Taliyihii hore ee Ciidanka Militariga Somaliland oo maanta la hadlayey warbaahinta ay aa sheegay in xeerka Caalamka iyo ka Somalilandba sheegayo in la difaaco xuduudd a, isla markaana waajib ku tahay madaxweynuhu inuu talaabo qaaddo “Marka aan D aliishado, Siyaasadda, Diblomaasiyadda iyo Distoorka Somaliland, haddii lagu soo duul ay Qaranimadii Somaliland Madaxweynuhu wuxuu Xaq Distoori ah u leeyahay Inuu D ifaaco Qaranimada, waayo waa taliyaha guud ciidamada qaranka Somaliland, Saaxdh eer ha noqoto, Buuhoodle ha noqoto, Laascaanood ha noqoto, Hargeysa ha noqto, Gabiley ha noqoto, waa qaranimadii Somaliland (territorial integrity) haddii xadka la gu soo duulo difaac baa loo baahan yahay”ayuu yidhi Taliyihii hore ciidanka Milatarig a Somaliland Jidhif. Waxaanu intaas ku daray “Sidaad la socotaan Soomaalida waxa
qaybsaday saddex wadan oo reer Yurub ah, Djibouti oo Faransiisku
qabsaday, Somaliland oo Ingiriisku qabsaday iyo Somalia oo
Talyaaniga guumaystay ,taasi waxay u muuqataan in Soma lia aanay
ogolayn xadka ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala dhigteen, waxaan u
arkaa talaabada Somaliland qaaday mid xaq ah oo difaacaysa
qaranimada”.
|