Tallo ku socota xukuumadda Somaliland kuna aadan hirgalinta sharciga
socdaalka dalkeena iyo kala saarida muwaadinka iyo ajnabiga
Muddo laga joogo dhawr weeg ayaa waxa ay xukuumadda Somaliland
bilawday dadaalo ay ku xoojinayso kuna dhaqan galinayso xeer-ka
socdaalka ee u yaal dalka Somaliland (Xeer Lr.72 ee November 1995).
Sababta imika loogu baraarugay waxa ay doonto ha noqotee, ee waxa si
baaxad leh umadda Somaliland looga dheehan karayaa in ay aad ugu
farxeen una soo dhaweeyeen.
Sideedaba xeerarka amma sharciyada ku aadan socdaalka amma
qaxoontiga waxa looga dan leeyahay waa kala saarida muwaadinka iyo
ajnabiga oo markaa salka ku haysa sugitaanka dal-ahaaneed maadaama
dawlad amma dal waxa lagu noqdaa ugu horayso dadku (population).
Sidoo kale, sugida amma qeexida xuquuqda iyo waajibaadka dadka
ajnabiga ah ayuu xeerka socdaalku muhiim u yahay.
Hadaba waxa aan nasiib darro wayn u arkaa in madaxdii ina lahayd
sharcigaanu dabaqaynaa ay iyagii ka jawaabi kari waayaan cidda
ajnabiga ku ah dalka Somaliland oo markaa aad moodaba in
suxufiyiintii reer Somalia, iyo cid walboo ku liddi ah jiritaanka
dalkeenu, ka dhigteen mawduucan hub ay ku bahdilaan jiritaanka
qaranka Somaliland.
Jinsiyada Somaliland waxa qeexaya qodob dastuuri ah (Qod. 4aad),
waxa kaloo muhiim ah in dadka reer Somaliland ogaadaan in Somaliland
la midawday Somalia iyadoo xeerkeeda jinsiyadeed qeexanyay oo
Baarlamankii Somaliland ansixiyeen 23-kii June 1960 (Ordinance No.15
of 1960, eeg Somalilandlaw.com) waana sababta reer Somalia inoogu
yeedhi jireyn Soomaali-layner (Somalilander).
Xaqiiqadu waxa ay tahay in dastuur-ka Somaliland qeexayn,
haba-yaraate, kala mudnaan ku aadan dadka ajnabiga ah ee ku suggan
dalka, sidaa daraadeed qof-ka Ethiopian-ka ah iyo qof-ka Somalian-ka
ah (reer Somalia) 2-dooduba waa ajnabi marka la raacayo
dastuurkeena. Way dhacda, mararka qaarkood, in dad ajnabi ah oo
waddan ku wadda suggani kala mudnaadaan taasina waxa ay ku timaadaa
marka ay dalkii dadkaasi ajnabiga ahi kasoo jeedeen iyo dalka ay ku
sugganyiin heeshiis ku aadan socdaalka muwaadiniintooda kala
saxeexdaan. Sidaynu wada ogsoonay Somaliland iyo Somalia wax heshiis
ah oo socdaalka ku aadan may kala saxeexan, mida kale dalka Somalia
la yidhahdo jiritaanka Somaliland cadaw ayuuba ku yahay sidaa
daraadeed waxaaba xaaran ah oo siyaasada adduunka ugub ku noqonaysa
in sida ay Somalia rabto loo raaco oo mar walba madaxdeenu mudnaanta
siiyaan sidii ay reer Somalia u raali gallin lahaayeen.
Sharciga socdaalku waxa uu ka mid yahay sharciyada qaranimada
muujiya sidaa daraadeed waxa aan usoo jeedinayaa xukuumadda
Somaliland, haddii ay daacad ka tahay xoojinta qaranimada
Somaliland, tallooyinka hoos ku xusan:
· In xeerka socdaalka ee Jamhuuriyada Somaliland si isku mid ah oo
siman u wada qabto dhammaan ajnabiga dalka ku suggan oo ay ku jiraan
dadka Somalia kasoo jeeda.
· In passport-radda dalalka shisheeye (foreign passports) si isku
wada mida loola dhaqmo amma qaybo (categories) loo kala saaro, sida
matalan kuwa Europe iyo Waqooyiga Amerika, iyo kuwa Afrika iyo
Aasiya
· In dadka reer Somaliland ee dibadaha daggan, sida bariga dhexe
(khaliijka), amma ardayda dalalka dibada wax ka barta ee isticmaala
passport-ka Somlia la siiyo kaadh-ka dhalashada Somaliland
(Somaliland ID card) si marka ay dalka xuduudihiisa kasoo gallayaan
u isticmaalaan kaadh-kaas iyagoo dabcan dalka ay ka yimaadeen iyo
passport-ka ay ku dagganyiina masuul-ka socdaalka (Immigration
Officer) u sheegaya.
· In dadka reer Somaliland ee dibadaha ku daggan passport-ka Somalia
markay dalka kasoo daggayaan, iyagoo markaa lagu xaqiijinayo
kaadh-kooda dhalashada, cashuurta laga qaadayaa la mid noqon ta laga
qaado dadka reer Somalia ee ay noqoto mid ka hoosaysa maadaama ay
muwaadiniin yihiin.
· In ardayda reer Somaliland ee dibadaha wax ka barata ee
passport-ka Somalia isticmaala bilaa cashuur wadanka ay kusoo
gallaan (dabcan kaadhkooda dhalashada ayaa lagu aqoonsanayaa),
taasoo markaas dareenka muwaadin-nimmadooda kor u qaadaysa.
· In dadka Somaliland kasoo jeeda ee passport-radda Europe iyo
Amerika sita iyaga lacagta imika laga qaado uun lagu waddo maadaama
dalku u baahanyay dakhliga kasoo galla dadkaas.
· In Airport-yada dalka shambaddaha yaala la badilo oo ay markaas
noqdaan shambaddo ay ka muuqato haybad qaranimmo. Waa in shambadda
Airport-ka taala noqoto fiisihii (visa) dalka lagusoo gallayay
maadaama meel kale fiise lagasoo qaadan. Sidaa daraadeed waa in
shambaddaasi dalka magaciisu (Republic of Somaliland) ku xardhanaado
isla markaana lagu dhiggo muddada uu qofku ku joogi karo dalka
iyadoo markaa fursada cusboonaysiintu-na mar walba furantay.
· Ugu dambeyn waa in ay xukuumadda iyo guud ahaan hay-yadaha qaranka
Jamhuuriya Somaliland u hawl gallaan oo tacab badan galliyaan sidii
ay dadka reer Somaliland ee dibadaha ku daggan passport-ka Somalia
ay dalalka ay dagganyiin u oggalaysiin lahaayeen in ay dadkaasi
qaataan passport-ka Somaliland.
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
iidsl@hotmail.com
|