Soomaalidu waxay ku maah maahdaa hal diidani geed ay ku xoqoto ma weydo

 

Tan iyo intii ka dambeeysey khilaafkii ina -jaha-wareeriyey. lagana heshiiyey, ayaa waxaa durba soo mudh yidhi oo aan cidna ka qarsooneyn, in khilaaf  hor lehi inagu soo food leeyahay.Khilaafkaasi oo salka ku yahay soo xulida xub-naha komishanka doorashooyinka.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Hal diidani geed ay ku xoqoto ma weydo. Marka aynu eegno habka uu wax u wado Maxdaxweyna Soomaaliland Daahir  Ri yaale,iyo mar-marsiiyaha uu sameynaayo cida daah ka inaanu ku talo galin  in uu wadanka doorasho ka qabto.

Dhicana kale waxaaba la moodaa in qodobadii 6da ahaa ee algu heshiiyey, ay u sameeyeen dariiqii mar-marsiiyaha. Waayo waxa uu wakhti ku luminayaa hada ba xubin ay soo magacaabeen Xisbiyada iyo Guurtidi inuu dib u celiyo. Isaga oo isla markaasina aan wax uu ku diidey sheegin.

Guurtida iyo Xisbiyada waxaan kula talin lahaa in si deg deg loo badelo. xubnaha uu ka biyo-diidey oo tiisa loo raaco si aanu wakhti badan oo kale u lumin.Waxay ila tahay in la is dhaamo, waa tii hore loo yidhi kaadi badani waa loo golgol  badi yaa.

Hadii kale wax dhaqaaqayaa ma jiri doonaan, waana ta uun rabo Madaxweynu hu.
 


Ilaahay masiibooyinka ha ina hareer mariyo.
 



Maxamed yuusuf Buux

Holland.