TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNAYD DHEH
Waxa jira hal qabsi yidhaa hoodada iyo nasiibku laba jeer adaamaha
ma hoomaayaan: Waxan uga socdaa Madaxweynaha talada dalka haya, Md.
Axmed Maxamed Maxamuud, tiroba laba jeer ayuu nasiib u yeesha y in
uu ina dadkiisa hoggaamiyo. Markii u horeysey Bishii
August, 1984 ayaa loo doortay
Guddoomiyihii afr aad ee
halgankii uu hormoodka ka ahaa uruurkii SNM.
Maamulkii iyo taladii halganka iyo beelweyntii
Isaaq ayeynu sanbiil ku ridnay ka dibna waxaynu gacanta ka
gelin Mudane Axmed Siiraanyo. Sanadkii 1990
ayaa Sanbiilkii oo docaha iyo guntaba ka daloolshamay, oo ummaddii
qarka u saarantahay kala yaac halgankiina burbur ku dhowyahay, ayaa
hoggaankii lagu wareejiyey Allah ha U Naxariiste Cabdiraxman Axmed
Cali. Tob an sannadood ayuu inagu qaatay halgankii qadhaadhaa ee xaq
u dirirka ahaa; naf iyo maalba dadka reer Somaliland si hagar la'aan
ah ayey ugu hureen; waxaynu muquuninay ciidanka Afrikada madow ugu
awoo da weynaa; waxaynu dib ugu soo laabanay
magaalooyinkeenii oo dhulka lala simay
oo u eg sidii magaaloo yinkii Jarmalka ee
Berlin, Bremen,
Bremen-Haven;
Dusseldorf, Hanover, iyo
Stutgart markuu dhammaaday Dagaalkii
Labaad ee Dunidu.
Muddo sannad gudihiis ah ayeynu ka guulaysannay huwantii Afweyne
Siyaad Barre dalkeeniina gacanta a yeynu ku dhignay. Bishi May
18dii 1991 waxaynu magaalada Burco kaga dhawaaqnay dib ula soo
noqosha dii Gobanimadeenii iyo Qarannimadeenii 1960kii godka madow
ku dhacday. Waxa halkaa inagala jaanqaad ay dibindaabyadii iyo
dabinadii siyaasadeed ee Butrous-Butrous Ghali ee Xusni Mubaaragan
maanta leexa du siddaa daaha dabadiisa ka waday. Shiqooladii
Masaaridu ugu soo gabatay UNISOM siday innoo saamee yeen
halkan kuma soo koobi karno. marxaladahaa adkaa waxaynu kaga soo
gudubnay isku duubni iyo wa da tashay; waxaynu go'aansannay in
aan sinaba looga qeybgelin shirarkaa ilaa maanta isdabajooga ah ee
lagu raadinayo sidii dib-u-heshiisiinii uga hanaqaadilahayd
Soomaaliya. Sannadkii 2000 laba Gole ee Sharci Dejintu xeer ayey
soosaareen lagula xisaabtamo ciddii ku xadgudubta jiritaanka iyo
Qarannimada Somalil and.
Bishii June 26dii 2010 doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadd
Somaliland ayaa waxa ku guuleystey Xi sbga Kulmiye oo Md.
Axmed Maxamed Maxamuud muruashaxa koobaad ka ahaa. Si hagar la'aan
ah ayaa dadweynuhu daafaha dalka codkoodii ugu hibeeyeen Md. Axmed
Maxamed Maxamuud sidaana wuxu ku no qday madaxweynihii
Somaliland ee afraad! Shalay waxay ahayd Beelaha Dhexe oo xiligaa
halganka aqlabiy adiisa ahaa, maanta Beelihii Somaliland ka
tirsanaa ayaa doonida wada saaran sidii qowmkii Nebi NUUX Cal
ayhi Salaam, sida ay suuradda Huud tilmaamayso.Hadda waxaynu aragna
doonidii oo meelkale u jihaysat ay, haddii aan mayalka loo
qaban si dhakhso ah inagoo ka shidaal qaadanayna arrimahan murugsan,
oo ga ar ahaan labada Xisbi Qaran ee mucaaridka ihi
kaalintooda ka soo dhalaalin, waxa la arki doonaa doontaa dhaqaaqday
oo shixnaddii saarnayd ku afrogtay geedka Gob-Yarta ah hoostiisa ee
ku yaal kownka daca lkiisa sida ay tilmaameen Suuradda Saba,
aayadda 16, iyo Suuradda An-Najm aayadda 14. Dheef iyo dhad
hamo ha jootee, ma laga yaaba in aynu faraqyada ka buuxsanno
midhahaa laga deyriyey?
Labaatankii sannadood ee laga soo gudbey, dalkeena Somaliland waxa
ka qabsoomay horumar laxaad leh oo maanta maraya heer aan dowlado la
aqoonsanyahay weli ku tallaabsan. Heerkii aynu joognay oo hore
loogasii ambaqaado ha joogte maxaa keenay in si hawl yar xukuumaddii
ummaddu dooratay go'aansato in shirar aynu ognahay natiijada ka soo
baxaysaa halka ay ku dameyneyso ka qeyb gasho? Ma waxa aynu aqbalnaa
oo aynu ku doorsannaa maqaamkii, karaamadii, iyo sharaftii bulshada
caalamka aynu ka kasban nay Gobol ka mid ah dowlad u taasha
wadaad Shariifka laba sekedood oo Muqdusho ku yaal tahliwaayey in
maamulkiisu gaadho? Shirka Tuulada Milton Park e duleedka London ku
taal, haba yaraatee Somaliland wa xa ka khuseeya ma jirin oon
ka ahayn sharaf jab. Heerkii adduunweynuhu inaga filayeymaanta waxa
dhac day nusqaan aan laga soo waasan karin kol haddii Maxamed
Cabdillahi Oomaar warbaahinta ka sheegay in aynu la mid nahay
budhcad Badeeda ka Qowlaysata Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
Wasiirka Arrimaha Debadda ee Dowlad ku sheegta wadaad Shariif wuxu
ka mid ahaa Xisbiga Kulmiye, oo markii uu kicitimayey dalka shirkii
DJibuuti uga socday kooxaha ku hirdamaya koonfur Soomaaliya waxa
ambabixiyey Xisbiga Kulmiye siduu sheegay oo waxay ahayd talo la
isla ogaa.
Mabda'iyan lama diidana in la is horfadhiista dowlad koonfuri
leedahay oo shacbiga dalkaasi soo doortay oo heshiis ku yihiin, ka
dib marka ay qiraan in ay Somaliland tahay Qaran jira, hortoodna
jiray iyagoon ma daxbannaaniba helin; waa ta labaad marka ay
Soomaali koonfureed qirto in aan xaq sharciyeed u leeyahay dib-ula-noqoshada
dowladnimadii aan lixdankii ula tegay; waa ta seddexaad wa in ay
qiraan in Somaliland qarannimadeeda iyo madaxbannaanideeda midna
Soomaali koonfureed marti looga ahayn. Hadday Shuruu daha ka
soo baxaan, marka ha la is weydiiyo in iyagana wax lala qabto.
Waxa ku soo gebagebeynaa waxa war cad
ummadda reer Somaliland
gudo iyo dibedba ka sugayaan Xuku
umadda talada dalka heysa waxa xilligan ku kalifey in shir lagu
gorfaynayo dib-u-heshiisiinta Walaweyn.
Sidan howsha yar ee Xukuumadda Somaliland u dhex dabaalatay iyo sumcad
xumada ka soo hoyatay taf
siirkeeda waxaynu ka sugi cidda talada dalka maanta haysa.
Waxaynu aragnaa
hadhaagii Afweyne Siyaad Barre oo tan
iyo Caabud waaq isu habr wacday, Argagixisa dii soo hoggaamiyey oo
wadaad Shariif iyo Xulufadiisii hub noocyo badan ugu deeqday,
Ciidankii Qaranka weerar lagu soo qaaday oo askarteenii halkaa ku
nafwaayeen. Faroole iyo reer majeerteeniya waa wada da halaqu
Somaliland u soo maro e bal hadda wada shaqaynta xukuumadda
Somaliland sheegtay e ka dha xayso ummadda ha loo shego.Wallee
xaalkeenu waa TANINA WAA
DARXUMO INOO MAQNAYD OO HADDA KOWSATAY!!!
Axmed Cali Ibrahim
Sabeyse |
|