kari lahaa inuu isaguna beeshiisa salaadiint ooda intuu keeno ay u jawaabaan balse ayuu yidhi uu ixtiramaayey karaamada iyo sharafta uu qarranka u hayo wuxuu yidhi isagoo la hadlaya siyaasiyiinta gobolka Awdal “waar nima nyahow anagu waanu is qabanaa, dhiniciina idinku miyaydaan is qaban oo aydaan is dhaamin”.



Nuux Ismaaciil Taani isagoo ka hadlaya dhacdadii Seemaal wuxuu sheegay in labada nin ee is dhallay ay isaga ilmaabti ahaayeen “labada nin ee is dhallay ee halka lagu dilay anaga ilma abati aayaanu ahayn xigto ayaanu ahayn, sokeeye ayaanu ahayn cid walba ka xiga kuwa halkaasi ka tororogta haya ka xiga ka damqday oo ilmaabtiyaday ahaayeen, waar siday ku dhici karta in xita aniga farta la igu soo fiiqo, aniga danbiga haddii aan galla iyo haddii kalaba dalku wuxuu leeyahay haayado wax baadha kuwaasi ayuunba igu caddayn kara”

 

 

Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office