Tallaabo Weyn Oo Ciidammadda Lagu Tayeynaayo





Waa dhaqan-gelinta mashruuc horumarineed oo dalku naawilayay muddo nus qarni ku dhow oo Somaliland madax banaanideeda ay ku naaloonaysay, waa tallaabo dawladnimadda bilaysa oo ha ybadda ciidankana kor u qaadaysa....


Hargeysa (TNN):-Waxay ahayd qoddobadii u waaweynaa ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ku taamayay ka hor intii aanu xilkaba qaban hirgelintooda, waxaanu ku xusay Barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE uu mudnaanta koowaad siinayay.

War farxad leh ayay ahayd markii sanad-guuradii 19-aad ee ciidanka qaranka ee sanadkan oo ku beegnayd 2-dii Bishii Febarwari 2013 Madaxweyne Siilaanyo uu rumeeyay himiladiisii oo uu darajooyinkii ku taxay 12 sarkaal oo ah Taliyeyaasha, abaanduuleyaasha, Taliye Ku xigeenadda ciidammadda qaranka, Booliska iyo Asluubta. Madaxweynuhu waxa uu dharaartaas ku taxay jananadda uu digreetadda madaxweyne ku magacaabay Darajooyinka Sareeye guuto illaa Sareeye Gaas.

Maalintaas wixii ka dambeeyay waxa kor u kacay hanka iyo yididiiladda ciidammadda kala duwan, waxaanay yaqiinsadeen inay jirto wax ay ku niyaayirtaan oo ah inay noqdaan ciidammo qaran oo mid waliba ku dalici karto aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa ciidanimo.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xalay niskii dambe soo saaray digreeto madaxweyne oo uu ku dhaqan geliyay in munaasibadda ciida soon-fureed ee maalmuhu innaga xigaan la siiyo darajooyinkii ciidanimo illaa toban kun oo askari oo ka kala tirsan ciidamadda noocyadooda kala duwan, kuwaasi oo qaadan doona darajooyinka Alifle illaa sareeye Gaas.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray in korodhka guno darajeedka ciidammaddana la hirgelin doono bisha September ee fooda innagu soo haysa.

Dadweynaha ayaa si weyn ugu dareen celiyay oo soo dhaweeyay bixinta darajooyinka oo ah mashruuc weyn oo dalka waxtar qaran u leh.


“Madaxweynuhu waxa uu qaaday Tallaabo aad u weyn mar kaliya. In 10 kun oo askari ay mar qudha darajooyin qaataan waa wax aan suurto gal ka noqon Karin inta badan dalalka saboolka ah ee dunnidda sadexaad. Waxaan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha inuu hirgeliyay riyadii ciidamaddeenna lagu tayaynayay oo aanaan kala masuugi Karin,”ayay ku tiraabtay Saado Cismaan Mooge oo ii sheegtay inay xubin ka tahay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Sideoo kale Goboladda dalka oo dhan ayaa si weyn looga riyaaqay qeybinta darajooyinka ciidammadda ee Madaxweynuhu dhaqan geliyay bixintooda, hase yeeshee waxa jiray dad ku doodayay in tallaabadani u baahan tahay in la saxar tiro oo si cadaalad ah loo siiyo cidii mutaysatay isla markaana meel la iska dhigo reernimadda iyo qabyaaladda.

Dadka la dhacsanaa arrintani waxay ku doodayeen in bixinta darajooyinku ay ku timid juhdi adag oo madaxweynuhu horseed ka ahaa, isla markaana loo qorsheeyay in lagu daboolo miisaaniyad iyo dhaqaale buurran oo looga soo garroocay miisaaniyad sanadeedkan 2013 ee xukuumadda dhexe. Ma yara guno darajeedka 10 kun oo askari waana tallaabo muhiim ah oo ALLE waafajiyay Madaxweynaha Afraad ee Somaliland oo xaqiijiyay riyo loo arkayay in aanay rumoobi Karin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waa tallaabo mudan in madaxweynaha lagu bogaadiyo laguna taageero waayo waxa uu ka dhabeeyay balan-qaad xasaasi ah oo u suurto geli waayay sadexdii xukuumadood ee xukunka isaga uga horeeyay.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland