Taliyaha Ciidanka Socdaalka oo beeniyay in la xidhay xuduuda Somaliland iyo Jabuuti

 


Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa be eniyay warar sheegayay in dawladda Jabuuti ay maalintii shalay xidhay xadka ay la wa daagto Soma liland, sida ay baahisay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Taliyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in isku gudub ka lab ada dal ee Jabuuti iyo Somaliland caadi tahay isla markaana labada ciidan ee soc daalku ay xid hiidh wanaagsan iyo wada shaqayn joogto ah leeyihiin.

“Waxaan ummadda Somaliland iyo saxaafadda u sheegayaa in isku socodka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland ay si caadi ah u socoto oo aanay jirin wax xuduud ah oo la xid hay, warkii BBC-da ka baxayna uu ahaa mid been abuur ah,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Socdaalku.

Taliyuhu wuxuu intaasi raaciyay “Waxaan halkan ka cadaynayaa in socotada labada dal ee So maliland iyo Jabuuti ay caadi u socoto, badda, beriga iyo cirkaba. Si khaldan ayay warkaasi u sheegeen warkaasi.”

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay oo aan ku faani karaa xidhiidhka naga dhaxe eya ja mhuuriyadda Somaliland iyo Jabuuti uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan oo sareeya ciid ammadda socdaalka ee labada wadan-na ay leeyihiin wada shaqayn wana agsan,”ayuu yidhi Maxamed Cali Yuusuf.


Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxa uu intaasi ku daray inuu isagu xataa socda al ku tagay dalka Jabuuti muddo sadex jeer ah.
 


Cumar Maxamed Faarax