TANINA WAA DARXUMO KU MAQNAYD V:

 

Xukuumaddii laga sugaya isbedel la taabankaro iyo sansaan horumar ayaa in ka yar lix bilood umma ddii u codeysey ka biyo diiday hab-dhaqankeeda ha noqoto mid dhaqaale, tu caddaaladeed, ama bul shoba. Waxa isasoo taraya warar tibaaxaaya in odorskii sannad miisaaniyadeedka 2011 ku talagalk iisii in uu hoos u dhac weyni ku yimaado dabayaaqada sannadkan, halkaasna ay ka soo baxdo miisaa niyaddii iyo kharashkii oo idabooli waaya, halkii la filayay in dhaqaale saayidi soo xaroodo. Waxa la is weydiindoona qaabka hoos u dhacaa dhaqaale loo maarayndoono.

Xiliyadi Xisbiga Kulmiye ahaa mucaaridka wuxu ku andacon jiray markaanu xukumka gacanta ku dhig no waxanu samaydoona maamul laga dheehan karo furfurnaan, daba gal iyo xisaabtan. Akhristoow hees walwaaleedaasi halkay ku dambeysay? Waxa noqotay waxba kama jiraan iyo hal bacaad lagu lisay. Musuqmaasuq iyo hanti lunsi ayaa dalka ragaadiyey ayuu Xisbiga Kulmiye goor iyo alayl ku ad dimayay sow isugumay biyo shuban Salaamu Laahi Calal Xujaaj wamaa adraa kamal Xujaaj iyo in kaa n shuufti Axmaar Franji Xaaji.

Waxa ugu horeeya ee dal ragaadiya waxa ka mid ah caddaalad hagaastay iyo hay’adihii ay wada sh aqaynta la haayeen oo iyana kaalintoodii ka soo bixiwaaya. Marfka garsoorkii iyo hay’adihii sugidda ammaanka ummadda labadaba musuqmaasiq, eex, iyo dulmi ay ku bahoobaan. Waxa iyana ka sii dar an marka sinnaan ummadda loogu xaqsooriwaayo marka la magaccabayo masu’uliinta qabanaysa xil qaran. Waxa aad ummaddu uga qaylisay qaabka loo qaybiyey askar seddex boqol ahayd oo ciidanka qaranka lagu kordhinayey tababarna looga furay magaalada Sheikh. Waxa iyana sidoo kale ahayd askar lagu kordhinayey ciidanka Ilaalada Xeebaha.

Labadaba waxay warbaahinta qaranku ku tilmaamtay in si anshaxa dowladnimo iyo curfiga dadnimo labada baxsan. Waxa kale oo hadda hummaageedii weli socdaa Agaasimayaal Guud oon hore u jiri jir in oo loo magacaabay haykal la magaxbay Gobolada Bariga, wana tan hadda aafeysay Gobolkii Togd heer. Waxaynu aragnaa ratigii oo dhadhaaro culus dhinaca midig lagaga tiiriyey oo u jiheystay Duju ma, Kurtinwarey, iyo Sablaale!Waar ka daaya xamilkii wuu qaadi, xadhig qalloocanse wuu ku dheeliy i !! Wixii laga dheefsadaane waa qaran gaddoon soo degdega oon dalka iyo dadkutoona awood u lah ayn. Indho la’aanta intan le’eg iyo jar iska xooristan dalkan dhiqimays e’ sedan arrimuhu u socodaa n haddan degeg wax looga bedelin maalin kale oo loo maaro waayo ayaa laga sheekayndoona.

Halkaa haddaynu intaa ku dhaafno, maxa u dambeeyey?

MADAXWEYNIHII HORE OO DALKA KU SOO LAABTA IYO DHACDA MADAARKA


Waxa maanta oo Bisha Juun ahayd 20, 2011 dalka dib ugu soo laabtay madaxweynihii hore ee Jamh uuruyadda Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin. Sida ummadaha adduunka dhaqanka u ahna, mark a shakhsi madaxweyne hore dalkiisa uga ahaan jiray safar debadeed dib uga soo laabto, waxa caa do ah in dadkii taageerayaashiisa ahaa ka hortagaan oo soo dhoweeyaan, sababta oo ah madaxda qaranku waxay huwantahay karaamadii iyo sharaftii ummadda, mid doortay iyo mid aan dooranba.

Haddaba waxa dhaqanka dibloomaasiyadeed ka reeban oo weliba bani Aadamnimada dureysa in ma anta Wasiirka Duulista ikyo Hawadu ku kaco waxa aan dalkan hore lu soo marin iyadoo wassir Maxa muud amar ku bixiyey in aanay taageerayaasha Xisbiga UDUB Madaarka geli Karin. Kolkuu Md. Axm ed Maxamed Maxamuud ahaa Guddoomiyaha Kulmiye, Wasiirada UDUB jidgooyo siyaasadaysan umay dhigi jiri kolkuu dhoofayo iyo kolka uu dalka dib ugu soo laabanayo. Su’aashu waxay tahay Wasiirka maxaa Madaarka geeyey? Dalku miyaanu lahayn ha’ad ammanka iyo nabad gelyada dalka sugta?

Amar ku taaglayntan wasiirku maxay salka ku haysaa? Jawaabtu waxa weeye Ilaahay inta ka so ka ysa aniga ayaa meesha iska leh. Wasiiroow I arkaay iyo imaqlaay wax kala ka dambeeyey durduran iyo ismaqiiqan waxooga ka yara debci intaad meesha joogtaba waa maalmoe’. Waa kibrad aan loom eel deyine barina tu ka daran ayeynu maqli doonaa. Nooloow adduunyada maxaa tu walba lagu arki.

Madaxda caalamka seddexaad ayaa had iyo jeer waxa isku gadaama shakhsiyaada aan milgaha dow ladnimo macneheeda si fiican u dhaadayn, halkaasna waxa ka bilaabanta ummaddii oo qadirin weyda madaxdoodii. Jidka hadda Somaliland lagu sii wadaana waa toobiyihii burburka. Waxa shalay madaar ka Hargeisa ka dhacay waa fadeexad ma hadho ah oo abidkeed Xisbiga Kulmiye qoorta u sudhnaan doonta.

Ugu dambeyn waxaynu la soconaa tariikhdii Nebi Ibrahim Calayhi Salaam in uu reerkiisii kaga tegey d ooxada hadday ay ku taala Magaalada Makkah Al-Mukaramah. Halkaas oo Ilaahay ugu baryey in uu ku arsaaqo goobtaa aan dalag la quuto iyo biyo midna lahayn. Muddo ka ayuu Nebi Ibrahim ku soo noqday goobtii waxaanu la kulmay Xaaskii inankiisii Ismaaciil, wuxu ka waraystey sida xaalkooda nol oleed yahay. Gabadhi aad ayey uga dayresi noloshay ku noolaayeen. Markuu sheekadii gabadh dhe geystay ayuu ku yidhi waan tegeyaaye markuu seygaagu soo noqdo waxad ku tidhaa, “Guriga irrid da ka bedel.” Sheekada inteeda kale halkan ku dhammaystirimayno. Intaasi waa ILAA ABUU MAXASI NI AD DOWLAHA!!

Waa inoo intaa iyo qormada dambe, la soco.

 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse