TALO KU SOCOTA MADAXWAYNAHA CUSUB

 


Xisbiga udub oo haraati iyo danbaabidho la eeganaaya wax kasta oo ka soo hor baxa ama guusha siiya mucaaradka KKKKKKK.Tan iyo markii doorashadu dhamaatay ayaa waxa bilaabamay Xadhig iyo hanjabaad lagula kacaayo masuuliyiinta xisbiyada muca aridka iyo qaar ka mida hawlwadeenadii ka shaqaynaayay tirinta sanaaduuqda cod bixinta.

Hadaba waxa aan aad ula yaabay waxa udub KHAATUMA ISKAGA SII qaribayso, ee ay shacabka iyo muwaadiniinta ugu tacadiyayso Tolow xaalku ma waxa weyaan [ NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHAWRO]Waynu ka warqabnaa in udub aanay sumcad ku  lah ayn dalka balse shakhsiyan waxaan qabay in dadku ISK SAAMIXI DOONO

Ayadoo wali aan la shaacin xisbiga ku guulaystay doorashadii dhacday laakiin  saada ashu ay tahay in labada xisbi mucaarad midkood soo bixi doono MUDANE eng faysal cali xuseen iyo MUDANE MUJAAHID axmed maxamuud siilaanyo ayaa dhawaan  midko od ku ruqaansan doonaa QASRIGA MADAXTOOYADA

Waa guul aad u wayn oo usoo hoyatay shacabiga somaliland Waa darajo iyo sharaf u korodhay axsaabta mucaaridka Waa abaal wayn oo shacbiga somaliland ay u hayaan xisbiyada kulmiye iyo ucid Waa xaqii oo ka guulaystay baadilkii iyo dulmigii iyo  tacadi gii Waa maatadii oo markale ku guulaysatay inay hesho maamul xaqa oo cadaalad iyo sinaan ku maamulaWaa calankii madoobaa ee udub oo ciiray dhexdana ka kala jabay

gabagabdii

mudane ENG faysal cali waraabe iyo mudane MUJ axmed maxamuud siilaanyo Waxaan talo idinku siinayaa in aad waxqabad balaadhan umada u qabataan kaga dhabaysaan balanqaadyadii aad u qaadeen  ka caawisaan dhamaan baahida jirta ee mudada soo taagnayd Hoos u eegtaan danyarta daadsan banaanada ee udub waxba u qaban  wa yday hoos u eegtaan kuwa naafada ee udub waxba u qaban wayday hoos u eegtaan mujaahidiintii oo meel kasta ku dayacan oo udub hagratay hoos u eegtaan kuwa maa nka laga dooriyay ee gidaarada jiifa ee udub hagratay

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk