Talo is weydaarsi ka soo baxday Xafiiska Xidhiidhka Jaliy adaha Somaliland ee EU,kuna socota Jaaliyadaha Soma liland ee UK sidii looga arinsan lahaa Hadalka ka soo yeedhay Dawlada Ingriiska.

 


Gudoomiyaha Qurbajooga & Xidhiidhka Jaaliyadaha Somalaliland ee EU Abdiraxman Ali Ubaxle ay aa xafiiskiisa Birmingham ka soo saaray war murtiyeed uu kaga jawaabayey codsiyo is daba joo ga oo ayaamahan uga imanayey Jaaliyadaha Gobolada UK iyagoo gudoomiyaha ka codsaday sid ii uu u abaabuli lahaa isu soo bax jaaliyadaha Somaliland ee Degan UK ay kaga jawaabayaan ha dalkii nabadgelyo darada xambaarsanaa ee ay Dawlada Ingiriisku ugu digtay muwaadiniinta u dhashay ingiriiska ee jooga wadanka Somaliland inay ka soo baxaan waxana uu yidhi Gudoomiyu hu.

Aniga oo isha ku hayey hadalka ka soo yeedhay xukuumada ingiriiska lana socday jawaabaha a y ka bixisay xukuumadeena Somaliland iyo Shacabkeena oo isku duubani iyo sidoo kale Gudoomi yaha Guud ee xafiiska xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland Md. Maxamud Abdirahman Ali, waxaa m uhiima in hadii aynu nahay Jaaliyadaha Somaliland ee degan wadanka Ingiriiska inaynu inaguna arintan ka bixino jawabta ku haboon inagoo is waafajinayna sida aynu uga jawaabanyno iyo sid a ay uga jawaabeen xukuumadeena iyo shacabkenii Somaliland oo is barbar socdaa, si aynaan u wax yeelayn xidhiidhka labada wadan ee Somaliland iyo Britain una ixtiraamno iskaashiga lab ada dal.

Sidaa darteed iyadoo ay iska soo daba dhacayaan codsiyada jaaliyadaha Somaliland waxaan co dsanayaa gudoomiye ahaan inaynu talada badino oo aynu fikradaha ku soo hagaajino xafiiska jaaliyadaha Birmingham mudo gaaban si aynu dhakhso ugaga jawaabno arinta taagan, ilaa imin ka waxaa xafiiska la soo xidhiidhay una diyaara isu soo baxan jaaliyadaha.Birmingham, Manche ster, Shafield, Liverpool, Miltonkins,  iyo ururo badan oo Somalilander ah oo reer London ah oo uu ugu horeeyo  ururka Somaliland Globel Unity oo ka wakiil ahaa 7 urur oo ay isku aragti yihiin.

Waxaan jaaliyadaha ka codsanayaa inay fikirkooda ku soo hagaajiyaan emailka hoos ku qoran, waxaan doonayaa marka aynu arinka isla meel dhigno inaan la socodsiiyo Safiirkeena Somalila nd ee Wadanka Ingiriiska Ambastor Ali Aden Awale si uu inoola dhamaystiro oo inoogu hogaa miyo jawaabta aynu ka bixinayno hadalka ka yeedhay Xafiiska Arimaha dibeda Britain.
 

 


Wa bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland
Birmingham UK

sldiasporanetwork@hotmail.co.uk
+44121 572 2377 ( Office )
+44758 835 7656 ( Mobile)